Gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo u tartameysa kursiga uu banneeyay raysal wasaarihii hore ee UK

Xigashada Sawirka, Labour
Madaxa Golaha Deegaanka ee magaalada Camden, Sagal Cadiwali, ayaa loo magacaabay musharraxa Xisbiga shaqaalaha ee labour-ka ee doorashada ku-celiska ah ee lagu buuxinayo booskii uu baneeyay Raysal Wasaarihii hore ee Britain, Sir Keir Starmer.
Sagal oo hoggaanka Camden haysay tan iyo bishii May, isla markaana ahayd xildhibaan ku meteleysay deegaanka Camden Square tan iyo 2022-kii, ayaa 8-da October u tartami doonta kursiga Baarlamaanka ee Holborn iyo St Pancras.
Kursigan ayaa bannaanaaday kaddib markii Sir Keir oo horraantii sanadkan iska casilay xilkii Raysal Wasaaraha uu 1-dii bishan September shaaciyay inuu iska casilayo xilka xildhibaan-nimada, isagoo xusay in la joogo xilligii ku habboonaa ee uu iskaga tagi lahaa si uu diiraddiisa u saaro arrimaha caalamiga ah.
Sagal Cadiwali ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in xubnaha deegaanku ku aamineen inay u noqoto musharraxa Xisbiga Labour-ka ee aagga ay ku soo kortay.
Waxay tiri "goobtaan waa halka qoyskayga lagu soo dhoweeyay iyagoo qaxooti ah, waxayna na siisay rajo xilligii aan ugu baahnayn."
Waxay intaa ku dartay inay aad ugu faraxsan tahay inay heshay fursaddan kamid ah nolosheeda, iyadoo u soo shaqeysay bulshada iyadoo ah xildhibaan deegaan, guddoomiye iskuul, iyo qof u ololeeya arrimaha bulshada.
Dhinaca kale, hoggaamiyaha Xisbiga Gree, Zack Polanski, oo ah xubin ka tirsan Golaha London, ayaa doonaya in xisbigiisa u magacaabo musharrax, balse waxa uu tartan adag kala kulmayaa xildhibaanka deegaanka Hamza Chowdhury.
Chowdhury wuxuu sheegay in dadka deegaanka aysan u baahnayn xildhibaan la arko oo kaliya xilliga doorashada, kadibna la waayo marka doorashada la dhammeeyo.
Dhankiisa, Polanski wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu tartan la galo qof kale, wuxuuna iska diiday dhaleeceynta loo jeediyay.
Wuxuu yiri: "Waxaan u maleynayaa in xisbiga deegaanka uu si wanaagsan u garanayo in aanan ahayn qof sidaas sameeya. Deegaankaas si fiican ayaan u aqaan."
Tan iyo markii deegaankan gudaha London la sameeyay sanadkii 1983-dii, Xisbiga Labour-ka ayaa kursigan hayay. Doorasho kasta oo guud oo la qabtayna, wuxuu helayay ugu yaraan 40% codadka la dhiibtay.
Sanadkii 2024-kii, Sir Keir wuxuu helay 48.9% codadka. Waxaa ku xigay musharrax madax-bannaan oo la yiraahdo Andrew Feinstein oo helay 18.9%, halka Xisbiga Greens uu helay 10.4%. Xisbiga Conservative-ka wuxuu helay 7.2%, Reform UK 6.1% iyo Liberal Democrats 5.8%.
Xisbiga Greens ayaa guulo ka gaaray Camden doorashooyinkii deegaanka ee dhacay bishii May.













