Maxay yihiin Xuutiyiinta Yemen, maxaase khilaaf ah oo kala dhexeeya Sacuudiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Manzaha Anwaar
- Role, BBC-da Urdu, Islamabad
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Toddobaadyadii u dambeeyay, xiisadda u dhexeysa Xuutiyiinta Yemen iyo Sacuudiga ayaa mar kale sii korortay, taasoo keentay in sidoo kale laga hadlo doorka isbahaysiga difaaca ee Pakistan, Turkiga iyo Sacuudiga.
Laakiin waa ayo Xuutiyiinta Yemen, maxaase khilaaf ah oo kala dhexeeya Sacuudiga?
Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay tobannaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo gantaallo ku bartilmaameedsadeen xarumaha tamarta iyo kaabayaasha kale ee rayidka ah ee Sacuudiga, taasoo keentay in 73 qof ay dhaawacmaan.
Milatariga Sacuudiga iyo Wasaaradda Tamarta ayaa sheegay in weerarradii dhacay Talaadadii lagu bartilmaameedsaday afar magaalo oo ku yaalla qaybta koonfur-galbeed ee dalka. Weerarrada ayaa sababay in dab ka kaco xarumaha shidaalka iyo xarumo kale, taasoo keentay in hawlgallada meelaha qaar si ku-meel-gaar ah loo joojiyo.
Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ka jawaabi doonaan "xiisaddan halista ah".
Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarradan ay jawaab u yihiin tobannaan weerar oo ay Sacuudigu dhawaan ka geystay deegaannada ay Xuutiyiintu maamulaan ee waqooyi-galbeed Yemen.
Isniintii, Xuutiyiintu waxay Sacuudiga ku eedeeyeen inuu duqeeyay xabsi ku yaalla magaalada Al-Xazm, halkaas oo ugu yaraan 11 qof lagu dilay. Wararka ayaa sheegaya in 20 maxbuus ay weli ku maqan yihiin burburka hoostiisa.
Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen, Sarreeye Gaas Turki Al-Maaliki, ayaa sheegay in weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ee Xuutiyiintu ay bartilmaameedsadeen goobo rayid iyo kuwo dhaqaale oo ku yaalla magaalooyinka Abha, Khamis Mushait, Jazan iyo Najran, waxaana dadka dhaawacmay ku jiray haween iyo carruur.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Tamarta, oo laga soo xigtay ilo dowladeed, ayaa lagu sheegay in warar ku saabsan dhaawacyo la helay kaddib markii la bartilmaameedsaday "xarumo iyo goobo dhowr ah oo la xiriira waaxda tamarta".
Sida bayaanka lagu sheegay, weerarradu waxay sababeen dab ka kacay goobo dhowr ah, taasoo keentay in hawlgallada qaar si ku-meel-gaar ah loo joojiyo.
Turki Al-Maaliki ayaa weerarrada Xuutiyiinta ku tilmaamay "xiisad halis ah" oo "xaqiijinaysa hab-dhaqanka colaadeed iyo mas'uuliyad-darrada ah ee maleeshiyadan argagixisada ah", wuxuuna sheegay in isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo uu qaadi doono "dhammaan tallaabooyinka hawlgal ee lagama maarmaanka ah" si loo joojiyo kooxda.
Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa ku eedeeyay milatariga Sacuudiga inuu saddexdii maalmood ee u dambeeyay in ka badan 120 duqeyn oo cirka ah ka geystay gobollada Ma'rib, Al-Baydaa, Xudeyda, Taciz iyo Al-Jawf ee Yemen, isla markaana uu geystay "dambiyo culus".
Wuxuu sheegay in Xuutiyiintu ay "gardarradaas bahalnimada ah" kaga jawaabeen "tobannaan gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn", kuwaas oo uu sheegay inay sababeen "khasaare muuqda".
Isbahaysiga ay ku mideysan yihiin dalalka Carabta ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa in ka badan toban sano taageerayay dowladda Yemen ee dagaalka ay kula jirto Xuutiyiinta, intii lagu jiray dagaalka sokeeye ee burburka ba'an ku keenay Yemen.
Xabbad-joojin aan rasmi ahayn oo socotay muddo afar sano ah ayaa billowday inay daciifto bishii Luulyo, kaddib markii Xuutiyiintu ay ku dhawaaqeen "go'doomin badeed" ka dhan ah Sacuudiga, isla markaana ay bilaabeen weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo lagu qaaday garoomada diyaaradaha Sacuudiga, xarumaha shidaalka iyo booyadaha shidaalka ee ku sugan Badda Cas.
Xuutiyiintu waxay sheegeen inay ka jawaabayaan go'doominta Sacuudigu ku hayo dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee deegaannada ay maamulaan, iyo sidoo kale duqeyn cirka ah oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Sanca, taasoo ay Sacuudiga ku eedeeyeen.
Dagaallo culus ayaa tan iyo Khamiistii ka socday dhulka xeebaha ee koonfur-galbeed Yemen, kaddib markii Xuutiyiintu ay hawlgal ka dhan ah ciidamada taageersan dowladda Yemen ka bilaabeen isku day ay ku doonayaan inay gacanta ku dhigaan marin-biyoodka Baab Al-Mandab. Marin-biyoodkaasi wuxuu isku xiraa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof, halka 18,500 qofna ay ku barakaceen.
Intii uu socday dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil iyo Iran, Badda Cas ayaa sii yeelatay muhiimad dheeraad ah oo la xiriirta dhoofinta shidaalka ee Sacuudiga, maadaama marin-biyoodka Hormuz ee Gacanka uu si dhab ah u xirmay.
Iiraan ayaa beenisay inay taageerto Xuutiyiinta: "Ansaarullaah waa dhinac madax-bannaan oo go'aannadiisa iskiis u gaara"

Xigashada Sawirka, @IRIMFA_SPOX
Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa shalay, isaga oo tixraacaya weerarrada Xuutiyiinta, ku eedeeyay in "Xuutiyiintu dhinacyo badan marka laga eego ay yihiin wakiillo iyo koox Iran u adeegta. Aniga aragtidayda, waxaa cad in Iran ay gacanta ku leedahay weerarradan."
Isagoo ka jawaabaya hadalka Marco Rubio, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismaaciil Baqei, ayaa sheegay in "Ansaarullaah ay tahay dhinac madax-bannaan oo go'aannadiisa iskiis u gaara. Ma qaataan amarro cid kale, mana aha wakiillo cid kale u adeegaya."
Wuxuu sheegay in sababta xasillooni-darrada gobolka laga raadinayo faragelinta milatari ee Maraykanka iyo siyaasadaha ku dhisan doonista uu gobolka ku maamulo. "Haddii Washington ay dhab ahaantii doonayso nabad, waxay qaadi lahayd hal tallaabo oo fudud: waxay joojin lahayd tallaabooyinkeeda khaldan iyo faragelinta xasillooni-darrada dhalisa ee ay ka waddo gobolkayaga."
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sidoo kale sharraxay mowqifka Iran ee ku aaddan soo afjaridda dagaalka Yemen, isagoo sheegay in "nabadda Yemen aan lagu dhisi karin duqeyn iyo cadaadis dibadeed. Nabaddu waxay ka bilaabataa wadaxaajood daacad ah oo ku saleysan qorshe-hawleed ay dhinacyadu ku heshiiyeen."
Maraykanka, xulafadiisa reer Galbeedka iyo dalalka Carabta ee gobolka ee xulafada la ah Sacuudiga ayaa dhowr jeer Iran ku eedeeyay inay hub siiso Xuutiyiinta Yemen, waxayna sidoo kale Tehran ku eedeeyeen inay Yemen u adeegsanayso dagaal wakiilnimo oo ay kula jirto Sacuudiga. Hase yeeshee, Iran ayaa eedahaas beenisay.
Maxay yihiin Xuutiyiinta Yemen

Xigashada Sawirka, Reuters
Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.
Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .
Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.
Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray "Dhallinyarada Mu'miniinta ah", taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go'doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.
Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.
Waxay la koreen nacaybka Israa'iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.
Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore.
Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay "Al-Xaq".
Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii.
Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama "Imperialism-ka," waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan.
Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu'miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen.
Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.















