TOOS, Mareykanka iyo Iiraan oo ku dhawaaqay heshiis nabadeed iyo dib u furidda marin biyoodka Hormuz

Shehbaz Sharif, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo ka shaqeynayay dhexdhexaadinta wada-hadallada, ayaa sheegay in heshiis u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan la gaaray.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maxay tahay maadada sunta ah ee ku jirta kalluunkaan aad ka ay u isticmaasho Soomaalidu?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Saynisyahanno ayaa sheegay in wali meerkuriug uu ku jiro kalluunka nooca Tuunaha loo yaqaanno tobanaan sanno kadib markii la iclaamiyay xakamaynta wasakhowga iyo qiiqa hawada.

    Noocan Tuunada ee lagu sheegay in uu leeyahay suntan ayaa ah mid soomaalidu aad isticamasho, badaha Soomaaliyana si badan looga helo

    Maadadaan kiimikaada ah waxay ka dhalataa qodista iyo gubista dhuxusha, waxayna ugu danbayn ku dhammaataa badda, halkaasoo uu kalluunku ka qaato. Cadadkeeda ayaa hoos u dhacay muddooyinkii danbe, laakiin wali waxay ku hartay kalluunka Tuna tan iyo 1971 kii.

    Khuburo ayaa sheegay meerkuriga qadiimiga ahi in uu yaalo gunta hoose ee badda isagoo ku dhex qulqula biyaha, halkaas oo tunahu dabaasho.

    Meerkuriga gala badda wuxuu isu beddelaa maadada loo yaqaanno methylmercury oo ah nooca ugu halista badan ee kiimikadan.

    Maadadaan waxaa qaata Tuunaha isagoo aan badqabin ayayna aadanahu dabtaan taasoo suntaan ay quutaan markay cunaan tuunaha oo ah mid kamida kalluunada adduunka loogu isticmaalka badanyahay. Tunaha ayaana la iibiyaa in ka badan 3 milyan oo doolar sanadkii.

    Meerkuriga ayaa sidoo kale halis ku ah kalluunka ugxaanta ah ee aan dhallan wali; wuxuuna xanuuno ku sababaa dhanka wadnaha kalluunka noociisa koray.

    Walaac laga muujiyay suntaan ayay dowladdaha caalamku go’aansadeen in ay yareeyaan howlaha kimikooyinka washakhaysan sii daaya.

  2. Goorma ayaa la aasayaa hogaamiyihii sare ee Iiraan, Ayatollah Khamanei?

    .

    Xigashada Sawirka, getty

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaa la shaaciyay in hoggaamiyihii hore ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei la aasi doono bisha Luulyo 8, 2026, saddex bilood ka dib markii lagu dilay ​​​​duqeymihii cirka ee Mareykanka iyo Israa'iil ay ka geysteen Iiraan bilowgii dagaalka.

    Sida ku cad war-saxaafadeed uu soo saaray xafiiskiisa daabacaadda, aaskiisa ayaa ka bilaaban doona 4-ta Luulyo magaalada Tehran, ka hor inta aan lagu aasin 8-da Luulyo barxadda Masjidka Imam Reza ee Mashhad.

    Waxaa sidoo kale la sheegay in aas loo sameyn doono qaar ka mid ah ehelkiisa oo sidoo kale ku dhintay weeraradii lagu qaaday, kuwaas oo ka dhici doona magaalooyin kala duwan oo ay ku jiraan Tehran, Qom iyo Mashhad.

    Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in munaasabadda la filayo inay soo jiidato malaayiin qof, iyadoo la qorsheeyay munaasabado gaar ah, oo ay ku jiraan isu soo bax dadweyne oo saddex maalmood socon doona.

    Wuxuu ahaa shakhsiga ugu awooda badan Iran ee Ayatollah Ali Khamenei, isla markaana ahaa hoggaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.

    Wuxuu ahaa madaxa qaranka iyo taliyaha guud. Wuxuuna lahaa awooda amarka booliiska qaranka iyo booliiska anshaxa.

    Ayatollah Khamenei wuxuu sidoo kale oo uu gacanta ku hayey Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo qaabilsan amniga gudaha, iyo garabkeeda iskaa wax u qabso, Ciidanka iska caabbinta Basij.

    Sidoo kale akhri:

  3. Kim ma soo hadal qaadin hooyadiis muddo 15 sano ah, maxay tahay sababta?

    Siraha badan ee ku hareereysan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, waxaa ka mid ah tan hooyadii oo ah mid gooni u taagan.

    Kim waligiis hal marna meel fagaare ah kuma uusan sheegin magaceeda 15-kii sano ee uu xukunka hayay.

    Si ka duwan labadii hooyo ee hore ee taliska - Kang Pan Sok, hooyada aabbihii oo aasaasay waddanka Kim Il Sung iyo Kim Jong Suk, hooyada Kim Jong Il - oo labadaba loo qaddariyo inay yihiin "hooyooyinka Kuuriya", Ko Yong Hui waa qof daahsoon, iyada oo aan waxba lagu magacaabin si loo sharfo.

    Habkan af-duuban ee lagu hayo Ko Yong Hui ayaa laga yaabaa inuu ka yimid wax loo arko inay tahay dabaqad bulsho oo wasakhaysan iyo maqaamkeeda oo laga dhigay mid ku ekaa marwanimo, xaqiiqooyinay falanqeeyayaashu sheegeen inay khatar gelin karaan nidaamka.

    Laga soo bilaabo waxa dadka taariikh-nololeedyada qora ay isku soo ururiyeen, Ko waxay ku dhalatay Osaka, Japan 1952 waalidkeed ayaana asal ahaan ka soo jeeda jasiiradda Jeju ee Kuuriyada Koonfureed ee casriga ah - kaa oo ay u tix galiyaan dhul cadaw.

  4. War deg deg ah, Degdeg: Carruurta 16 sano ka yar ee UK oo laga mamnuucay baraha bulshada.

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Raysal wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa ku dhawaaqay in carruurta a yar da’ada 16 sano jir laga manuuci doono isticmaalka baraha bulshada.

    Waxaa uu sheegay in baraha bulshada aysan wax faa’iido ah ugu jiran carruurta ka yar da’adaas, iyo in sidoo kale aysan goob amaan ah u ahayn.

    "Baraha bulshadu waxay carruurta ka dhigayaan kuwo aan faraxsanayn", ayuu sii raaciyay.

    Waxaa uu rumeysan yahay in waalidiin badan ay soo dhoweyn doonaan tallaabadan.

    Markii wax laga weydiiyay goorta uu si rasmi ah u dhaqan gali doono sharcigan, Stermer waxaa uu sheegay inuu dhaqan galo kahor fasaxa Chrismas-ka.

  5. Maxay iska kaashan karaan Somaliland iyo Israa'iil?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Somaliland Cabadiraxmaan Cirro ayaa booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah ku tagay Israa'iil sida uu ku daabacay barahiisa bulshada.

    Dhawaan ayay ahayd markii uu soo shaac baxay warkaan ku saabsan booqashada Cirro ee Isra'iil, taa oo hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada.

    Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, oo qaabilay Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku tilmaamay boqashadiisa "mid taariikhi ah".

    Dhanka kale, sida ay horaanti sanadkan sheegtay warbaahinta Israa'iil, labo shirkadood oo Israa'iili ah, VisiRight iyo Amore Capital, ayaa Axaddii ku dhawaaqay iskaashi istaraatiiji ah oo lagu taageerayo ganacsiyada Israa'iil ayna ku doonayaan inay galaan suuqa Somaliland.

    Hindisahan ayaa imaanaya kaddib aqoonsigii dhowaan ay Israa'iil siisay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, taasoo noqotay tallaabo diblomaasiyadeed oo soo jiidatay indhaha caalamka, dhalisayna xiisad.

    Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay sheegtayna inay tahay "xadgudub lagu sameeyay gayigeeda".

    Sidoo kale dalal badan iyo ururro caalami ah ayaa garab istaagay Soomaaliya.

    Haddaba, Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) waa wasiirkii hore ee qorsheynta Somaliland iyo khabiir ku takhasusay sharciga ganacsiga, wuxuu BBC-da uga warramay sida ay Somaliland uga faa'ideysan karto aqoonsiga iyo shirkadaha Israa'iil. Lifaaqa kore ka dhegeyso:

    Halkan ka dhageyso waxa ay kala faa'iidi karaan labada dhinac.

  6. Dalalka soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen Iiraan iyo Mareykanka

    Hoggaamiyeyaasha Britain, Faransiiska, Jarmalka, iyo Talyaaniga ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegay, in heshiiska u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka inay "ka faa'iidaysanayaan fursadda" ayna si dhow ula shaqeyn doonaan Mareykanka, Iiraan, iyo la-hawlgalayaasha gobolka.

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres, ayaa kamid ah mas'uuliyiinta soo dhoweeyay heshiiskan la gaaray.

    Kooxda E4 ayaa bayaankeeda ku tiri: "Waxaan u hambalyeyneynaa Mareykanka, dowladda Iiraan, iyo dhammaan kuwa ku lugta leh, oo ay ku jiraan Pakistan, Qatar, iyo dhexdhexaadiyayaal kale, guushan muhiimka ah ee diblomaasiyadeed"

    "Hadda waa fursad lagu soo celin karo xasilloonida gobolka laguna xasilin karo dhaqaalaha adduunka, ayaa lagu yiri.

    Hoggaamiyeyaashan Yurub waxay ku baaqeen "in heshiiska Iiraan iyo Mareykanka si dhakhso leh oo dhammaystiran loo hirgeliyo intii suurtagal ah".

    Waxay sidoo kale sheegeen in "dib u furista degdegga ah ee Gacanka Hormuz iyada oo la adeegsanayo xorriyadda marin-haweedka oo aan shuruud lahayn oo aan xaddidnayn ay muhiim tahay.

    Kooxda E4 waxay ku nuuxnuuxsatay in Iiraan ay tahay in aysan waligood yeelan hub nukliyeer ah, waxayna sheegtay inay "diyaar u yihiin inay qaadaan cunaqabataynta khuseysa si ay Iiraan u hesho tallaabooyin la taaban karo oo la xaqiijin karo oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeer.Waxay ku celiyeen taageeradooda "xasiloonida, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Lubnaan”.

    La wadaag, Trump oo dhalashadiisa u dabaal dagaya

  7. Faa’idooyinka caafimaad ee shaaha sanjabiisha leh

    .

    Xigashada Sawirka, getty

    Qoraalka sawirka, .

    Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha.

    Shaaha sanjabiilka leh wuxuu leeyahay dhadhan diirran, oo xoogaa kuleyl leh, qofka xitaa wuxuu adeegsan karaan sanjabiisha qoyan midda budada ah, waxaa wanaagsan in qofka uu isticmaalo subixii hore.

    Taariikhda shaaha sanjabiilku waxa uu soo jiray ilaa 5,000 oo sano ka hor ilaa Shiinaha, halkaas oo dhaqan ahaan looga isticmaali jiray dawo ahaan . markii dambana Sanjabiishu waxaa la geeyay qaaradda Yurub oo lagu darsan jiray cuntada.

    Shaaha sanjabiilka wuxuu caan ku yahay awoodda uu u leeyahay inuu dejiyo dhibaatooyinka dheefshiidka, iyo gaar ahaan, wuxuu qofka ka caawiyaa yaraynta lallabada.

    Mid ka mid ah daraasadaha lagu sameeyay waxtarka shaaha sanjabiisha leh ayaa xitaa soo jeedinaysaa in laga yaabo in uu leehay waxtarka dawooyinka qaar, laakiin qofka xooggaa wuxuu kala kulmi karaa saameyn xun sida in qofka uu dareemo qandho subixii hore.

  8. Kooxda ee Iiraan oo ka degay Mareykanka ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Kooxda kubadda cagta ee Iiraan ayaa gaartay Mareykanka, si ay uga qayb galaan Koobka Adduunka, waxayna ka degeen Los Angeles xilli lagu dhawaaqay heshiis lagu joojinayo colaadda u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.

    Heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa yimid maalin uun ka hor kulanka furitaanka Koobka Adduunka ee kooxda Iiraan ay la yeelan doonto New Zealand ee ka dhacaya Los Angeles.

    Weeraryahanka Iiraan Mehdi Taremi ayaa BBC-da u sheegay in xiisadda socota ay qarisay tartanka laga bilaabo markii ay kooxdu timid.

    Diyaargarowgii ayaa sidoo kale hakad galay.

    Kooxda waxay la kulantay dhibaatooyin ku saabsan fiisaha, waxaana lagu qasbay inay u wareejiso Mexico.

    Ciyaartoyda ayaa ku adkeysanaya inay halkan u joogaan inay mideeyaan dadka Iiraaniyiinta ah oo ay diiradda saaraan kubadda cagta.

    Sidoo kale akhri

  9. Goorma la bixiyaa mushaarka garsoorayaasha?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Garsoore Cumar Cartan oo loo diiday inuu galo Mareykanka si uu u dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka, ayaa weli heli doona lacagtiisa oo dhan ee tartanka.

    Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC Sport in inkastoo Cumar Cartan uusan ka qayb qaadan doonin Koobka Adduunka, haddana Fifa waxay ballanqaaday inay bixin doonto mushaharkiisa.

    Garsoorayaashu ma oga lacagta dhabta ah ee ay heli doonaan marka ay garsoore ka noqdaan Koobka Adduunka, taasoo la bixiyo marka tartanku dhammaado.

    Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo ciyaarta kama dambeysta ah ee UEFA Super Cup 2026, kaddib markii loo diiday fursad uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka FIFA sababo la xiriira in loo diiday gelitaanka Mareykanka.

    UEFA ayaa manta shaacisay in 34-jirkan uu hagi doono ciyaarta furitaanka xilli-ciyaareedka ee koobka Yurub, taasoo dhex mari doonta kooxda ku guuleysatay UEFA Champions League ee PSG iyo kooxda heysata UEFA Europa League ee Aston Villa, 12-ka Agoosto waxayna ka dhici doontaa magaalada Salzburg ee dalka Austria.

    Magacaabistan ayaa timid kadib wadatashi dhex maray UEFA iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), waxaana ay ku soo aadaysaa xilli uu Cumar Cartan taageero ballaaran ka helayay ka dib markii si muran leh looga reebay Koobka Adduunka.

  10. Trump oo dhalashadiisa u dabaal dagaya

    Tartan faneed oo kala duwan ayaa lagu qabanayaa garoon weyn oo ku yaalla bannaanka Aqalka Cad ee Mareykanka, iyadoo loo dabaaldegayo dhalashada 80-aad ee Donald Trump.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa ah taageere weyn oo cayaarahan ah, laakiin sidoo kale wuxuu saami ku leeyahay shirkadda maamusha tartanka isagoo u maraya sanduuqa aaminaadda.

    Tigidhada ayaa loo iibiyay si gaar ah, iyadoo wararku sheegayaan, in qaar ka mid ah ka soo qeyb galayaasha ay bixiyeen ilaa hal milyan oo doollar si ay qayb uga noqdaan dadka daawanaya cayaarta.

    Sidoo kale akhri

  11. Ciyaartooyda Soomaalida ah ee sanadkan cayaaraya Koobka Adduunka

    .

    Xigashada Sawirka, getty

    Qoraalka sawirka, .

    Soomaaliya waligeed uma soo bixin Koobka Adduunka, laakiin tartanka sannadkan ka furmay Waqooyiga Ameerika waxaa garoomada dhexdooda ka ciyaari doona laacibiin qaababka kala duwan u sita hiddaha Soomaaliyeed. Inkastoo ay matalayaan dalal kale haddana dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo dhamaan bulshada isirka Soomaaliga ahi si un ugu jiro dhiigooda, waxay laacibiintaas ku fiirinayaan indho boholyow walaalnimo wata.

    Xulka Qatar waxaa u ciyaaraya sannadkan laba ka mid ah ciyaartoydaas dhiiga Soomaaliyeed ku jiro. Midka koowaad waa Akram Afif, oo ku dhashay caasimadda Dooxa, ayna dhaleen aabbe Soomaali ah iyo hooyo Yamani ah. Afif waa udub-dhexaadka weerarka xulka Qatar oo ay aad ugu tiirsan yihiin.

    Waa 29 sano jir, wuxuu waayihiisa ciyaareed ee kooxaha ku qaatay Al Sadd, marka laga reebo xilliyo hore oo uu amaah ugu maqnaa dalalka Spain iyo Belgium. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay koobabkii xiriirka ahaa ee xulka Qatar ka guulaystay Koobka Asia, isagoo dhaliyay saddex gool oo rigoorayaal ah kulankii ay 3-1 uga badiyeen Jordan finalkii u dambeeyay bishii Febraayo 2024.

  12. Waa kuma Cumar Cartan?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Cumar Cabdiqaadir Cartan wuxuu sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

    Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.

    Wuxuu xirfaddiisa garsoorennimo waxa ay ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee garoommada xaafadaha ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray lugta uu soo afjaray waayihiisii ​​ciyaaraha.

    Cartan waxa uu sidoo kale dhex dhexaadiye ka noqday tartamo abaabulan oo ka dhacay magaalada, in kasta oo wax badan oo horumarkiisii ​​hore ay ku yimaaddeen intii uu kormeerayay ciyaaraha aan rasmiga ahayn iyo kuwa hab-hoosaadka ah.

    Saamayn muhiim ah waxaa xirfaddiisa hore ku lahaa Cismaan Jaamac Diraac, madaxii hore ee garsoorka Soomaaliya.

    Diraac waxa uu bixiyay hagitaan farsamo iyo taageero shakhsi ah xilli ay kubbadda cagta Soomaaliya ku shaqaynaysay qaab dhismeed kooban oo caalami ah.

    "Waxa uu nagu ahaa aabbe oo kale," Cartan ayaa yiri.

    "Garsoorayaasha kaliya ma hoggaaminin ee wuu na daryeeli jiray, haddii aad Muqdisho joogto oo aadan waxba haysan wuxuu hubin lahaa inaad wax cuntaan, wuxuu idin geyn lahaa maqaayad".

    Si kastaba ha ahaatee, Diraac ayaa la dilay Agoosto 2017.Cartan ayaa ka hadlay, oo yiri.

    "Aad bay u adkeyd".

    "Wuxuu ii diyaarinayey inaan noqdo garsoore caalami ah. Wuxuu ku faani lahaa inuu arko qof Soomaali ah oo heerkan gaaray."

    Cartan waxa uu 2018 noqday garsoore liiska Fifa ku jira, waxana uu si joogto ah u dhex maray ciyaartii Afrika, isaga oo kormeeray ciyaaraha heerka sare ah ee qaaradaha.

    Bishii Janaayo 2024, wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee garsoore ka noqda ciyaar ka tirsan Afcon, isagoo maamulayay ciyaartii Group E ee Tunisia iyo Namibia.

    Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (Caf) ayaa bishii November u aqoonsaday inuu yahay sarkaalka ugu sarreeya ragga, ka hor inta aan loo magacaabin guddiga maamula qaaradda Afrika inuu kormeero lugtii labaad ee finalka Champions League ee u dhaxeysay kooxda Morocco ee AS FAR iyo Mamelodi Sundowns ee Koonfur Afrika bishii hore.

    Bishii April, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amaman kala dul dhacay, kadib markii Cartan lagu daray 52 garsoore oo ka qeyb galaya Koobka Adduunka.

    "Waxaan bogaadinayaa dadaalka, xirfadda, iyo daacadnimada uu muujiyay garsoore Cumar," ayaa yiri.

    Dhab ahaantii waxay Cartan u ahayd daqiiqad lagu faano - oo uu garanayay inay ahayd guul taariikhi ah.

    "Farxaddayda kaliya ma ahayn," ayuu yiri.

    "Qoyskeyga, dadka Soomaaliyeed, xiriirka iyo garsoorayaasha da'da yar dhamaantood waxay ila wadaageen dareenkaas, waxay u noqotay rajo ah in garsoore Soomaaliyeed uu heerkaas gaaro."

    Sidoo kale akhri

  13. Warbaahinta dawladda Iran oo baahisay 14 qodob oo ay sheegtya in lagau heshiiyay

    Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahinaysa waxa ay ku sheegtay faahfaahinta qabyo-qoraal heshiis 14 qodob ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    Qodobadan si rasmi ah looma xaqiijin labada dhinac midkoodna.

    Mehr News Agency ayaa sheegtay in qodobada ay ka mid yihiin:

    • Xabbad-joojin joogto ah oo ka hirgasha dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan
    • Ballanqaad Maraykanka uu ku galay inuusan faragelin arrimaha gudaha ee Iiraan
    • In 30 maalmood gudahood la qaado go’doominta badda ee Maraykanka
    • In ciidamada Maraykanka laga saaro Iiraan
    • In marinka Hormuz dib loo furo 30 maalmood gudahood “iyadoo lagu maamulayo habka Iiraan”
    • Maraykanka iyo xulafadiisa oo soo bandhigaya qorshe dib-u-dhis Iiraan ah oo ugu yaraan gaaraya $300 bilyan
    • In la joojiyo cunaqabateynta saliidda iyo tamarta Iiraan
    • Iiraan oo mar kale xaqiijinaysa inayan soo saari doonin hub nukliyeer ah
    • Maraykanka oo ballanqaadaya inuusan kordhin doonin ciidamadiisa gobolka isla markaana uusan soo rogi doonin cunaqabatayn cusub

    Mehr News Agency ayaa sidoo kale sheegtay in:“Wada-hadallada kama dambaysta ah aysan bilaaban doonin ilaa qayb ka mid ah lacagaha Iiraan ee la xannibay la sii daayo, cunaqabataynta saliidda la hakiyo, isla markaana go’doominta badda la qaado.”

    Waxay intaas ku dartay in heshiiska ugu dambeeya lagu ansixin doono qaraar ka soo baxa Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobey

  14. Trump ayaa u sheegay New York Times in Hurmuz aysan Iran lacag ka qaadi donin

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa galabnimadii Axadda wareysi siiyay wargeyska The New York Times, isagoo sheegay in heshiiska lala galay Iran uu dammaanad qaadayo in marinka Hormuz uu ahaan doono mid “si joogto ah u furan aan wax lacag looga qaadin Maraakiibta.”

    Wargeysku wuxuu sheegay in wareysigu ahaa wicitaan telefoon oo socday 28 daqiiqo. Intii uu socday, Donald Trump wuxuu sidoo kale sheegay in haddii Iran ay ku guuldareysato inay qaadato heshiis kama dambays ah oo dhinaca nukliyeerka ah oo ay la gasho Mareykanka, uu dib u bilaabi doono weerarrada militari.

    Wuxuu ku adkaystay hadalladiisii hore ee ahaa in go’aankii uu ku weeraray Iran bishii Febraayo, iyo xannibaaddii badeed ee uu dabadeed ku soo rogay dekedaha dalkaas, ay “dib u qaabeeyeen Bariga Dhexe si ay ugu adeegto danaha Mareykanka.”

    Ma cadda in madaxweynuhu uu mar kale la hadlay wargeyska kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiska u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

  15. Qadar oo soo dhaweysay heshiiska Iran

    Ra’iisul Wasaaraha Qatar,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Qatar,

    Ra’iisul Wasaaraha Qatar, oo ka mid ahaa dhexdhexaadiyeyaasha wada-hadallada la socday Pakistan, ayaa soo dhaweeyay heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa bartiisa X ku qoray:“Waxaan u mahadcelineynaa walaalaheenna Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.”

    Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan rajeyneynaa in dhammaan dhinacyadu ay ka qayb galaan wada-hadallada soo socda iyagoo leh niyad wanaagsan iyo hab wax-ku-ool ah oo dhisi kara oo xoojin kara horumarkan lana sii ambaqaadi kara.”

  16. Wakhti intee dhan ayay qaadan kartaa dib u furidda Hurmuz

    Hurmuz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Hurmuz

    Qoraalka Donald Trump ayaa muujinaya in Hormuz dib loo furi doono sida qayb ka ah heshiiska lala gaaray Iiraan.

    Waa marin badeed aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka—kahor colaadda, ku dhowaad 20% shidaalka iyo gaaska adduunka ayaa mari jiray marinkan.

    Si kastaba ha ahaatee, waxay u badan tahay inay qaadan doonto waqti ka hor inta Maraakiibta aysan ku soo laaban heerarkii baaxadda lahaa ka hor dagaalka, maadaama shirkadaha maraakiibtu ay doonayaan inay arkaan in heshiisku si dhab ah u shaqeynayo.

    Shirkadaha ugu waaweyn ee maraakiibta adduunka ayaa marar badan adkeeyay in badbaadada shaqaalahooda iyo maraakiibtoodu ay tahay mudnaantooda koowaad.

    Tusaalaha ugu dhow waa xiritaankii marinka Badda Cas kadib weerarradii 7-da Oktoobar. Kadib, shirkadaha waaweyn ee maraakiibta waxay qaateen ku dhowaad laba sano si ay si tartiib tartiib ah ugu soo laabtaan isticmaalka marinka.

    Waxaa la filayaa in ku soo laabashada Hormuz ay noqon doonto mid ka dhaqso badan, maadaama uu yahay marin aad uga muhiim badan ganacsiga caalamka, isla markaana aysan jirin waddo kale oo lagu beddeli karo.

    Si kastaba ha ahaatee, sida ay u dhacdo iyo xawaaraha ay ku soo noqoto ayaa weli ah mid aan la hubin.

  17. Taliska sare ee militariga Iran ayaa heshiiska ku tilmaamay mid ‘guuldaro’ u ah Mareykanka, Israel

    Taliska sare ee militariga Iiraan, Khatam al-Anbiya, ayaa sheegay in shacabka Iiraan, ciidamada qalabka sida, iyo xulafada iyo wakiillada Iiraan ee gobolka ay tusaan Maraykanka iyo Israa’iil in aysan haysan “ikhtiyaar aan ka ahayn inay aqbalaan guul-darro iyo is-dhiibid.”

    Bayaan ka soo baxay taliska ayaa la mid ah sida ay warbaahinta dowladda Iiraan u soo bandhigeyso heshiiska, iyagoo ku tilmaamaya inuu yahay guul u soo hoyatay Iiraan.

    Waxaa sidoo kale gudaha Iiraan ka sii kordhayay dhaleeceyn kaga imaanaysa kooxaha mayalka adag ee ka soo horjeeda heshiiska.

    Qaar ka mid ah dadka dhaleeceeyay heshiiska ayaa ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka—oo labaduba door muhiim ah ku lahaa wada-xaajoodyada—inay “khiyaameeyeen” Hoggaamiyihii Sare ee hore ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo lagu sheegay inuu ku dhintay weerarro Maraykan iyo Israa’iil ay fuliyeen maalintii ugu horreysay ee dagaalka, 28 Febraayo.

    Khamenei ayaa toddobaadyo ka hor dhimashadiisa sheegay in wada-hadallada Maraykanka ay ahaayeen “aan caqli gal ahayn” isla markaana aysan “xallin doonin” dhibaatooyinka dalka.

  18. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran oo sheegay in heshiiska nabadeed la saxiixi doono maalinta jimcaha

    Kazem Gharibabadi, ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa xaqiijiyay wareysi taleefan oo laga sii daayay telefishinka dowladda in heshiis lala gaaray Maraykanka, isla markaana saxiixa rasmiga ah uu ka dhici doono Switzerland Jimcaha.

    Wuxuu sheegay in:“Joojin degdeg ah oo joogto ah oo dagaalka iyo hawlgallada militari ee dhammaan jihooyinka, oo ay ku jirto Lubnaan, lagu dhawaaqi doono caawa.”

    Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in go’doominta badda ee Ciidamada Badda ee Maraykanka ay ka saaran Iiraan sidoo kale la qaadi doono caawa.

  19. Ilaa hadda Iiraan weli si rasmi ah ugama hadlin heshiiska nabadeed ee la shaaciyay

    iran tv

    Xigashada Sawirka, IRINN

    Qoraalka sawirka, iran tv

    Telefishinka dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqay in heshiis la gaaray u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, balse wuxuu warbixintaas ku saleeyay hadalkii ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Shehbaz Sharif.

    Ku dhawaaqista telefishinka dowladda, weriyaha ayaa sheegay in Maraykanka “lagu khasbay inuu saxiixo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka uu la galay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan iyo Jabhadda Iska-caabinta.”

    Telefishinka dowladda iyo qaar ka mid ah warbaahinta Iiraan ayaa heshiiskan u soo bandhigaya sidii guul u soo hoyatay Iiraan.

    Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda lama arkin mas’uul Iiraani ah oo si rasmi ah uga hadlay ama xaqiijiyay heshiiska la sheegay in la gaaray.

  20. Trump oo xaqiijiyay in heshiis ay la gaareen iran

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa xaqiijiyay warbixintii Shehbaz Sharif ee ahayd in Maraykanka iyo Iiraan ay gaareen heshiis.

    Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social:

    “Heshiiskii aan la galnay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan hadda waa la dhammeystiray.”

    Wuxuu intaas ku daray:“Waxaan si buuxda u oggolaaday in marinka badda ee Hormuz loo furo si xor ah oo aan wax lacag ah lagu soo rogin, isla markaana waxaan oggolaaday in si degdeg ah loo qaado go’doomintii badda ee ay saareen Ciidamada Badda ee Maraykanka.”

    Trump ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:“Maraakiibta aduunkow matoorradiinna shida. Shidaalkana ha socoto!”