Uganda oo ku dhawaaqday war weyn ka dib 42 maalmood
Uganda ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay in uusan jirin cudurka
Ebola kadib markii ay muddo 42 maalmood ah diiwaangelin wayday wax kiis cusub
ah.
Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa sheegtay in tirinta 42-ka
maalmood ay bilaabatay markii bukaankii ugu dambeeyay ee u dhashay Uganda laga
sii fasaxay isbitaalka 16-kii Juun.
Saraakiishu waxay sheegeen in kormeer caafimaad oo la
xoojiyay oo laga sameeyay dalka oo dhan aanu muujin wax faafin ah oo cudurku ku
yeeshay bulshada muddadaas.
Guud ahaan waxaa la xaqiijiyay 20 kiis, oo ay ku jiraan laba
dhimasho oo soo gaartay laba qof oo u dhashay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee
Congo, kuwaas oo xadka Uganda uga soo gudbay si ay u helaan daaweyn.
Dillaacii ugu dambeeyay ee Ebola ayaa markii ugu horreysay
si rasmi ah looga dhawaaqay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo
bartamihii bishii May.
Cumaan oo Iiraan u gudbisay soo jeedin cusub, Maxayse ku saabsan tahay
Reuters, oo soo xiganaysa saraakiil gobolka ka tirsan, ayaa
sheegtay in Cumaan ay Iiraan u bandhigtay qorshe cusub oo lagu dhisayo hannaan
wadajir ah oo heer gobol ah si loo maareeyo Marinka Hormuz.
Sida lagu sheegay warbixinta, soo jeedintu waxay ka koobnaan
doontaa tabarucaad iskaa wax u qabso ah oo ay bixinayaan dalalka ka qaybgalaya.
Ilo-wareed gobolka ka tirsan oo codsaday inaan magaciisa la
shaacin ayaa Reuters u sheegay in qorshaha Cumaan uu taageero ka haysto dalal
gobolka ku yaalla.
Warkan ayaa imanaya kadib markii Iiraan ay shalay sheegtay
inay diidday soo jeedintii hore ee Cumaan ee ahayd in marinka koonfureed ee
Marinka Hormuz uu furnaado ilaa laga gaarayo heshiis.
Qorshahan ayaa ka hor istaagi doona Iiraan inay si gaar ah u
maamusho marinkan biyaha, waxaana lagu saleeyay nidaamka ka jira Marinka
Malacca.
Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac ayaa sheegay in laba
maalmood oo wada-hadallo xooggan ah oo ka dhacay Tehran, kuwaas oo ku soo
beegmay hakadka weerarradii Maraykanka, ay ahaayeen kuwo faa'iido leh.
Ruushka oo si adag ugu hadlay weerarkii Ukraine ku beegsatay markab Iiraan leedahay
Xigashada Sawirka, Mikhail Svetlov/Getty Images
Qoraalka sawirka, Ruushka oo si adag ugu hadlay weerarkii Ukraine ku beegsatay markab Iiraan leedahay
Ruushka ayaa sheegay in weerarkii markabka Iiraan ay ku
qaadeen Ukraine isagoo maraya Badda Caspian ay “ loo akri karo weerar lagu
qaaday Iiran”
Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa ka digay in
weerarku muujinayo sida ay muhiim u tahay in la ciribtiro waxa uu ku tilmaamay
"halista ka imanaysa Kyiv."
Iiraan ayaa sheegtay in hal badmaax oo Iiraani ah lagu
dilay, mid kalena lagu dhaawacay weerarka, waxayna ka digtay in weerarkaasi uusan
noqon doonin jawaab la'aan.
Ukraine ayaa ku dhawaaqday weerarka Sabtidii, iyadoo
sheegtay inay bartilmaameedsatay laba markab oo Ruush ah oo ku lug lahaa
gudbinta xamuul milatari oo la xiriira Iiraan gudaha Badda Caspian.
Dmitry Peskov ayaa maanta ku eedeeyay Ukraine inay
ballaarinayso baaxadda juqraafiyeed ee waxa uu ugu yeeray "weerarro
argagixiso."
Waxa kale oo uu ku eedeeyay Ukraine inay qarxisay dhuumaha
gaaska ee Nord Stream ee Jarmalka isla markaana ay waxyeello u geysatay danaha
Kazakhstan iyadoo bartilmaameedsatay kaabayaasha dhuumaha shidaalka ee Caspian
Consortium.
Tababarihii hore
ee Real Madrid, Zinedine Zidane, ayaa la xaqiijiyay inuu yahay tababaraha
cusub ee xulka qaranka Faransiiska.
Didier Deschamps,
oo ahaa tababarihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Faransiiska, ayaa soo
gabagabeeyay muddo 14 sano ah oo uu xilka hayay, ka dib markii xulku uu ku
haray heerka afar-dhamaadka ee Koobka Adduunka 2026-ka, isagoo
guuldarro kala kulmay Spain.
Zidane, oo xulka
Faransiiska kula guuleystay Koobka Adduunka sanadkii 1998-kii, ayaa shaqada
tababarenimada ka maqnaa tan iyo markii uu markii labaad ka tagay Real Madrid
sanadkii 2021-kii.
Ninkan oo 54 jir
ah, isla markaana loo arko ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara
Faransiiska, ayaa saxiixi doona heshiis uu ku hoggaaminayo xulka qaranka ilaa
Koobka Adduunka ee 2030-ka.
Markii xilka loo
magacaabay, wuxuu sheegay inay tahay "wax lagu faano" inuu hoggaamiyo
xulka qaranka Faransiiska ka dib markii ay kaalinta afaraad ka galeen Koobka
Adduunka.
"Marar badan
ayaan sheegay: ma jirto wax ka weyn xulka qaranka Faransiiska. Sidaa darteed,
waa farxad iyo waliba wax lagu faano inaan noqdo tababaraha xulkan qaranka
Faransiiska," ayuu raaciyay.
"Waa
mas'uuliyad sidoo kale. Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo madaxweynaha
[Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska] Philippe Diallo, guddiga fulinta, iyo
Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska kalsoonida ay i siiyeen, waxaana qirayaa
14-kii sano ee uu shaqeynayay Didier iyo shaqaalihiisa.
"Maanta
waxaan sidoo kale si gaar ah u xusuusanayaa dhammaan tababareyaashaydii hore.
Looma baahna in la sheego, waxaan xulka qaranka Faransiiska u hayaa yoolal iyo
hammi sare."
Bootar ay Soomaalidu u mariso carruurta oo maxkamad xukuntay in kansar laga helo
Xigashada Sawirka, Reuters
Shirkadda Johnson & Johnson (J&J) ayaa soo jeedisay inay bixineyso ilaa $5.5 bilyan (£4.14 bilyan) si loo xalliyo tobannaan kun oo dacwadood oo ka socda Maraykanka, kuwaas oo ku eedaynaya in bootarka carruurta iyo badeecooyin kale oo ay ku jirto talcum ay sababaan kansarka ugxan-sidaha.
Heshiiskan la soo jeediyay oo taariikhi ah ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu soo afjaro dagaal sharciyeed muddo dheer socday, kaas oo sannado badan culays ku ahaa shirkaddan weyn ee daryeelka caafimaadka ee fadhigeedu yahay gobolka New Jersey.
J&J waxay beenisay in badeecooyinkeeda ku salaysan talc ay sababaan kansar, waxayna wax ka beddeshay qaaciddada bootarkeeda carruurta ee si weyn loo isticmaali jiray.
Erik Haas, oo ah madaxweyne ku xigeenka waaxda dacwadaha ee shirkadda, ayaa Isniintii sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo "aan sal iyo raad lahayn", isla markaana J&J ay diyaar u tahay inay heshiis gaarto si arrintan ugu dambayn loo soo afjaro.
J&J waxay sheegtay in heshiisku dabooli doono qiyaastii 76,000 oo dacwadood, kuwaas oo ka kooban inta badan dacwooyinka haray ee la xiriira talc. Shirkaddu waxay sheegtay inay bixin doonto ilaa $3 bilyan sanadka soo socda, iyadoo aan wax lacag-bixinno dheeraad ah la filayn ka hor 2028.
Soo jeedintan waa inay aqbalaan shirkadaha qareennada ee matalaya 95% dacwooyinka kansarka ugxan-sidaha ee yaalla maxkamadaha gobollada iyo kuwa federaalka ka hor inta aan heshiiska si rasmi ah loo dhaqan gelin, sida ay sheegtay J&J.
Haas wuxuu bayaan ku sheegay in shirkaddu ay ku kalsoon tahay inay "ugu dambayn guulaysan lahaayeen dacwadaha haddii ay sii socon lahaayeen", sida ay ugu guulaysatay inta badan kiisaskii maxkamadaha la horgeeyay ilaa hadda.
Wuxuu intaas ku daray in xalka la soo jeediyay uu "shirkadda u saamaxayo inay arrintan gadaal u dhigto" isla markaana uu u oggolaanayo J&J inay "diiradda saarto himiladeeda ah horumarinta dawooyin iyo qalab caafimaad oo badbaadiya nolosha dadka."
Sacuudiga oo xukun dil ah ku fuliyay muwaadiniin Itoobiyaan ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Digniin: Waxyaabaha ku jira warkan ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan dareenkaaga.
Sacudi Carabiya ayaa gobolka Casir ku dishay shan qof oo kale oo u dhashay Itoobiya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in muwaadiniintan la dilay maalintii Axadda.
Wasaaraddu waxay soo saartay bayaan ay ku qoran yihiin magacyada muwaadiniinta lagu xukumay dilka.
BBC-da ma aysan shaacin magacyada dadka la dilay, maadaama aan la ogeyn in qoysaskoodu ay heleen ogeysiis rasmi ah.
Horaantii bishii Nofeembar, Sacuudi Carabiya waxay sidoo kale dishay laba Itoobiyaan, halka bishii Oktoobarna ay dishay afar kale.
Sida lagu sheegay bayaanka, muwaadiniintan waxaa la xiray iyagoo lagu eedeeyay inay daroogo ama xashiish ka tahriibinayeen xadka.
Xukunnadan dilka ee ugu dambeeyay ayaa kordhiyay tirada muwaadiniinta dhowaan lagu fuliyay ama lagu xukumay dil.
Wasaaraddu waxay bayaankeeda ku sheegtay in baaritaannada lagu ogaaday in Itoobiyaankaasi ay galeen falal dambiyeed.
Waxay sidoo kale sheegtay in xukunnada dilka loo fuliyay "si looga ilaaliyo muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka waxyeellada ay daroogadu leedahay."
Sacuudi Carabiya ayaa sii wadday fulinta xukunnada dilka inkastoo bilihii la soo dhaafay ay ururrada xuquuqda aadanaha iyo hay'ado kale oo kala duwan walaac ka muujiyeen qoysaska dadka la xukumay.
War deg deg ah, Cabaas Araqchi oo la hadlay Sacuudiga iyo Cummaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, ayaa wada-hadallo telefoon oo kala duwan la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee Cumaan iyo Sacuudiga.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa bayaan ku sheegtay in xaaladda marinka Badda ee Hormuz, iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu yareynayo xiisadaha laguna xaqiijinayo xasilloonida gobolka, ay ka mid ahaayeen qodobbadii looga hadlay wada-hadalladaas.
Dhawaan, Iiraan iyo Cumaan waxay yeesheen wada-hadallo adag oo socday laba maalmood, kuwaas oo ku soo beegmay joojinta weerarradii milatari ee Mareykanka. Mas'uuliyiinta labada dhinac ayaa ku tilmaamay wada-hadallada kuwo waxtar leh, balse Kazem Gharibabadi ayaa shalay sheegay in Iiraan aysan aqbalin soo jeedintii Cumaan ee lagu soo bandhigay wada-hadallada.
Dhanka kale, wada-hadallada u dhexeeyay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa dhacay inkastoo Sacuudi Carabiya ay shalay ku dhawaaqday inay qabatay oo soo ridday dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn kuwaas oo laga soo diray Ciraaq kuna sii jeeday dalkaas. Maalmihii u dambeeyay, xiisadda u dhexeysa Sacuudi Carabiya iyo kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa mar kale sii korortay.
Gabar nin ay is jeclaayeen ka jartay xubinta taranka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhacdadan naxdinta leh ayaa weli hadal heyn badan dhalinaysa, kadib markii haweeney 25 jir ah ay si buuxda u goysay xubinta taranka saaxiibkeed oo isna 25 jir ahaa, xilli uu hurdayay qol hoteel oo ay ka wada kireysteen magaalada Kano ee dalka Nigeria.
Sida uu sheegay Booliska Gobolka Kano, dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Badawa ee magaalada Kano. Labada qof ee is jeclaa waxay asal ahaan ka soo jeedaan Gobolka Jigawa.
Afhayeenka Taliska Booliska Gobolka Kano, CSP Cabdullaahi Haruna Kiyawa, ayaa sheegay in inkastoo ay hore ula kulmeen dambiyo noocan oo kale ah, tani ay tahay markii ugu horreysay ee haweeney ay si buuxda u goyso xubinta taranka ninka.
"Waxay noo sheegtay in markii ay falka geysanaysay uu hurday, isla markaana uu cabay wax hurdo u keenay, taasoo siisay fursad ay ku goyso. Kadibna waxay u jiidday musqusha oo dhiiggii ayay ka dhaqday, markaas ayay dadka kale ogaadeen in wax ay dhacayaan," ayuu yiri Kiyawa.
CSP Cabdullaahi Haruna Kiyawa ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in ninka dhalinyarada ahi uu nool yahay, isla markaana uu ku jiro isbitaal isagoo helaya daaweyn.
Roobab mahiigaan ah oo waxyeello ka geystay Itoobiya
Xigashada Sawirka, Kibrom Kidanemariam
Wiil 12 jir ah ayaa geeriyooday, in ka badan 10,000 oo qofna waa ay barakaceen kadib markii roobab culus, baraf iyo dabeylo xooggan ay ku dhufteen qaybo ka mid ah gobolka Tigray ee Itoobiya, sida uu BBC-da u sheegay mas'uul degmo.
Habtom Zenebe, oo ah ku-xigeenka maamulaha degmada ay dhibaatadu saameysay ee ku taalla Aagga Dhexe ee Tigray, ayaa sheegay in cimiladan daran ay sababtay burbur baahsan oo soo gaaray guryaha, xoolaha iyo dhul-beereedka.
"Waxaan la kulannay roob baraf wata aad u culus oo aan hore loo arag," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in duufaantu ay saameysay shan aag maamul iyo toddoba degmo oo ku yaalla aaggaas.
Duufaantu waxay ku dhufatay deegaanka Talaadadii la soo dhaafay, waxaana Habtom sheegay in dhagaxyadii barafka ay weli muuqdaan inkastoo dhowr maalmood ay ka soo wareegeen.
Wuxuu sheegay in wiilka uu adhiga lo'da raacinayay markii ay qaadeen daadad degdeg ah oo ka dhashay roobka xooggan.
"Gurigaba ma uusan gaarin markii roobkii iyo daadadkii ay haleeleen," ayuu yiri Habtom.
Mas'uulkan ayaa sheegay in khasaaraha ugu weyn laga diiwaangeliyay degmada Red Tikhili, inkastoo qaybo kale oo ka tirsan Aagga Dhexe ee Tigray ay sidoo kale saameeyeen. Wuxuu intaa ku daray in aan ilaa hadda la soo sheegin dhimasho kale.
Sida uu sheegay maamulka degmada, waxaa dhintay 201 neef oo xoolo ah, oo ay ku jiraan lo' iyo ari. Sidoo kale, 12 guri ayaa gebi ahaanba burburay, halka 625 guri oo kale ay waxyeello soo gaartay.
Duufaantu waxay sidoo kale sababtay khasaare weyn oo dhinaca beeraha ah. Qiyaastii 1,060 hektar oo dalag ah ayaa waxyeello soo gaartay, kuwaas oo intooda badan la beeray xilligii roobabka Abriil, isla markaana weli ku jiray marxaladda koritaanka.
Habtom wuxuu intaa ku daray in degmada ay soo martay 46 maalmood oo xiriir ah oo aan wax roob ahi ka da'in ka hor duufaanta, isla markaana saadaasha hawadu ay muujisay in roobabka xilliyeedku ay dib u dhici doonaan isla markaana aanay si joogto ah u di'i doonin.
Saraakiisha degmada ayaa sheegay in 2,134 qoys, oo u dhiganta qiyaastii 10,556 qof, ay barakaceen. Intooda badan waxay la deggan yihiin eheladooda iyo deriskooda, halka qaar kalena ay ku jiraan hoy ku meel gaar ah.
Habtom wuxuu sheegay in beeraleyda ay dhibaatadu saameysay ay ku sugan yihiin "xaalad aad u adag", isaga oo ka digay in xaaladdu sii xumaan karto haddii gargaar degdeg ah aan si dhaqso leh loo gaarsiin.
"Ilaa hadda wax gargaar ah lama helin," ayuu yiri. "Laakiin mas'uuliyiin ka socday degmada, gobolka iyo aagga ayaa booqday goobta, waxaana rajaynaynaa in gargaar uu xigi doono."
Hay'adda saadaasha hawada ee Itoobiya ayaa ka digtay in isbeddellada aan caadiga ahayn ee cimiladu ay saameyn karaan qaybo badan oo dalka ah, oo ay ku jirto Tigray. Qaar ka mid ah deegaannada ayaa halis ugu jira abaar, halka kuwo kalena ay wajihi karaan daadad iyo dhul-go' sababo la xiriira roobab ka badan heerkii caadiga ahaa.
Beerka xoolaha oo la cuno ma daweyn karaa cudurada beerka ee ku dhaca bini'aadamka?
Inta badan dadka waxay maqlaan talo ah: "cun beer si dhiiggaagu u fiicnaado," waxaana si gaar ah loogu sheegaa haweenka uurka leh ama dadka daciifka ah.
Taasi waa sababta ay dad badani u jecel yihiin cunista beerka ari ama digaag, balse su'aashu waxay tahay: ma run baa arrintaas? Ma caawin kartaa cunista beerka digaag ama ari in ay yarayso dhaawaca ee bini'aadamka?
Arrintan la xiriirta, Machadka Qaranka ee Caafimaadka ee Maraykanka (NIH) wuxuu sheegay in fitamiinno, bir (iron), borotiin iyo nafaqooyin kale oo badan laga helo beerka digaagga iyo ariga, sidoo kale waxaa laga helaa beerka lo'da iyo doofaarka.
Dhanka kale, fitamiin A badan looma tixgeliyo mid u wanaagsan haweenka uurka leh.
Hay'adda Caafimaadka Qaranka ee UK (NHS) ayaa sheegtay in haweenka uurka leh ay ka fogaadaan cunista beer badan, sababtoo ah heerarka sare ee fitamiin A ee ku jira waxay waxyeello u geysan karaan uurjiifka.
Israa'iil oo sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn ay ku qabatay meel u dhow xadka Urdun
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidanka Israa'iil ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu qabtay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga helay meel u dhow xadka Urdun, isla markaana uu baarayo halka laga soo duuliyay.
Qoraal ay soo saareen ciidamada Israa'iil ayaa lagu yiri:
"Waqti kooban ka hor, Ciidanka Cirka ee Israa'iil ayaa qabtay diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sugneyd aagga xadka Urdun."
Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Diyaaradda ma aysan gelin hawada Israa'iil. Meesha laga soo duuliyay weli waa la baarayaa."
Urdun ayaa marar badan bartilmaameed noqotay tan iyo markii ay dib u billowdeen colaadaha u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka horraantii bishan.
Israa'iil kama aysan qaybgelin wajiga cusub ee dagaallada.
Sidoo kale, ciidamada Israa'iil ayaa subaxnimadii Talaadada sheegay in seeriga digniinta laga maqlay deegaanka Kissufim, oo ku dhow Marinka Qasa, uu ka dhashay "aqoonsi khaldan."
Kooxda iska-caabbinta islaamiga ee ciraaq oo beenisay eedeymaha Sacuudiga
Kooxda Iska-caabbinta Islaamiga ee Ciraaq ayaa soo saartay bayaan ay ku beeninayso sheegashada Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ee ku saabsan weerar lagu qaaday xarunta sifaynta shidaalka ee Abqaiq.
Kooxdan oo ka kooban dhowr maleeshiyo oo Shiico ah isla markaana ay Iiraan taageerto ayaa bayaankeedii Isniintii ku tilmaantay weerarrada ay fuliyeen Xuuthiyiinta Yaman inay yihiin jawaab ka dhalatay go'doominta uu Sacuudigu ku hayo Yemen.
Iska-caabbinta Islaamiga ah ayaa sidoo kale uga digtay Sacuudiga inuu qaado tallaabooyin aargoosi ah.
Sida aan hore u baahinay, ka dib markii Sacuudigu Isniintii sheegay inuu hawada ku burburiyey diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo diray Ciraaq kuna sii jeeday Sacuudiga, Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Zeydi, ayaa amar ku bixiyey in dhacdadaas baaritaan lagu sameeyo.
Fiidnimadii Isniinta, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ciraaq aysan oggolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado weerarro lagu qaado dalalka deriska ah.
Horey, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa ugu baaqday dowladda Ciraaq inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga hortago in dhulka Ciraaq loo isticmaalo saldhig looga soo abaabulo weerarro ka dhan ah Sacuudiga.
Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa hore u sheegtay in bartilmaameedka weerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu ahaa xarumo shidaal oo ku yaalla Gobolka Bari iyo magaalada Riyaad.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen, sida uu hadalka u dhigay, "maleeshiyaad argagixiso oo ay Iiraan taageerto."
War ka soo kordhay weerar lagu qaaday Sacuudiga iyo sawirro dayax-gameedka oo muujiyey Qiiq
Xigashada Sawirka, COPERNICUS SENTINEL-2/Reuters
Xuutiyiinta Yemen ayaa saacado ka hor sheegay inay weerar ay
u adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen xarumo muhiim u ah soo saarista ishidaalka
ee bariga Sacuudi Carabiya.
Sawirro dayax-gacmeed ayaa hadda muujinaya qiiq ka kacaya
xarunta shidaalka ee Abqaiq ee Sacuudi Carabiya.
Tani waa markii ugu horreysay ee la soo sheego weerar ay
Xuutiyiinta, oo xulafo la ah Iiraan, ku qaadeen xarunta Abqaiq.
Abqaiq waa mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn adduunka ee
lagu sifeeyo saliidda cayriin, hab lagu diyaariyo saliidda si loogu kaydiyo
haamaha waaweyn loogana dhigo mid ammaan u ah gaadiidka iyo dhoofinta.
Xaruntan waxaa si gaar ah loogu talagalay inay diyaariso
saliidda loo gudbiyo tuubbada West–East Pipeline ee Sacuudi Carabiya, taas oo u
oggolaanaysa dalka inuu saliiddiisa uu ka dhoofiyo Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, isagoo
aan u baahnayn inuu mariyo Marinka Hormuz.
Iiraan weli wax hadal ah kama aysan soo saarin dhacdadan.
Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Sacuudi Carabiya ayaa
sheegtay in weerarrada lagu qaaday xarumaheeda ay fuliyeen maleeshiyaad Ciraaqi
ah oo xiriir la leh Iiraan, waxayna caddeysay inay xaq u leedahay inay ka
jawaabto weerarradaas.
Iiraan oo faahfaahin dheeraada ka bixisay waxa uu siday markab ay leeyihiin oo Ukriane weerartay
Safiirka Iiraan u fadhiya Ruushka, Kazem Jalali, ayaa
sheegay in markabka Iiraan ee “Anna”, oo bartilmaameed u noqday weerar ay
diyaarado aan duuliye lahayn oo Ukraine ka
fuliyeen Badda Caspian maalintii Sabtida, uu ahaa “markab rayid ah oo gebi
ahaanba aan sidin wax saanad militari ah,” isagoo beeniyay eedeymaha loo
jeediyay.
Ukraine ayaa Sabtidii
ku dhawaaqday inay weerartay bartilmaameedyo dhowr ah oo xiriir la leh Ruushka
oo ku yaalla Badda Caspian, kuwaas oo ay ku jiraan “maraakiib sida saanad
militari oo la xiriiriyey Iiraan.”
“Markabka Anna wuu jiraa, waana la arki karaa, taasoo
caddeyn u ah in sheegashada laga sameeyay waxa uu siday aysan sax ahayn.” Jalali
ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee IRNA:
Safiirka Iiraan ee Ruushka ayaa sheegay in weerarku ka
dhacay “biyaha dhuleed ee Ruushka”, isagoo xusay in markabka Anna uu
taagnaa meel qiyaastii shan kiiloomitir u jirta afka Webiga Volga xilligii ay
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine weerarka fuliyeen, isagoo sugayay
inuu sii wato safarkiisa marka duufaantu degto.
“Ruushka, oo ah dal saaxiib la ah Iiraan, waxaa laga filayaa
inuu jawaab adag ka bixiyo weerarradan dembiga ah.”ayuu yiri Jalali.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa
isaguna maanta sheegay in weerarka Ukraine ku qaaday markab ganacsi oo ku
sugnaa Badda Caspian uusan noqon doonin mid jawaab la’aan ku dhammaada.
Trump oo hadda shaaciyey war cusub oo ku saabsan Iiraan
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in
Maraykanku uu Iiraan kula jiro wada-hadallo “aad u qoto dheer”, balse uu amri
doono tallaabo militari oo “aad u xooggan” haddii wada-hadalladu
guuldareystaan.
Trump ayaa u sheegay warbaahinta Axios in uu hakiyay
weerarradii ka dhanka ahaa Iiraan kadib codsi uga yimid dalal
dhexdhexaadinayay, si fursad loo siiyo wada-hadallada.
“Waxaan Iiraan kula jirnaa wada-hadallo aad u qoto dheer.
Haddii ay miro dhalin waayaan, waxaan dib u bilaabi doonnaa hawlgallo militari
oo aad u culus.”ayuu yiri Trump.
Mar la weydiiyay inta waqti ee uu diyaar u yahay inuu siiyo
dadaallada diblomaasiyadeed, Trump wuxuu ku jawaabay:
“Ma aha waqti badan. Ama si degdeg ah ayaa lagu dhammeeyaa,
ama gebi ahaanba lama dhammeeyo.”
Isagoo ka hadlayay sababta uu u aqbalay codsigii dalalka
dhexdhexaadinayay ee ahaa in weerarrada la hakiyo, Madaxweynaha Maraykanka ayaa
yiri:
“Wax dhibaato ah nama soo gaarsiin.”
Isagoo ka hadlayay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil,
Benjamin Netanyahu, ee Washington, Trump wuxuu yiri:
“Waxaan kala hadli doonaa Bibi (Benjamin Netanyahu) xaqiiqda
ah in haddii aanan anigu madaxweyne ahaan lahayn, Iiraan ay hadda yeelan lahayd
hub nukliyeer ah, Israa’iilna la burburin lahaa.”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa maanta
sheegay in aysan hadda jirin wax wada-hadallo ah oo u socda Iiraan iyo
Maraykanka, isla markaana Tehran aysan u oggolaan doonin Maraykanka inuu
go’aamiyo waqtiga dagaalka iyo nabadda.
Xog ku saabsan tirada ciidamada Maraykanka ee ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalka Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Ugu yaraan 624
askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa la dhaawacay tan iyo markii
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amray weerarro ka dhan ah Iiraan bishii
Febraayo, sida lagu sheegay xogtii ugu dambeysay ee Pentagon-ka ee la
cusboonaysiiyay 25-ka Luulyo.
Dadka la
dhaawacay waxaa ka mid ah 417 askari oo loo tiriyay hawlgalka Operation Epic
Fury, halka 207 kale loo tiriyay qaybta loo yaqaan “Hawlgallada Dibadda”.
Toddobaadkii
hore, Pentagon-ka ayaa dib u eegis ku sameeyay tirada dadka ku dhaawacmay iyo
kuwa ku dhintay dagaalka, iyadoo magacyada afar askari oo ku dhintay howlgalka Operation Epic Fury laga saaray laguna daray
tirada dhimashada ee qaybta Overseas Operations.
Nidaamka
Pentagon-ka ee fallanqaysa dhaawacyada
difaaca, tirada dhimashada ee Operation
Epic Fury oo ah magaca loo bixiyay
weerarkii ugu horreeyay waxaa lagu qoray
ilaa Talaadadii inay ahayd 18 dhimasho 482 qof oo dhaawacmay.
Mar ka mid ah dib
u eegista, afar ka mid ah magacyadaas ayaa laga saaray, waxaana Khamiistii
tirada dhimashada la dhigay 14 qof.
Afarta askari ee
dhintay ayaa hadda lagu daray qaybta Overseas Operations, taas oo sheegaysa
inay diiwaangeliso “khasaaraha ka bilowda 7-da Luulyo 2026.” Afartaas ayaa ah
dadka keliya ee ku qoran qaybtaas inay dhinteen.
Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidanka
Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta waddo weyn oo
muhiim ah oo isku xirta Khartuum iyo caasimadda gobolka Waqooyiga Kordofan ee
go’doonsan El Cubayd kaddib laba maalmood oo dagaallo culus ay halkaas ka socdeen.
Ciidamada (RSF) ayaa gacanta ku hayay waddadan
dhererkeedu yahay 350 kiiloomitir tan iyo Abriil 2023, markii uu
bilowday dagaalka sokeeye.
Afhayeen u
hadlay ciidanka ayaa sheegay in magaalooyinka iyo tuulooyinka ku teedsan
waddadaas sidoo kale laga xoreeyay askarta RSF ee dib u gurayshao sameeey.
Qaramada
Midoobay ayaa ka digaysay musiibo bani’aadamnimo oo ka dhalan karta El Obeid,
halkaas oo ku dhowaad 500,000 oo qof oo go’doon ku jira ay la kulmayeen
weerarro xooggan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay ka geysanayaan RSF.
Hay’adda
Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa qiyaastay in ilaa 400,000 oo qof lagu
dilay, halka in ka badan 14 milyan oo qof ay ku barakaceen tan iyo
markii uu dagaalku billowday.
Daraasad "xal waara" u heshay bidaarta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.
Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.
“Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.
Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto - waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.
Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.Halkan ka sii akhriso sheekada
Madaxweynaha FIFA oo iska difaacay dhaleecayn loo jeediyey, Muxuuse sheegay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA, Gianni
Infantino, ayaa difaacay hab-dhaqankiisa kadib dhaleeceyn loo jeediyay arrimo
kala duwan oo la xiriira Koobkii Adduunka ee dhowaan la soo gabagabeeyay.
Qoraal ka koobnaa 15 bog oo uu ku baahiyay baraha bulshada,
Infantino wuxuu ku sheegay in dadka dhaliilay tartankii ay wada martigeliyeen Maraykanka,
Canada iyo Mexico ay iska indha tireen
farxadda iyo midnimada ay malaayiin taageerayaal ahi ku wada riyaaqeen intii uu
socday koobku.
Hoggaamintiisa FIFA iyo xiriirka dhow ee uu la leeyahay
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si weyn loo dhaliilay. Waxaa si
gaar ah loogu eedeeyay kadib markii faragelin toos ah oo uu sameeyay Trump ay
keentay in la hakiyo ganaaxii lagu soo rogay ciyaaryahanka Maraykanka Folarin
Balogun, kaas oo casaan loo taagay intii uu socday mid ka mid ah kulamadii ciyaaraha.
Dhaliilaha kale ee loo jeediyay tartanka waxaa ka mid ahaa
xayiraadaha safarka ee Maraykanku ku soo rogay qaar ka mid ah kooxaha iyo
mas’uuliyiinta, qiimaha sare ee tigidhada, iyo eedeymo sheegaya in
garsoorayaashu ay u muujiyeen dabacsanaan xulka Argentina.