"Digniin ka timid Maxamed bin Zayed ka hor 7-dii Oktoobar" ayaa xiisad ka dhalisay Israa'iil; Netanyahu ayaa beeniyay arrintaas

Benjamin Netanyahu iyo Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Warbixin uu baahiyey wargeyska Haaretz ayaa Israel ka dhex dhalisay xiisad siyaasadeed iyo mid sirdoon, kaddib markii uu ku eedeeyey Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inuu iska indhatiray digniin ka timid Imaaraadka Carabta oo ku saabsan weerar weyn oo Xamaas ay diyaarinaysay ka hor 7-dii Oktoobar 2023, isla markaana uusan digniintaas la wadaagin madaxda hay'adaha ammaanka.

Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxammed bin Zayed Al Nahyan, uu Netanyahu uga digay, qiyaastii toban maalmood ka hor weerarka, in hoggaamiyihii Xamaas ee Marinka Gaza xilligaas, Yahya Sinwar, uu qorsheynayay inuu Israel ka fuliyo "howlgal weyn".

Xafiiska Netanyahu ayaa si cad u beeniyey inuu helay wicitaanka ama digniintaas, wuxuuna sheegay inuu damacsan yahay inuu dacwad sumcad-dil ah ka gudbiyo wargeyska iyo mid ka mid ah qorayaasha baaritaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ma aysan xaqiijin, mana aysan beenin in wicitaankaasi dhacay. Waxay sheegtay in aysan faallo ka bixin wararka warbaahinta ama mala-awaalka la xiriira wada-hadallada madaxda, iyadoo intaas ku dartay in hay'adaha ay khuseyso ee labada dal ay is dhaafsadaan xogta sirdoonka marka loo baahdo.

Maxay qoray wargeyska Haaretz?

Baaritaanka Haaretz wuxuu ku salaysnaa xog ay soo ururiyeen suxufiyiinta Shlomi Eldar iyo Ruth Yuval, taas oo qayb ka ah buuggooda cusub ee la yiraahdo "La-haystayaal: 843 Maalmood oo Dayacaad ah".

Waxay sheegeen in xogta ay ka heleen tobannaan ilo oo ku sugan Israel iyo dalal kale, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil xilal sare haya, iyo sidoo kale cajalado gudaha ah, dukumentiyo iyo qoraallo la is-dhaafsiaday.

Sida uu sheegay baaritaanku, Mohammed bin Zayed ayaa walaac sii kordhaya ka qabay in xaaladda gobolka ay qarxi karto bilihii ka horreeyay dagaalka.

Wargeysku wuxuu soo xigtay Madaxweynaha Israel Isaac Herzog oo sheegay in madaxweynaha Imaaraadku uu marar badan kala hadlay baahida loo qabo in xaaladda la dejiyo, isla markaana uu ergo gaar ah u diray Israel si ay ula kulanto Netanyahu.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baaritaanku wuxuu sheegay in digniintaasi ay ka timid farriin uu Sinwar gudbiyey bishii Sebtembar 2023, isaga oo adeegsanaya sarkaal ka tirsan Xisbiga Fatah, xilli ay hakad ku jireen wada-hadallo qarsoodi ah oo u dhexeeyay Xamaas iyo Israel oo ku saabsanaa xabbad-joojin muddo dheer ah iyo heshiis is-dhaafsi.

Sida uu wargeysku sheegay, Sinwar wuxuu dhex-dhexaadiyaha u sheegay inuu diyaarinayo "yaabka ugu weyn ee dhammaan yaababka", "hawlgal cabsi leh" iyo "wax aan caadi ahayn".

Wuxuu sidoo kale adeegsaday erayga "dhulgariir", isagoo dalbaday in hadalladiisa si toos ah, eray-eray, loogu gudbiyo dhinaca Israel.

Farriinta ayaa gaartay la-taliye Falastiini ah oo aad ugu dhow Mohammed bin Zayed, kaas oo codsaday in marka hore la xaqiijiyo muhiimadda iyo dhabnimada farriinta ka hor inta aan loo gudbin Israel.

Kaddib kulan labaad oo dhexmaray dhex-dhexaadiyaha iyo Sinwar, la-taliyuhu wuxuu soo gabagabeeyay in hoggaamiyaha Xamaas uu ula jeeday dagaal, wuxuuna arrintaas ku wargeliyey madaxweynaha Imaaraadka Carabta.

15-kii Sebtembar, digniinta waxaa loo gudbiyey Hay'adda Ammaanka Israel ee Shin Bet, waxaana madaxa hay'adda xilligaas, Ronen Bar, uu Netanyahu uga warbixiyey hanjabaadda Sinwar.

Laba maalmood kaddib, waxaa la qabtay kulan amni oo ay ka qaybgaleen wasiirka gaashaandhigga iyo wakiillo ka socday hay'adaha ammaanka.

Si kastaba ha ahaatee, qiimeyntii hore ee Shin Bet waxay ahayd in Sinwar laga yaabo inuu qorsheynayay hawlgal kooban ama inuu doonayay in la afduubo cilmi-baare Israa'iili ah oo lagu magacaabo Elizabeth Tsurkov, oo xilligaas lagu haystay Ciraaq, halkii uu ka qorsheyn lahaa weerar ballaaran oo laga soo qaado Marinka Gaza.

Sida uu sheegay baaritaanku, Ronen Bar wuxuu ku taliyey in digniinta si dhab ah loo qaato, lana fuliyo hawlgal ka hortag ah ama la xoojiyo tallaabooyinka difaaca ee Gaza iyo Daanta Galbeed. Hase yeeshee, kulamadii ayaa kusoo dhammaaday iyada oo aan wax go'aan ah laga gaarin.

Haaretz ayaa werisay in Mohammed bin Zayed, kaddib markii uu ogaaday in Israel aysan wax tallaabo ah ka qaadin digniinta, uu go'aansaday inuu si toos ah ula xiriiro Netanyahu. Wicitaanka waxaa loo maray qalab isgaarsiineed oo sir ah oo uu wakiil Imaaraadi ah keenay xafiiska ra'iisul wasaaraha Israel.

Wicitaanku wuxuu socday ku dhowaad 45 daqiiqo. Intii uu socday, Mohammed bin Zayed wuxuu uga digay Netanyahu in Sinwar uu diyaarinayo hawlgal weyn oo sababi kara daadinta dhiig badan, xasilooni-darro ka abuuri kara gobolka, isla markaana wiiqi kara heshiisyada Abraham Accords.

Baaritaanku wuxuu intaas ku daray in Netanyahu uu si deggan uga jawaabay, isagoo sheegay in qiimeyntooda ay muujinayso in Xamaas ay damacsan tahay inay tallaabo ka qaaddo Daanta Galbeed. Wuxuuna madaxweynaha Imaaraadka u xaqiijiyey in Israel ay diyaar u tahay dhammaan xaaladaha suuragalka ah.

Sida uu wargeysku sheegay, Netanyahu ma uusan wargelin Taliyaha Guud ee Ciidanka Israel, madaxa Mossad ama madaxa Shin Bet oo ku saabsan wicitaankaas. Sidoo kale, ma uusan soo hadal qaadin intii uu socday kulan amni oo 1-dii Oktoobar loo qabtay in looga hadlo xiisadda ka taagnayd xadka Gaza.

Baaritaanku wuxuu sheegay in Netanyahu isla muddadaas uu digniin la mid ah ka helay Abbas Kamel, oo xilligaas ahaa madaxa sirdoonka guud ee Masar. Hase yeeshee, wuxuu ugu jawaabay in Israel ay ogtahay waxa Gaza ka socda isla markaana ay xaaladda gacanta ku hayso, isagoo sheegay in khatarta ugu weyn ay ka imaanaysay Daanta Galbeed.

Wargeysku wuxuu soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan Shin Bet oo sheegay in haddii hay'adaha ammaanka ay ka warqabeen digniinihii Imaaraadka iyo Masar, ay taasi siin kartay farriintii Sinwar miisaan dheeraad ah, isla markaana ay ku qasbi kartay saraakiisha inay dib u eegaan qiimeyntoodii ku aaddan khatarta.


Benjamin Netanyahu

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

Netanyahu ayaa beeniyay eedeymaha, wuxuuna aadayaa maxkamad

Xafiiska Netanyahu ayaa baaritaanka Haaretz ku tilmaamay "been", wuxuuna sheegay in ra'iisul wasaaruhu uusan la hadlin Mohammed bin Zayed muddadii la sheegay, isla markaana uusan wax digniin ah ka helin.

Xafiiska ayaa markii dambe soo saaray bayaan ku qoran afka Ingiriisiga, kaas oo lagu sheegay in wararka ay warbaahintu baahisay ay yihiin kuwo aan sax ahayn, isla markaana ra'iisul wasaaruhu uusan wax digniin ah ka helin Imaaraadka Carabta ka hor 7-dii Oktoobar.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in ra'iisul wasaaruhu uu qareennadiisa faray inay dacwad sumcad-dil ah ka gudbiyaan Haaretz, saxafiga Shlomi Eldar iyo dad kale. Xafiisku wuxuu baaritaanka ku tilmaamay "been-abuur ula kac ah oo xaasidnimo ku dheehan tahay, kaas oo waqti siyaasadeed oo cad loo doortay", iyadoo ay soo dhow yihiin doorashooyinka Israel.

Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in, iyadoo lala kaashanayo Golaha Amniga Qaranka iyo xoghaynta milatariga, dib loo eegay diiwaannada wicitaannada Netanyahu iyo dhaqdhaqaaqa dadka soo galay xafiiskiisa intii u dhaxaysay bilowgii Sebtembar iyo 7-dii Oktoobar.

Waxay sheegeen in aan wax caddayn ah laga helin wicitaankii la sheegay ama in wakiil Imaaraadi ah uu xafiiska soo galay isagoo wata qalabkii isgaarsiinta sirta ahaa.

Xafiiska Netanyahu ayaa Eldar ku eedeeyay inuu mar kale soo celiyay sheegasho hore oo ahayd in ra'iisul wasaaraha Israel uu digniin ka helay Masar, iyagoo sheegay in arrintaas la beeniyay bilowgii dagaalka.

Xafiisku wuxuu sidoo kale ku celiyay eedeymihii uu hore ugu jeediyay madaxii hore ee Shin Bet, Ronen Bar, iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Israel, Herzi Halevi, isagoo ku eedeeyay inay ku guuldarreysteen inay tallaabo ka qaadaan calaamado iyo xog tilmaamaysay weerarka saacadihii ka horreeyay.

Hoggaamiyeyaasha afar xisbi oo mucaarad ah — Gadi Eisenkot, Naftali Bennett, Avigdor Lieberman iyo Yair Golan — ayaa dalbaday in si degdeg ah oo dhammaystiran loo baaro xogtii gaartay Netanyahu ka hor weerarkii 7-dii Oktoobar iyo qaabkii uu uga falceliyey.

Afarta hoggaamiye ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay in shacabka Israel ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan waxa Netanyahu uu ogaa, goorta uu ogaaday, sababta uusan digniinaha ugu gudbin hay'adaha ammaanka iyo sababta uusan tallaabo uga qaadin sidii loo ilaalin lahaa shacabka Israel.