Jawaabo laga bixiyay mamnuucdda isticmaalka baraha bulshada carruurta ka yar 16 sano

Raysalwasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa sheegay in carruurta ka yar 16 sano laga mamnuuci doono isticmaalka baraha bulshada laga bilaabo gu’ga sanadka soo socda ee 2027.
Baraha bulsho ee ay arrintani saameyn doonto waxaa ka mid ah Snapchat, TikTok, YouTube, Instagram, Facebook iyo X, balse WhatsApp iyo Signal laguma darin mamnuucistan, sida ay dowladdu sheegtay.
“In la wada mamnuuco ayaa ah tan ugu saxan…diyaar uma ihi in aan wax ka dhimo badbaadada iyo farxadda carruurteenna,” ayuu Starmer ku sheegay hadal uu telefishanka ka jeediyay.
Arday dhigata fasalada 8-aad iyo 9-aad oo daawanayay hadalka raysalwasaaraha ayaa la weydiiyay dareenkooda. Qaar way ku farxeen in la mamnuuco baraha bulshada halka kuwa kalena ay madaxa qabsadeen.
Afhayeen u hadlay Snapchat ayaa sheegay in mamnuucidda bartooda bulsho ay dhalinyarada ku riixi karto in ay u wareegaan “baro kale oo ammaankoodu hooseeyo”.
Lynn Perry, oo ah madaxa fulinta ee hay’adda samafalka carruurta ee Barnardos, ayaa sheegtay in “shirkadaha baraha bulshada ay ku fashilmeen ilaalinta carruurta”, iyadoo intaa ku dartay in ay maalin kasta maqasho saameynta ay carruurtu ku leedahay”.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka muxaafidka, Kemi Badenoch, ayaa soo dhaweysay qorshaha looga mamnuucayo carruurta ka yar 16 jirka in ay isticmaalaan baraha bulshada.
Sii akhri












