Shan saynisyahan oo ikhtiraacyadoodu ay badbaadiyeen nolosha malaayiin qof

Saynisyahannada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Saynisku wuxuu si weyn u hagaajiyay cimriga iyo tayada nolosha adduunka oo dhan, isagoo daaweynaya cudurrada, awood siinaya hababka caafimaadka ee cusub, iyo hagaajinta nafaqada.

Kuwani waa shan saynisyahan oo taariikhda soo maray oo badbaadiyay nolol badan.

1. Maurice Hilleman

Saynisyahan

Xigashada Sawirka, Alamy

Khabiir ku takhasusay cudurrada faafa ee Mareykanka Maurice Hilleman ayaa sameeyay 40 tallaal intii uu shaqeynayay, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa ka hortagga qaamo-qashiirka, busbuska, meningitis-ka, iyo jadeecada. Tallaaladiisa waxaa lagu qiyaasay inay badbaadiyeen in ka badan 130 milyan oo nafood.

Waxa kale oo uu ogaaday in fayrasyada hargabku ay isbeddelaan, iyagoo beddelaya borotiinnada jirku isticmaalo si uu u aqoonsado oo uu u kordhiyo jawaab celinta difaaca jirka. Daahfurkan ayaa gacan ka geystay fududeynta horumarinta tallaallada hargabka ee la bixiyo sannad kasta.

Sannadkii 1957, Hilleman wuxuu saadaaliyay suurtagalnimada cudur faafa oo hargab ah wuxuuna si dhakhso ah u sameeyay tallaal cusub, tallaabo gacan ka geysatay yareynta darnaanta cudurka faafa.

2. Alexander Fleming

Saynisyahan

Xigashada Sawirka, Alamy

Waxaa laga yaabaa in daah-furkii ugu weynaa taariikhda uu dhacay sannadkii 1928-kii, markii uu saynisyahan u dhashay Scotland oo lagu magacaabo Sir Alexander Fleming ka soo laabtay fasax, isla markaana uu ogaaday in mid ka mid ah weelashii shaybaarka ee ku jiray bakteeriyada uu caareystay.

Markii uu arkay in ay jirto meel ku wareegsan aagga caaraystay oo ka xor ah bakteeriyada, wuxuu ogaaday in caaryada ay sii deyn karto walax joojisa koritaanka bakteeriyada.

Wuxuu ogaaday in walaxda, oo uu ugu yeeray penicillin, ay dili karto bakteeriya khatar ah oo badan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu la kulmay caqabado ku saabsan go'doominta iyo sifeynta si loogu isticmaalo caafimaad. In ka badan toban sano ka dib, Professor Howard Florey oo ah farmashiistaha Australia iyo asxaabtiisa ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay soo saaraan penicillin. Tan iyo markaas, antibiyootikadu waxay gacan ka geysatay badbaadinta in ka badan 200 milyan oo nafood.

3. Sir Frederick Banting

Sokorta ama macaanka waa koox cudurro ah oo saameeya awoodda jirka uu ku maamulo isticmaalka sonkorta ku jirta dhiigga. Waqtiyadii hore, daaweyntu way yareyd, sonkorowga nooca 1-aadna wuxuu inta badan sababi jiray dhimasho xilliga carruurnimada.

Kadib, sanadkii 1921-kii, saynisyahan u dhashay Kanada oo lagu magacaabo Sir Frederick Banting ayaa helay insulin-ta oo ah hormoon ka caawiya nidaaminta heerka sonkorta dhiigga ee jirka, wuxuuna muujiyay in loo isticmaali karo daaweynta sonkorowga ee xayawaanka.

Saaxiibkiis dhinaca shaqada, James Collip, ayaa sameeyay hab lagu horumariyo insulin-ta si ay dadku u isticmaali karaan. Waxaa la qiyaasayaa in natiijada dadaalkooda wadajirka ah ay gacan ka geysatay badbaadinta in ka badan 200 oo milyan oo qof noloshooda.

Kooxdu waxay xuquuqda hal-abuurka (patent-ka) insulin-ta ku iibisay hal doollar, iyagoo hubinaya in qof kasta oo u baahan uu heli karo daawadan nolosha badbaadinaysa.

4. Prof Norman Ernest Borlaug

Saynisyahan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Intii u dhaxaysay 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii, Professor Norman Ernest Borlaug oo ah khabiir ku takhasusay beeraha ayaa sameeyay noocyo sarreen ah oo wax soo saar sare leh, oo u adkaysta cudurrada, kuwaas oo uu u qaybiyay beeralayda Mexico, Pakistan, iyo Hindiya.

Waqtigaas, beeralay badan ayaa beeran jiray dalagyo soo saara wax soo saar sare ah, laakiin lahaa hiddo-sideyaasha iska caabbinta cudurrada yaryar, taasoo ka dhigaysa kuwo aad ugu nugul faafitaanka cudurrada.

Borlaug wuxuu hormuud ka ahaa hab lagu tarmiyo noocyada dalagyada la xiriira. Habkani wuxuu soo saaray noocyo dalag ah, ayada oo la isku daray hiddo-sideyaal iska caabbinta cudurrada oo ka yimid dhirta asalka ah.

Shaqadiisu waxay si weyn u kordhisay wax soo saarka dalagyada waxaana lagu qiyaasaa inay badbaadisay nolosha 245 milyan oo qof iyada oo loo marayo nafaqo la hagaajiyay.

5. Prof Karl Landsteiner

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ka hor Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, dhaawacyada iyo xanuunnada keena in qofku uu dhiig badan ka baxo ayaa badanaa keena dhimasho.

Dhakhaatiirtu waxay isku dayeen inay dhiig ku shubaan, laakiin bukaanno badan ayaa la kulmay waxyeellooyin halis ah mararka qaarkoodna waxay u dhinteen dhiigga ay ka heleen deeq-bixiyeyaasha.

Sannadkii 1901, khabiirkan bayoolajiga ee u dhashay Austria markii dambena Mareykanka noqday ee Professor Karl Landsteiner ayaa ogaaday sababta ka dambeysa dhacdadan.

Wuxuu ogaaday in dad kala duwan ay leeyihiin dhiig leh astaamo kala duwan, oo hadda loo yaqaan kooxo dhiig, kala duwanaanshahana ayaa ka dhigan in dhiigga hal qof uusan la jaan qaadi karin kan kale.

Helitaankiisu wuxuu ka dhigay aasaaska dhiig ku shubista mid ammaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahayn taabagal ilaa 1914, markii dhakhtar reer Beljam ah, Albert Hustin, uu helay hab looga hortago dhiig xinjirowga inta lagu jiro kaydinta iyo rarista, iyo in habkan caafimaad ee muhiimka ah si wax ku ool ah loo isticmaali karo.