Maxaad samayn lahayd haddii aad ogaato in 40,000 oo meyd ay ku aasan yihiin gurigaaga hoostiisa?

Lafo

Xigashada Sawirka, IPN

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

8-dii Janaayo 1996, Merced Guimarães dos Anjos oo ah hooyo saddex carruur ah leh, ayaa daawanaysay shaqaale bilaabay dayactirka qayb ka mid ah gurigeeda oo la dhisay sannadkii 1866.

Waxa uu ahaa gurigii ugu horreeyey ee ay iibsato, kaas oo ku yaallay agagaarka dekedda magaalada Rio de Janeiro, kaddib markii ay lix sano oo ay ururineesay lacag si ay uu gadato guri. Balse markii ay shaqadii dayactirka ay socotay saacado kooban waxaa dhulkii la qodayey kasoo muuqday wax aan la filayn oo ah lafaha dad dhintay ooh ore loogu aasay halkaas.

Farsamayaqaannadii goobta joogay waxay markii hore u maleeyeen in lafahaasi yihiin kuwo xoolo. Hase yeeshee Merced shaki ayaa galay, kadibna waxay bilowday inay qashinka dhex baarto, waxayna heshay ilko dhammaystiran oo qof weyn.

"Waxaan u sheegay farsamayaqaankii, 'Kuwani ma aha ilko eey; waa ilko qof bani'aadam ah,'" ayay Merced u sheegtay BBC News Brazil. "Isla markiiba farsamayaqaankii wuxuu bilaabay inuu isku aadiyo ilkihii aan dhiibay." Wax yar kaddib waxay heshay ilko kale oo yaryar.

"Waxaan iri, kuwani waa ilko ilmo. Markaas ayaan ooyay. Qof walba cabsi ayuu la aamusay."

Picha ya Merced Guimarães

Xigashada Sawirka, Júlia Dias Carneiro

Markii lafihii sii bateen, badankoodna ay ahaayeen kuwo jajaban, Merced waxay billowday inay ururiso oo sanduuqyo ku riddo. Dadkii deegaankuna waxay bilaabeen inay ka sheekeeyaan oo waxa uu noqotay arrin laga hadal hayo xaafadda.

"Waxyaabo badan ayaa maskaxdeenna ku soo dhacay. Waxaa laga yaabaa in dadkii gurigan hore u lahaa ay dad dileen oo halkan ku aaseen, ama in uu jirayn dilal kale."

Laakiin jawaabtu si dhaqso ah ayay u timid. Mid ka mid ah deriska oo taariikhda deegaanka aqoon u lahaa ayaa yimid isagoo wata khariidad hore.

"Wuu i eegay, wuxuuna yiri, 'Waxaad ku dul nooshahay qabriyo. Halkan waxaa lagu aasi jiray dadkii addoomaha ahaa.'"

Merced ayaa si aan ku talo gal u ogaatay Qabuuraha Pretos Novos, oo la adeegsan jiray qiyaastii intii u dhexaysay 1770 iyo 1830, balse la iska illaaway. Waxaa la qiyaasaa in halkaas lagu aasay ku dhowaad 40,000 oo qof.

Taariikhyahannadu waxay hore u ogaayeen jiritaanka qabuurahan iyagoo ka duulaya diiwaannada kaniisadaha, laakiin goobtooda saxda ah ayaa luntay markii ay magaalada sii ballaaratay.

Ereyga "Pretos Novos" waxaa loo adeegsan jiray Afrikaankii addoomaha ahaa ee Brazil la keeni jiray kuwaas oo badankood aan baran afka Boortaqiiska.

Dad meel iskugu yimid

Xigashada Sawirka, IPN

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Waxaan halkan ku aragnay xasuuq baaxad leh oo lagu laayay dadka madow," ayay tiri Merced, iyadoo xusuusanaysa naxdintii ku dhacday markii ay lafaha ka heshay dabaqa gurigeeda hoostiisa, oo ay ku jireen lafaha carruur aan ilkahoodu weli si buuxda u soo bixin.

"Wax fikrad ah kama aynaan haysan. Qofna nooma sheegin in halkan lagu aasay dadkii la iibin jiray, taariikhdan si ula kac ah ayaa loo qariyey."

Meel u dhow waxaa ku yaallay Dekedda Valongo, halkaas oo ay kusoo xiran jireen maraakiibta sida addoomaha Afrikaanka ah. Laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 18-aad ilaa markii la xiray dekedda sannadkii 1831, waxaa lagu qiyaasaa in 900,000 oo Afrikaan ah laga soo dejiyey dekeddaas si loogu iibiyo addoonsi, sida ay sheegtay Hay'adda UNESCO.

Rio de Janeiro waxay noqotay magaalada Brazil ee ay soo gaareen addoomaha Afrikaanka ahi ugu badnaa

Muddo ka badan saddex qarni, waxaa lagu qiyaasaa in 4.8 milyan oo Afrikaan ah si khasab ah loogu qaaday Brazil, taasoo ka dhigaysa waddanka ugu dadka badan ee addoomo Afrikaan ah la geeyey Koonfurta Ameerika, sida ku cad xogta Trans-Atlantic Slave Trade Database ee Jaamacadda Harvard.

Kumannaan badan ayaa dhintay ka hor intaysanba dhulka soo gaarin. Cilmi-baaris ay samaysay Jaamacadda Emory ayaa sheegaysa in ku dhowaad 300,000 oo qof ay ku dhinteen intii lagu soo jiray safarka

Qaar kale waxay u geeriyoodeen cudurro iyo daal wax yar kaddib markii ay yimaadeen, halka kuwo kalena ay ku dhinteen bakhaarradii lagu hayn jiray ka hor inta aan la iibin. Dad badan oo halkaas ku naf waayay ayaa lagu aasay qabuuraha maanta ku hoos yaalla guriga Merced.

Taariikh

Brazil waxay ahayd waddankii ugu dambeeyay ee Galbeedka ka tirsan ee si rasmi ah u mamnuuca addoonsiga, taasoo dhacday sannadkii 1888.

Si kastaba ha ahaatee, muddo tobannaan sano ah qayb yar oo keliya oo ka mid ah taariikhda goobtan ayaa si rasmi ah loo aqoonsanaa. Markii Merced ay heshay lafaha sannadihii 1990-meeyadii, xiriirka goobtan iyo taariikhda addoonsigu weli si weyn loogama hadlin, loomana baarin.

Xaaladdu waxay is beddeshay sannadkii 2011 markii dib loo helay Dekedda Valongo xilligii dib-u-horumarinta deegaanka ka hor Ciyaarihii Olombikada. Goobtaas ayaa markii dambe loo aqoonsaday Dhaxal reeb UNESCO leedahay, taasoo gacan ka geysatay in dunidu dib u ogaato taariikhdaas.

Merced waxay garwaaqsatay inay gurigeeda ka heshay "hanti taariikheed", balse ma ay garanayn waxa ay ku samayso.

Bilowgii waxay gurigeeda marar kooban imaan jiray dadka dalxiiseyaasha ah, gaar ahaan munaasabadaha lagu xuso taariikhda dadka Afrikaanka asal ahaan ka soo jeeda iyo maalinta xuska baabi'inta addoonsiga.

"Way adkayd," ayay tiri. "Yaa doonaya inuu booqdo qabuuraha?"

Laakiin xiisaha dadku u qabaan goobta ayaa sii kordhay, waxaana batay baaqyada lagu dalbanayo in la ilaaliyo lana dhowro.

Dalxiiseyaal

Xigashada Sawirka, IPN

Sannadkii 2005, Merced iyo dad kale waxay aasaaseen Machadka Cilmi-baarista iyo Xusuusta Pretos Novos (IPN).

Dhismaha goobta ayaa dib u habeyn lagu soo sameeyey oo waxaa kagu daray qeybo ay dadka fariisan karaan oo si joogto ah loogu qabto bandhigyo iyo maktabad ay yaallaan buugaag ka hadlaya ganacsigii addoomaha ee Badweynta Atlaantik iyo qurba-joogta Afrikaanka.

Dabaq muraayad ah ayaa booqdayaasha u saamaxaya inay arkaan hadhaagii qadiimiga ahaa ee ku duugan ciidda guduudan, halkaas oo ay ku fidsan yihiin jajabyo aan tiro lahayn oo lafaha dadka ah.

Merced waxay sheegtay in aanay sax ahayn in goobtan loogu yeedho "qabuure".

"Kuwani waxay ahaayeen godad lagu qubay maydadka," ayay tiri. "Urka dartii, qaar ka mid ah maydadka waa la gubi jiray. Godadku aad bay u buuxsameen, maydadkiina waa la isku cadaadin jiray oo la isku burburin jiray."

Diiwaannada kaniisadaha ayaa caddeynaya in goobtu aanay qarsoodi ahayn. Geerida dadka si rasmi ah ayaa loo diiwaangelin jiray, inkastoo inta badan aan magacyadooda la qori jirin. Waxaa lagu aqoonsan jiray oo keliya taariikhda geerida, magaca markabka ama meesha ay ka yimaadeen, haddii ay dhacdo in la qor magaca kaliya waxaa lagu sunti jiray magaca qofka leh la adoonsadaha.

"Qabriyadaasi waxay ku fidsan yihiin hoosta afar guri," ayay tiri Merced. "Waxaa ku jira dhallaan, carruur, dhallinyaro, haween uur leh iyo dad ka yimid Angola, Congo iyo Mozambique."

Bandhig

Xigashada Sawirka, Divulgação

Merced oo hadda jirta 69 sano waxa ay weli ku nooshahay gurigaas, iyada oo ka shaqeysa xarunta ay halkaas ka dhistay.

Ku dhowaad 300,000 oo qof ayaa booqday machadka, halka kumannaan kale ay soo mareen deegaanka ku xeeran oo maanta loo yaqaan Wareegga Dhaxalka Afrikaanka.

Dhawaan waxaa sidoo kale la furay xarun dhaqameed cusub oo u dhow goobta, si loogu dabaaldego sannad-guuradii 21-aad ee machadka.

Merced waxay sheegtay in xarunta cusub lagu qaban doono akhriska gabayada, kulammo bulshada ah, bandhigyo farshaxan, daahfurka buugaag iyo naadiyo akhris oo loogu talagalay carruurta, gaar ahaan marka ardaydu booqashooyin waxbarasho ku yimaadaan, hawlo uu IPN hore u qaban jiray balse aanu u haysan meel ku filan.