Baaritaan lagu ogaaday in cabidda waxyaaba aadka u kulul ay kordhin karto khatarta kansarka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Michelle Roberts
- Role, Digital health editor
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Cilmi-baaris laga sameeyay UK ayaa soo jeedinaysa in si joogto ah loo cabo cabitaanno sida shaaha iyo kafeega oo aad u kulul ay kordhin karto khatarta kansarka ku dhaca dhuunta ama, oo loo yaqaan kansarka hunguriga.
Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in natiijooyinkan, oo laga helay daraasad lagu sameeyay ku dhowaad hal milyan oo qof, ay yihiin kuwa ugu ballaaran ilaa hadda ee caddeynaya xiriirka ka dhexeeya cabbitaannada aadka u kulul iyo kansarkan.
Daraasadda ayaa muujisay in dadka cabbitaannadooda ku tilmaamay "aad u kulul" ay qiyaastii saddex jeer ku badan tahay khatarta kansarkan marka loo eego dadka cabba shaah ama qaxwo "diirran". Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay carrabka ku adkeeyeen in fursadda guud ee qofku ugu dhaco kansarkan ay weli hooseyso.
Cabitaannada aadka u kulul ee dhuunta ka gudbaya una sii socda caloosha wuxuu dhaawici karaa xuubka unugyada gudaha ee dhuunta cuntada.
Shaaha ama kafeega kulul
Shaqadan cilmi-baarista ah oo ay samaysay Jaamacadda Oxford, laguna daabacay International Journal of Cancer, ayaa cabitaan kasta oo heerkulkiisu yahay 65°C ama ka badan ku qeexaysa inuu yahay mid "aad u kulul" oo keeni kara khatar caafimaad.
Sida laga soo xigtay xog laga ururiyey 977,282 rag iyo dumar ah oo da'doodu dhexdhexaad tahay, cabbidda lix ama in ka badan oo cabitaanno kulul ah maalintii ayaa sidoo kale kordhinaysa khatarta.
Inkasta oo caanaha lagu daro ay cabitaanka wax yar qaboojin karaan, haddana shaah ama qaxwo caano leh ayaa weli laga yaabaa inuu aad u kulul yahay, ayay cilmi-baarayaashu sheegeen.
Hay'adda Cancer Research UK waxay sheegtay inay adag tahay in waqti sax ah loo cayimo inta ay tahay in cabitaan kulul la sugo si uu u qaboobo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Balse haddii aad ka welwelsan tahay, waxaan kugula talin lahayn inaad sugto ilaa cabitaanku noqdo mid si raaxo leh loo cabbi karo, halkii aad cabbi lahayd isagoo weli aad u kulul," ayay hay'addu tiri.
Cilmi-baaraha hoggaaminaysay daraasadda, Dr Keren Papier, ayaa sheegtay in cilmi-baaris hore oo Koonfurta Ameerika laga sameeyay—halkaas oo dad badan ay cabbaan cabitaan geedo laga sameeyo oo aad u kulul oo loo yaqaan mate, ay horey u muujisay xiriir la mid ah oo u dhexeeya cabitaannada kulul iyo kansarka hunguriga.
Laakiin waxay tiri: "Hadda waxaa loo baahan yahay cilmi-baaris dheeraad ah si loo ogaado heerkulka saxda ah ee cabitaannada ee lala xiriirin karo khatartan korodhay."
Daraasad kale oo lagu sameeyay 118 qof oo da'yar, kuwaas oo dhowr jeer dhadhamiyay noocyo kala duwan oo qaxwo madow ah, ayaa lagu ogaaday in dadka badankoodu cabitaanka u arkeen inuu aad u kulul yahay marka heerkulku gaaro 70°C ama ka badan.
Sida laga soo xigtay shirkad samaysa koobabka qaxwaha la qaato, heerkulka ugu habboon ee qaxwaha kulul ee la cabayo waa inta u dhaxaysa 49°C iyo 60°C.
Halista guud
Cilmi-baarayaashu waxay qiyaasayaan in qiyaastii hal ama laba ka mid ah 10-kii kiis ee kansarka hunguriga laga hortagi karo haddii dadku joojiyaan cabbidda cabitaannada aadka u kulul.
Kansarka hunguriga ee loo yaqaan squamous cell oesophageal cancer waa nooc dhif ah, waxaana sannad kasta uu ku dhacaa dhowr kun oo qof. Dalka UK, qiyaastii 1% dadka ayaa halis ugu jira inay noloshooda mar uun ku dhacaan noocan kansarka ah.
Sidaas darteed, xitaa haddii cabitaannada aadka u kulul ay kordhin karaan khatarta qofka, haddana fursadda uu qofku ku qaadi karo kansarkan weli waa hooseysaa.
Waxaa sidoo kale jira arrimo kale oo halis ah, sida sigaar-cabista, kuwaas oo khatar weyn u ah kansarka hunguriga.
Fiona Osgun oo ka tirsan Cancer Research UK, oo maalgelisay daraasaddan, ayaa carrabka ku adkaysay: "Hababka ugu muhiimsan ee lagu yareyn karo khatarta kansarkan waa in aan la cabin sigaarka iyo in la yareeyo cabbidda khamriga."
Calaamadaha kansarka hunguriga waxaa ka mid noqon kara laab-jeex, dheefshiid xumo, xanuun ku dhaca cunaha ama laabta, iyo miisaanka oo yaraada.















