10-ka dal ee ugu qanisan qaaradda Afrika
Qaaradda Afrika ayaa lagu tilmaamaa iney tahay tan ugu faqiirsan dunida, iyada oo faqiirnimada qaaradda loo sababeeyo dhaqaala aan xasilooneyn, amni la’aan, musuqmaasuq, dagaallo sokeeye iyo falalka argagixisada ee qaaradda ka dhaca.
Haddaba hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka warbixin ay si wadajir ah u soo saareen dabayaaqada 2021-ka waxay ku shaaciyeen 10-ka dal ee qaaraddan Afrika ugu qanisan.
Masar: Dalka Masar ayaa noqday waddanka koobaad ee qaaradda Africa oo kobaca dhaqaalaha (GDP) kaalintaa koobaad ka galay sida warbixinta lagu shaaciyey.
Dalka Masar waxsoo saarkiisa sanadkii wuxuu ka helaa dakhli dhan $1.38 trillion oo doolar.
Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 102 malyan oo qof, dhaqaalaha dalkaasina wuxuu ku tiirsan yahay beeraha, macdanta iyo dalxiiska.
Nigeria: Dalka Nigeria oo kaalinta labaad ka galay waddamada ugu qanisan qaaraddan Afrika kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadkii gaaraya $1.14 trillion oo doolar.
Dalka Nigeria oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 206.1 malyan oo qof kaasoo ka dhigaya dalka ugu dadka badan qarradda. Dhaqaalaha dalka Nigeria wuxuu ku tiirsan yahay Saliidda iyo Beeraha.
South Africa: Dalka Koonfur Afrika oo waddamada ugu qanisan qaaradda Afrika kalinta seddexaad ugu jira kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadkii gaaraya $861.93 balyan oo doolar.
Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 59,899,576, dhaqaalahiisu wuxuu ku tiirsan yahay macdanta gaar ahaanna dahabka iyo kheyraad kale oo dabiici ah.
Algeria: Algeria oo ah dalka seddexaad ugu qanisan qaaradda Afrika kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $532.57 balyan oo doolar.
Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 44,911,520 dhaqaalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay Saliidda iyo Gaaska dabiiciga uu dibadda u dhoofiyo.
Ethiopia: Dalka Ethiopia oo ku yaalla bariga Afrika kaalinta lixaadna kaga jira waddamada ugu qanisan waddamada qaaradda Afrika dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $298.57 balyan oo doolar.
Dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 115 malyan oo qof dhaqalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay waxsoosaarka Beeraha.

