Maxaa lagu heshiiyey kulankii qarsoonaa ee Trump iyo Netanyahu?

Trump iyo Netanyahu

Xigashada Sawirka, Maâayan Toaf (GPO)/Handout/Anadolu via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Talaadadii booqday Aqalka Cad ee Maraykanka, halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Donald Trump markii ugu horreysay tan iyo markii Israa'iil iyo Maraykanku si wadajir ah dagaal ula galeen Iiraan. Dagaalkaas ayaa waxaa hareeyay khilaafyo iyo ismaandhaafyo ka dhex jiray xidhiidhka labada hoggaamiye.

Netanyahu ayaa sheegay in uu kulan "aad u wanaagsan" uu la yeeshay Trump, isla markaana ay diiradda saareen hadafka ay wadaagaan ee ah in Iiraan laga hor istaago inay hesho hub nukliyeer ah.

"Waxaan hadda soo gabagabeeyey kulan aad u wanaagsan oo aan la yeeshay Madaxweyne Trump," ayuu Netanyahu ku sheegay muuqaal uu baahiyey, isaga oo intaas ku daray in kulanku ku salaysnaa "faham wadajir ah oo ku aaddan hadafkeenna guud ee ah inaan hubinno in Iiraan aysan yeelan hub nukliyeer ah."

Wuxuu sidoo kale sheegay in kulankan uu ahaa kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan tan iyo markii dalalkoodu bilaabeen dagaalka ka dhanka ah Iiraan bishii Febraayo, isagoo yiri: "Tani waxay ahayd mid ka mid ah wada-hadalladii ugu wanaagsanaa ee aan abid la yeesho madaxweyne Maraykan ah, saaxiibkeen Donald Trump."

Xidhiidhka labada hoggaamiye ayaa gaadhay heerkii ugu liitay bishii Abriil, xilligii wada-hadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeyey Maraykanka iyo Iiraan. Si kastaba ha ahaatee, xaaladdu waxay sii xumaatay wixii ka dambeeyey 7-dii Luulyo, markii dagaalladu dib uga qarxeen Maraykanka iyo Iiraan, iyadoo Israa'iil aanay markan si toos ah uga qaybgelin.

Waxaa la filayey in dagaalka Iiraan uu noqdo qodobka ugu weyn ee lagaga hadlayo kulanka albaabbadu u xidhan yihiin, xilli Washington ay ku adkaysanayso inay weli fursad siinayso waddada wada-hadallada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Kulanka, oo Aqalka Cad ku tilmaamay mid "wanaagsan oo miro-dhal ah", ayaa socday ku dhowaad saacad iyo badh. Waxa uu ahaa kulankii siddeedaad ee dhex mara Netanyahu iyo Trump tan iyo markii Trump dib ugu soo laabtay Aqalka Cad sannadkii hore, isaga oo bilaabay muddo-xileedkiisii labaad ee aan isku xigin.

Wargeyska Israa'iil ee Yediot Aharonot ayaa arrintan ka faallooday, isagoo sheegay in "aanu jirin hoggaamiye kale oo caalami ah oo intaas jeer kula kulmay Trump muddadiisa xil-haynta ee hadda jirta."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Netanyahu ayaa ka hor intuusan Isniintii ka bixin Israa'iil sheegay in kulankiisa Trump uu yahay "sharaf weyn, balse sidoo kale masuuliyad culus."

Wuxuu yidhi: "Waxaan ka wada hadli doonnaa dhammaan arrimaha miiska saaran, kuwa ugu horreeyana waa Iiraan. Dabcan, hadafkeenna waa inaan ilaalinno amnigeenna, isla markaana aan ballaadhinno wareegga nabadda ee inagu xeeran."

Markii uu gaadhay Washington, Netanyahu waxa uu ka qaybgalay casho xusuus gaar ah oo loo sameeyey Senator Lindsey Graham oo geeriyooday 11-kii Luulyo, sida uu xaqiijiyey xafiiskiisu. Waxa la qorsheeyey in Talaadada dambe loo qabto munaasabad lagu xusayo senator-ka geeriyooday.

Intii ay jireen xiisadaha u dhexeeyey labada dhinac, Trump ayaa dhaliilo kulul u jeediyey Netanyahu, isaga oo waraysi uu bixiyey ku tilmaamay "nin aad u adag," sababtoo ah ciidamada Israa'iil ayaa si xooggan u duqaynayey Lubnaan xilli Washington ay hormuud ka ahayd wada-hadalladii lagu doonayey in lagu soo afjaro dagaalka Iiraan, arrintaas oo carqaladaysay dadaallada diblomaasiyadeed.

Trump ayaa hore u qirtay inuu Netanyahu kula hadlay ereyo adag oo aan munaasib ahayn intii lagu jiray wada-hadal telefoon oo dhex maray.

Dhankiisa, Netanyahu ayaa yareeyey muhiimadda khilaafaadkaas, isaga oo ku tilmaamay "kala duwanaansho dhinaca habka loo wajahayo arrimaha," isla markaana ku adkaystay in labada dhinac ay isku raacsan yihiin ujeeddooyinka dagaalka.

Waxaa la filayaa in kulanka labada hoggaamiye uu sidoo kale diiradda saaro hirgelinta heshiiskii qaab-dhismeedka ahaa ee Maraykanku garwadeenka ka ahaa, kaas oo Israa'iil iyo Lubnaan ay saxeexeen bishii hore, hase yeeshee weli caqabado ka haystaan fulintiisa dhulka.

Dagaalka Lubnaan ayaa qarxay kaddib markii ururka Xisbullah uu gantaallo ku weeraray Israa'iil isagoo taageero u muujinaya Iiraan. Inkasta oo hawlgalladii milatari ee Israa'iil ay joogsadeen kaddib saxeexa heshiiska, haddana Israa'iil weli waxay gacanta ku haysaa dhul ballaadhan oo ku yaalla koonfurta Lubnaan.

Wada-hadalladu waxay sidoo kale taaban doonaan xaaladda Marinka Gaza, maadaama dadaalladii diblomaasiyadeed ee lagu bilaabi lahaa dib-u-dhiska deegaannada dagaalku burburiyey ay hakad ku jiraan.

Ku dhowaad saddex sano kaddib markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas, xaaladda bini'aadantinimo ee dhulka Falastiiniyiinta ayaa weli aad u liidata, halka ciidamada Israa'iil ay sii wadaan duqaymaha ay sheegeen inay beegsanayaan dagaalyahannada hubaysan.

Casho

Xigashada Sawirka, Getty Images

'Wax waaweyn laguma kala duwana'

Sida uu sheegay Yonatan Freeman, oo ah khabiir ku takhasusay xiriirka caalamiga ah oo ka tirsan jaamacad ku taala Qudus, ujeeddada ugu weyn ee booqashadan ayaa ah in la beeniyo wararka sheegaya inuu qabow ku yimid xidhiidhka labada dal ee xulafada ah.

Waxa uu wakaaladda AFP u sheegay: "Waxaan aaminsanahay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in dunida, Iiraan, Lubnaan iyo dalalka kale loo muujiyo inaanu jirin kala-go' ama khilaaf weyn oo u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil."

Wuxuu intaas ku daray: "Qodobada ay isku waafaqsan yihiin labada hoggaamiye ayaa aad uga badan qodobada ay isku khilaafsan yihiin."

Freeman waxa uu rumaysan yahay in wixii khilaaf ah ee u dhexeeya Trump iyo Netanyahu ay ku kooban yihiin habka lagu gaadhayo himilooyinka la doonayo, sida waqtiga hawlgallada la fulinayo, heerka ay le'eg yihiin ama ujeeddooyinka degdegga ah ee la hiigsanayo, balse aanay khusayn himilooyinka waaweyn ee ay wadaagaan.

Dhanka kale, Trump ayaa la filayaa inuu diiradda saaro labadiisa mudnaan ee ugu waaweyn ee gobolka, kuwaas oo kala ah Iiraan iyo ballaadhinta Heshiisyada Ibraahimiyiinta ee caadiyeynta xidhiidhka Israa'iil iyo dalalka Carabta, halkii uu mudnaan weyn siin lahaa arrinta Falastiin, oo uu u arko mid aan hadda ahayn mudnaanta koowaad.

Booqashada Netanyahu ayaa ku soo beegmaysa bilo yar ka hor doorashooyinka baarlamaanka Israa'iil, kuwaas oo uu ku doonayo inuu ku hantiyo muddo-xileed cusub.

Sahanno dhowaan la sameeyey ayaa muujinaya in taageerada dadweynaha ee Netanyahu ay hoos u dhacday, iyadoo ay weli jirto cadho ka dhalatay fashilka dowladdiisa ee ka hortagga weerarkii aan hore loo arag ee ay Xamaas qaaday 7-dii Oktoobar, kaas oo sababay inuu qarxo dagaalka Gaza.

Ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa sheegay in Paris ay "u oggolaatay diyaaradda Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil inay dul marto hawadeeda" intii ay ku sii jeedday Maraykanka.

Bishii Sebtembar 2025, diyaaradda Netanyahu ayaa ka leexatay hawada dalal dhowr ah oo ku yaalla bartamaha iyo waqooyiga Yurub intii ay ku sii jeedday magaalada New York. Inkasta oo Faransiisku oggolaaday inay marto hawadiisa, haddana diyaaraddu waxay ka fogaatay hawada Faransiiska waxayna dul martay marinka Gibraltar.

Warbaahinta Israa'iil ayaa xilligaas sheegtay in qorshahan loo adeegsaday sidii looga fogaan lahaa dalalka saxeexay Axdiga Rooma ee aasaasay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, kuwaas oo fulin kara amar lagu soo xidho Netanyahu haddii ay dhacdo in diyaaraddiisu degdeg ugu degto mid ka mid ah dalalkaas.

Bishii Nofeembar 2024, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa soo saartay amarro lagu soo xidhayo Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee gaashaandhigga, Yoav Gallant, iyada oo lagu eedeeyey dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada oo ka dhacay Marinka Gaza.