TOOS, Maraykanka iyo Iran oo soo saaray sheegashooyin kala duwan oo ku saabsan cidda maamusha Marinka Hormuz

Dhinac walba wuxuu sheeganayaa inuu gacanta ku hayo Marinka Hormuz, wuxuuna midba midka kale ku eedaynayaa weerarrada ka dhanka ah maraakiibta mara marin-biyoodkan muhiimka ah.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Afhayeenkii Trump oo ku dhawaaqday is casilaad

    Aqalka Cad

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa xilka iska casili doonta dhammaadka bishan, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Donald Trump.

    Trump ayaa sheegay in Leavitt, oo uu ku tilmaamo mid ka mid ah ku-xigeennadiisa ugu kalsoonida badan, ay go’aansatay inay xilka ka tagto si ay waqti badan ula qaadato carruurteeda iyo qoyskeeda.

    Wuxuu sheegay inuu fahmay go’aankeeda, isla markaana uu ixtiraamayo.

    Trump wuxuu intaas ku daray in Leavitt ay sii ahaan doonto mid ka mid ah la-taliyayaashiisa ugu sarreeya xitaa iyadoo ka baxsan maamulka, sidoo kalena ay door ka sii qaadan doonto Xisbiga Jamhuuriga.

    Leavitt oo 28 jir ah ayaa sanadkii hore noqotay afhayeenka Aqalka Cad, iyadoo noqotay qofkii ugu da’da yaraa ee abid xilkaas qabta.

    Weli lama oga qofka beddeli doona.

    Leavitt ayaa bishii May dhashay ilmaheedii labaad, oo ay u dhashay ninkeeda Nicholas Riccio. Waxay sidoo kale leedahay wiil laba jir ah.

    Waxay shaqada ku soo laabatay bishii hore kaddib markii ay qaadatay fasax umusha.

    Kaddib markii Trump uu ku dhawaaqay inay xilka ka degayso, Leavitt ayaa barta X ku qortay in qabashada xilka afhayeenka Aqalka Cad ay u ahayd “sharaf iyo khibraddii nololeed ee ugu weynayd.”

  2. War deg deg ah, Degdeg: Ciidamada Kacaanka Iran oo ku hanjabay weerar cusub

    Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin militari oo culus oo weerar ah, haddii uu mar kale qarxo dagaal u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.

    Wakaaladda wararka ee Fars ayaa soo xigatay sarkaal sare oo militari, Rasoul Sanaei-Rad, oo yiri:

    “Cadowgu waxay u maleynayaan in iyagoo abuuraya kala qaybsanaan gudaha ah iyo cadaadis dhaqaale ay dib u soo celin karaan dhacdooyinkii Janaayo, waxayna qaadayaan tallaabooyin ay ku gaaraan ujeeddadaas.”

    Shalay sidoo kale, ku-xigeenka madaxa ciidamada qalabka sida ee Iran, Alireza Sheekh, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay dagaal muddo dheer socda iyo inuu sii wado hawlgallada militari.

    Wuxuu sheegay in siyaasadda difaaca Iran ay ka soo wareegtay is-difaac oo keliya una gudubtay ujeeddo ah in cadowga laga hortago, isla markaana tallaabo toos ah laga qaado haddii loo baahdo.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in awoodda Iran u leedahay inay horumariso gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay tahay mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee u oggolaanaya inay sii waddo hawlgallada militari ee muddada dheer.

  3. War deg deg ah, Ruushka oo dad badan ku laayay Ukraine bishii la soo dhaafay

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, Ukraine state emergency service DSNS

    Tirokoobyada Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Ukraine bishii Luulyo ay gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo bilihii ugu horreeyay ee duullaankii Ruushka.

    Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in ugu yaraan 437 qof oo rayid ah lagu dilay bishii la soo dhaafay, taas oo ah tiradii ugu badnayd ee la diiwaangeliyo tan iyo May 2022.

    Tirooyinkan ayaa soo baxay iyadoo Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, uu sheegay in weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku qaadeen tareen rakaab ah gobolka Odesa uu ku dilay ugu yaraan laba qof.

    Zelensky ayaa sheegay inuu maalin kasta ku howlan yahay sidii Ukraine ay u heli lahayd gantaallo badan) si ay uga difaacdo weerarrada cirka.

  4. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Japan oo si adag u cambaareysay booqashada Putin

    Putin

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Ra’iisul Wasaaraha Japan,Sanae Takaichi, ayaa cambaareysay safarka Madaxweyne Vladimir Putin uu ku tagay jasiiradaha Kuril ee lagu muransan yahay ee ku Taalla Badweynta Baasifigga, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay tahay “mid gebi ahaanba aan la aqbali karin.”

    Putin ayaa booqday Iturup, oo ka mid ah afar jasiiradood oo Ruushku maamulo balse Japan ay sheegato.

    Japan ayaa sidoo kale u yeertay safiirka Ruushka si ay ugu gudbiso waxa ay ku tilmaantay digniin iyo in ay si wyn u diidantahay tallabadaas.

    Labada dal ayaa muddo dheer ku jiray muran ku saabsan jasiiradaha Kuril, kuwaas oo gacanta Moscow galay dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

  5. War deg deg ah, Iran oo ku dhawaaqday in la burburiyay unugyo xiriir la lahaa sirdoonnada Israa'iil iyo Mareykanka

    Iran

    Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

    Wasaaradda Warfaafinta Iran ayaa sheegtay in la burburiyay laba “unug oo abaabulan” oo ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo ka howlgeli jiray gobolka Balochistan.

    Sida ay wasaaraddu sheegtay, afar qof ayaa la xiray, halka laba qof oo kale lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen ciidamada ammaanka.

    Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in dadkaasi ay mas’uul ka ahaayeen qorshe lagu weerarayo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Sistan iyo Balochistan ee koonfur-bari Iran.

    Qayb kale oo ka mid ah bayaanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale la xiray koox ka kooban afar qof, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen afduubka dadka rayidka ah ee magaalada Zahedan iyo inay lacag madax-furasho ah ka qaataan qoysaskooda.

  6. War deg deg ah, Israa'iil oo ciidamo ku daabuleysa Daanta Galbeed ee la haysto

    Daanta Galbeed

    Xigashada Sawirka, EPA

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay ciidamo dheeraad ah geyn doonaan Daanta Galbeed ee la haysto.

    Go’aankan ayaa la qaatay kaddib markii ay ku guuldarreysteen inay halkaas ka saaraan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan dhulkaas.

    Tan iyo Axaddii, waxay hareereeyeen laba qoys oo Falastiiniyiin ah oo ku jira guryahooda.

    Qoysaska Abu Ridi iyo Xasan waxay ku nool yihiin duleedka tuulada Qusra, oo koonfur ka xigta Nablus.

    Labada qoys ayaa codsaday in loo gurmado, kaddib markii laga jaray biyihii iyo korontadii, halka cuntadii ay guryaha ku haysteen ay sii yaraanayso.

    Dhacdadan ayaa indhaha caalamka oo dhan ku jeedisay xaqiiqda ah in dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan aaggaas ay si ka duwan dadka kale uga badbaadaan tallaabooyinka ciqaabta.

    Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay inay ku adkaanayso sidii ay wax uga qaban lahaayeen rabshadaha sii kordhaya ee ay geystaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan dhulkaas.

  7. Hindiya oo duuliyaasheeda diyaaradaha ka baaraysa daroogo

    Hindiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shirkadda diyaaradaha ee Air India ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso baaritaan khasab ah oo lagu sameynayo dhammaan duuliyeyaasha, kaddib dhacdo diyaaradeed oo walaac dhalisay.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii diyaarad Air India ah oo ka duushay Phuket kuna socotay New Delhi ay si lama filaan ah hoos ugu dhacday qiyaastii 300 feet 4-tii Agoosto. Kabtankii diyaaradda ayaa baaritaan lagu sameyay kadib laga helayo daroogo muujinaysa inuu sticmaalay, waxaana baaritaan xaqiijin ah lagu sameeyay natiijadaas ka soo baxday baaritaankaas.

    Xeerarka hadda jira ee Hindiya waxay shirkadaha diyaaradaha ka doonayaan inay sannad kasta baaritaan daroogo oo aan horay loo sii shaacin ku sameeyaan ugu yaraan 10% shaqaalaha duulimaadka. Si kastaba ha ahaatee, xeerarku ma bixinayaan in duuliye kasta la baaro ka hor duulimaad kasta.

    Air India ayaa sheegtay in nidaamka cusub ee baaritaanka dhammaan duuliyeyaasha uu yahay tallaabo lagu xoojinayo badbaadada duulimaadyada, isla markaana lagu kordhinayo kalsoonida rakaabka. Baaritaanka cusub wuxuu sidoo kale khuseyn doonaa duuliyeyaasha Air India Express.

  8. War deg deg ah, Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen oo bartiisa X, la hakiyay

    Afhayeenka Xuutiyiinta oo beegsi la kulmaya

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Barta bulshada ee X ayaa hakisay akoon loo aaneynayo Yaxya Sariic oo ah afhayeenka militariga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto.

    Sababta akoonka, oo ay ku xiranyihiin ku dhawaad 121,500 oo taageerayaal ah, loo hakiyay weli si rasmi ah looma caddeyn. Markii la booqdo bogga, waxaa ka muuqda fariinta X ee oranaysa in akoonka la hakiyay, maadaama uu jebiyay xeerarka shirkadda. X ma aysan sheegin xeerka gaarka ah ee lagu eedeeyay inuu jebiyay.

    Akoonka Yaxya Sariic wuxuu ahaa mid muhiim u ah faafinta bayaanada iyo sheegashooyinka militariga Xuutiyiinta, oo ay ku jiraan weerarrada ka dhaca Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, hawlgallada ka dhanka ah Sacuudiga, iyo dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.

    Tani ma aha markii ugu horreysay ee akoon uu Sariic leeyahay la hakiyo. Akoonkiisii hore ee Twitter ayaa sidoo kale la xiray 2022, xilligaas oo ay ku xirnaayeen in ka badan 300,000 oo taageerayaal ah.

    Sidoo kale akhriso:

  9. Iran oo Trump uga digtay warar ay ku tilmaantay "been abuur"

    Iran iyo Mareykanka ayaa is dhaafsanaya hadallo adag

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa sheegay in Maraykanku uu “ka digtoonaado wararka khaldan” ee ku saabsan Marin-biyoodka Hormuz.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee X, kuna socday mas’uuliyiinta Maraykanka, Caraqji wuxuu ku sheegay in Maraykanku muddo dheer sameynayay “qiimeyn khaldan oo soo noqnoqota” taas oo uu ku sababeeyay fashilaad dhinaca xogaha sirdoonka ah.

    Wuxuu sheegay in dagaalkii dhowaan dhexmaray Israa’iil iyo Iran uu yahay tusaale cad, isagoo intaas ku daray in Maraykanku hadda sameeyay “khalad ka sii weyn” oo ku saabsan Marin-biyoodka Hormuz.

    Dhamaadka fariintiisa, wasiirka arrimaha dibadda Iran wuxuu ku yiri:

    “Wax ka xun war aan sal lahayn waa xog been-abuur ah. Ka digtoonaada.”

    Hadallada Caraqji ayaa loo arkaa inay jawaab u yihiin hadalkii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo sheegay in Maraykanku uu si buuxda u maamulo Marin-biyoodka Hormuz isla markaana uu doonayo inuu sii haysto gacan-ku-hayntiisa.

    Sidoo kale akhriso:

  10. War deg deg ah, Turkiga oo shaaciyay qorshe cusub oo heshiiskii dhawaan lagu kordhinayo

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Turkiga ayaa sheegay in, iyadoo qayb ka yahay heshiis difaac oo wadajir ah oo ay toddobaadkii hore kala saxiixdeen Sacuudiga iyo Pakistan, saddexda dal ay dhisi doonaan hannaan siyaasadeed iyo mid milatari oo lagu xoojinayo isku-duwidda iyo iskaashiga.

    Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in qaababkaas ay door ka qaadan doonaan wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda, iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada ugu sarreeya ee saddexda dal. Sida ay wasaaraddu sheegtay, waxaa sidoo kale la qorsheynayaa dhoolatusyo milatari oo wadajir ah, halka iskaashigu uu gaari karo wax-soo-saarka hubka iyo qalabka difaaca oo si wadajir ah loo sameeyo, iyo in la is-weydaarsado tiknoolajiyadda warshadaha difaaca.

    Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ayaa toddobaadkii hore kala saxiixday Heshiiska Maka, kaas oo dhigaya in weerar hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah heshiiskan loo aqoonsanayo inuu yahay weerar lagu qaaday dhammaan dalalka kale ee heshiiska.

    Heshiiskan, oo diyaarintiisu soo bilaabatay sannad ka hor, ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha iyo iska horimaadyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran. Xiisadahaas ayaa sidoo kale saameeyay dalalka Khaliijka, waxayna sababeen carqalado ku yimaada maraakiibta mara marin-biyoodka Hormuz iyo Badda Cas.

    Tan iyo markii heshiiska la saxiixay, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa si joogto ah u carrabka ku adkeeyay in heshiisku yahay mid difaac ah, uusan ka dhan ahayn cid gaar ah, isla markaana uu u furan yahay dalal kale oo gobolka ku yaalla.

  11. War deg deg ah, Garsoore Cumar Cartan oo ka hadlay fursaddii uu xalay ku dhexdhexaadiyay Aston Villa iyo PSG.

    Cumar Cartan

    Xigashada Sawirka, Omar Abdulkadir Artan

    Garsooraha heerka calami ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa si weyn ugu mahadceliyay, cid kasta oo gacan ka siisay fursaddii uu xalay ku dhexdhexaadiyay ciyaartii Aston Villa iyo PSG, “Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan intii gacan ka geysatay in fursaddan ay suurtagal noqoto, “ ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

    Sidoo kale waxaa uu mahadceliyay UEFA, isagoo yiri: Mahad gaar ah waxaan u jeedinayaa UEFA, oo ii muujisay kalsooni, isla markaana i siisay fursaddan qiimaha badan. Waxaan sidoo kale uga mahadcelinayaa sida diirran ee ay iigu soo dhaweyeen qaaradda Yurub.

    Sidoo kale, waxaan mahadnaq ballaaran u jeedinayaa CAF, oo ah xiriirkayga qaaradeed, taageerada ay i siiyeen iyo doorkii ay ka qaateen in fursaddan ay rumoowdo.

    "Dhammaantiin waad ku mahadsan tihiin kalsoonida, taageerada iyo fursadda aad ii siiseen.”

    Cumar ayaa sidoo kale qoraalkiisa ugu mahad-naqay bulshadii daawanayay ciyaarata ee isaga dartii uga yimid meelaha kala duwan, “ Salaan iyo jaceyl gooni ah aan idin hayaa dhaman umadda Somaliyed qaasatan dadka dartey wadamo dhadher uga yimid wana ku mahadsantihin calanka sida aad u keenten garonka iyo jaceylka Soomalinimo ee idinku jira”.

    Sidoo kale akhriso:

  12. War deg deg ah, Trum iyo madaxda Iran oo hadallo adag hawada isu marinaya

    Iran iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, TASNIM NEWS/AFP via Getty Images

    Taliyaha cusub ee Ciidanka Basij ee Iran, Hossein Taeb, ayaa sheegay in “Marinka Hormuz u uku jiro gacanta Iran, wuxuuna yiri: “dalkuna waa mid dhammaystiran. Wuxuu ku sii socdaa nabad iyo xasillooni.”

    Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa dhowaan Hossein Taeb u magacaabay madaxa Ciidanka Basij. Warbixinno maanta soo baxay ayaa xaqiijinaya in Taeb uu mar kale qabtay hoggaanka Basij.

    Maalintii ka horreysay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social ku sheegay in Mareykanku “si buuxda gacanta ugu hayo” Marinka Hormuz.

    Sidaas darteed, hadallada Taeb iyo Trump waxay si toos ah isugu khilaafayaan cidda gacanta ku haysa Marinka Hormuz.

  13. Maraykanka oo Israel ku dhaliilay sii joogitaanka ciidamadeeda ee Lubnaan

    Maraykanka ayaa ku dhaleeceeyay Israa'iil, oo ah xulafadiisa dhow, taas oo ah tallaabo aan inta badan looga baran, kadib markii Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, uu ku adkaystay in ciidamada Israel ay sii joogi doonaan koonfurta Lubnaan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay, inay filayso in Israa'iil ay ixtiraamto shuruudaha heshiiska xabbad-joojinta, isla markaana ay ka baxdo goobihii lagu heshiiyay inay ka baxdo.

    Katz ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku tegayay koonfurta Lubnaan, halkaas oo uu xaqiijiyay in ciidamada Israel ay weli sii wadaan duminta guryaha ku yaalla aaggaas.

    Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam, ayaa sheegay in tallaabada Israa'iil ee lagu duminayo guryaha ay jebinayso sharciga caalamiga ah.

    Heshiiska xabbad-joojinta ayaa dhigaya in ciidamada Israa'iil ay ka baxaan goobaha ku yaalla koonfurta Lubnaan, halka ciidamada Lubnaan ay qaadaan mas’uuliyadda xakameynta hubka Xisbullah.

    Dhanka kale, wasiirrada Israa'iil ayaa sii wada hadallo adag oo ku saabsan mowqifkooda siyaasadeed, iyadoo doorashooyinkuna ay xiligooda so dhowyihiin.

    Sidoo kale akhriso:

  14. Xamaas oo taageertay mowqifka xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ee ku aaddan in la soo afjaro dhammaan dagaallada gobolka

    Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xamaas

    Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa soo dhaweysay hadalladii dhowaan uu jeediyay Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha cusub ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran.

    Rezaei ayaa Talaadadii ku baaqay “xabbad-joojin ka hirgasha gobolka oo dhan, oo ay ku jiraan Lubnaan iyo Gaza,” isagoo sheegay in marinka Hormuz uu sii xirnaan doono ilaa shuruudahaas la fuliyo.

    Xafiiska Xamaas ee Xiriirka Carabta iyo Islaamka ayaa bayaan ku sheegay, in soo afjaridda dagaalladu ay ku jirto “danta ugu weyn ee gobolka, dadkiisa iyo mustaqbalkooda.”

    Kooxdu waxay intaas ku dartay in sii socoshada dagaalladu “ay kaliya u adeegayso danaha qorshayaasha Israel” ee gobolka, kuwaas oo ay sheegtay inay ku dhisan yihiin kala-qaybintiisa, xasillooni-darradiisa iyo xaalufinta khayraadkiisa.

    Sidoo kale akhriso:

  15. Calaamado muujinaya iskaashi u dhexeeya Xuutiyiinta iyo al-Shabaab si ay ula wareegaan Marinka Bab al-Mandab — The Telegraph

    Xuutiyiinta

    Xigashada Sawirka, Mohammed Hamoud/Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta

    Wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa dalka Britain ayaa qoray warbixin cinwaankeedu yahay: "Xuutiyiintu waxay qorshaynayaan inay furaan jiid cusub oo ka tirsan dagaalka Iran, isla markaana xiraan marin-biyood labaad." Warbixinta waxaa qoray wariyaha arrimaha dibadda, Akhtar Makoi.

    Qoraagu wuxuu sheegayaa in Xuutiyiinta, oo hadda loo arko wakiilka gobolka ee ugu awoodda badan Iran, ay isu diyaarinayaan inay xiraan Marinka Bab al-Mandab iyagoo matalaya Iran, si ay u kordhiyaan cadaadiska lagu saarayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, iyagoo dhaawac dheeraad ah gaarsiinaya dhaqaalaha caalamka.

    Sida maqaalka lagu sheegay, waxaa jira iskaashi u dhexeeya Xuutiyiinta iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, kaas oo lagu doonayo in lagu xakameeyo labada dhinac ee Marinka Bab al-Mandab, isla markaana la xiro marka Iran go'aansato.

    Warbixintu waxay soo xiganaysaa ilo xog-ogaal ah oo sheegay in Xuutiyiintu ay kooxda Soomaaliyeed u gudbinayaan tiknoolajiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, iyagoo ka amar qaadanaya Tehran. Ujeeddaduna waa in laga abuuro Bab al-Mandab xaalad la mid ah tan ka jirta Marinka Hormuz.

    Qoraagu wuxuu xusay in qiyaastii 10 ilaa 12 boqolkiiba ganacsiga adduunku uu maro Marinka Bab al-Mandab, kaas oo ku xirma Kanaalka Suweys. Wuxuu ka digay in haddii marinkan la xiro, maraakiibtu ay ku qasbanaan doonaan inay maraan waddo kale oo toddobaadyo dheeraad ah ku wareegta cirifka koonfureed ee qaaradda Afrika, taas oo kordhin doonta kharashaadka gaadiidka.

    Warbixintu sidoo kale waxay xustay in ciidamada Maraykanku ay bilaabeen mowjado cusub oo duqeymo ah oo ka dhan ah Iran, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Tehran ay ku hanjabtay xiritaanka Marinka Bab al-Mandab. Waxaa kale oo lagu xusay in Hormuz iyo Kanaalka Suweys ay ka mid yihiin marin-biyoodka iyo kanaallada ugu muhiimsan adduunka.

  16. Maxaan ka ognahay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya?

    Waa diyaarad ay leeyihiin milatariga Itoobiya

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, Waa diyaarad ay leeyihiin milatariga Itoobiya

    Dhawan, waxaa si weyn baraha bulshada looga hadal hayay burburka diyaarad helicopter militari ah oo Itoobiya leedahay

    Qaar kale ayaa faafiyay sawirro iyo muuqaallo ay ku andacoonayaan in diyaaradda ay soo rideen dagaalyahanno ka tirsan OLF.

    Dowladda Itoobiya iyo Ciidanka Cirka Itoobiya midkoodna kama uusan hadlin arrintan.

    BBC-da ayaa isku dayday inay Ciidanka Cirka ka hesho xog ku saabsan dhacdada, balse kuma guuleysan.

    Dadka deggan degmada Bora ayaa BBC-da u sheegay, in helicopter-ku burburay. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri: “Waxaan maqalnay inuu Arbacadii burburay, duuliyayaashuna ay baarashuud ku soo degeen.”

    Dadka deegaanka, oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, waxay sheegeen inaysan si shaqsi ah u booqan goobta shilka, balse ay xaqiijiyeen in dhacdadu dhab tahay.

    Hase yeeshee, BBC Verify ayaa baaritaan ku samaysay sawirrada iyo muuqaallada la faafiyay.

    Sawirrada iyo muuqaallada la wadaagay waxay muujinayeen dad u muuqday dagaalyahanno OLF ah oo hub sita.

    Baaritaanka BBC Verify

    BBC Verify waxay baartay in sawirrada iyo muuqaalladu yihiin kuwo dhab ah ama ay yihiin kuwo la sameeyay.

    Waxay xaqiijisay in sawirrada iyo muuqaalladuba yihiin kuwo dhab ah, isla markaana aan lagu tafatirin ama lagu samayn farsamada Garaadka Macmalka ah (AI).

    Dhacdadu waxay ka dhacday deegaanka Bora ee gobolka Oromia, waxaana la sheegay in helicopter-ku ku burburay tuulada Gooraa Lamaa.

    Si kastaba ha ahaatee, lama awoodin in si buuxda loo xaqiijiyo goorta saxda ah ee sawirrada iyo muuqaalada la qaaday.

    Muuqaallada ayaa markii ugu horreysay lagu baahiyay baraha bulshada Talaadadii, 11 Agoosto 2026, abbaaraha 3:00 galabnimo.

    Muuqaallada iyo sawirrada ayaa muujinaya in diyaaradda aysan burburin xilli subax ah. Helicopter-ka yar ayaa ku burburay dhul beereed.

    Laba aqal oo u muuqda kuwo dhaqameed ayaa ku yaala aaga ku dhow goobta.

    Waxaa jira warar sheegaya in dagaalyahanno OLF ahi ay ka howlgalaan deegaankaas. Hase yeeshee, taasi ma caddaynayso in OLF ay diyaaradda soo rideen.

    BBC-da ayaa la xiriirtay la-taliyaha sare ee taliyaha WBO si ay uga hesho faallo ku saabsan arrintan.

    Markii BBC Verify ay isbarbardhigtay muuqaalka dhulka ka muuqda, waxaa la ogaaday inay si weyn isugu egyihiin.

    Labada buurood ee ka muuqda sawirrada waxay la mid yihiin buuraha ku dhow tuulada Gooraa Lamaan.

    Marka deegaanka lagu eego khariidad 3D ah, qaabka dhulku wuxuu aad ugu egyahay kan ka muuqda sawirrada iyo muuqaallada.

    Nooca diyaaradda

    BBC-du si buuxda uma aysan xaqiijin nooca helicopter-ka ama diyaaradda burburtay.

    Si kastaba ha ahaatee, midabka iyo qaabka diyaaradda ayaa u eg L-39C Albatros, oo ah diyaarad inta badan loo isticmaalo tababarka duuliyeyaasha militariga.

    Diyaaradda L-39 Albatros waxaa naqshadaysay oo soo saartay shirkadda Czechoslovakia ee Aero Vodochody.

    Inta badan diyaaradaha noocan ah waxaa loo isticmaalaa tababarka duuliyeyaasha militariga. Ma jirto caddeyn cad oo muujinaysa tirada diyaaradaha L-39 ee ay Itoobiya haysato.

    Dalal badan ayaa isticmaala diyaaradaha noocan ah si ay ugu tababaraan duuliyeyaasha ciidamada cirka.

  17. Nin xaaskiisa iyo gabadhiisa ku dilay Minnesota

    Nin ayaa xaaskiisa iyo gabadhiisa ku dilay magaalada Hopkins ee Minnesota, kaas oo isaguna markii dambe is dilay.

    Dhacdadan xannuunka badan ayaa ka dhacday goob lagu xanaaneeyo carruurta oo ku taalla magaalada Hopkins, gaar ahaan xaafadda ay degenaayeen qoyskan.

    Goobtaas uu dilku ka dhacay waxaa sido kale ku sugnaa ilaa lix carruur ah, oo halkaas lagu xanaaneynayay, kuwaas oo dilka ka badbaaday.

    Booliiska Burnsville ayaa sidoo kale rumaysan in haweeney 78 jir ah oo meydkeeda la helay Arbacadii ay xiriir la leedahay dilalkan ka dhacay Hopkins.

    “Tani waa dhacdo aad u murugo badan oo ku dhacday Hopkins ama bulsho kasta oo kale,” ayuu yiri Taliyaha Booliiska magaaladaas, Brent Johnson, isagoo wariyeyaasha la hadlay 4-tii galabnimo ee wakhtiga dalkaas Mareykanka.

    Johnson wuxuu sheegay in askartu ay ka jawaabeen wicitaan abbaare 9-kii subaxnimo oo ku saabsanaa qof lagu dilay toorey. Markii ay tageen guriga lagu xanaaneeyo carruurta, waxay qaybta hoose ee guriga ay ku haweeney 41 jir ah iyo gabar 7 jir ah oo qaba dhaawacyo mindi ah. Qaybta sare ee guriga ayay askartu ka heleen sidoo kale meydka nin 41 jir ah oo qaba dhaawac rasaas ah oo uu isagu isugu geystay.

    Waxay ogaadeen in ninka iyo haweeneydu ay lahaayeen goobta lagu xanaaneeyo carruurta, halka gabadha 7 jirka ahna ay ahayd gabadhooda. Johnson wuxuu ninka iyo haweeneyda ku tilmaamaylamaane is qabay, balse markii dambe wuxuu sheegay in guurkooda aan si cad loo xaqiijin.

    Wararka ayaa sheegaya in khilaaf qoys uu ka dhaxeeyay lamaanahan, taas oo keentay in ninka dilo xaaskiisa iyo gabadhooda yar.

    Baaritaan ayaa socda oo boolisku ayaa baaraya xogta dhabta ah ee ninka weerarka geystay iyo sababta ka dambeysa.

    Waxay sidoo kale dhacdadan xanuunka leh ku tilmaameen "arrimo qoys", iyagoo ugu baaqay dadka in aanay cabsi gelin.

    Magaalada Hopkins dadka ku nool, waxaa lagu qiyaasay ilaa 20,000 oo qof oo dhamaantood la wada yaqaano.

  18. Lix shuruudood oo ay Iiraan ku xirtay Trump si ay u furto marinka Hormuz

    Mojtaba Khamanei

    Xigashada Sawirka, get

    Qoraalka sawirka, Mojtaba Khamanei

    Iiraan ayaa Sabtidii sheegtay in heshiis ay Cumaan kala gasho oo ku saabsan habaynta maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz uu soo dhow yahay, balse heshiiskaasi uusan ku filnaan doonin in marin-biyoodka dib loo furo. Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Iiraan ay weerartay markab kale oo halkaas marayay.

    Mohammad Baqer Zolghadr, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, ayaa sheegay in marin-biyoodka Hormuz uusan furmi doonin ilaa Mareykanku uu buuxiyo lixda shuruudood ee Tehran.

    Shuruudahaas waxaa ka mid ah in la fududeeyo cunaqabateynta, in Iiraan la siiyo magdhowga khasaaraha dagaalka, in si degdeg ah loo soo afjaro go'doominta badda ee lagu hayo dekedaha Iiraan, in la joojiyo hanjabaadaha ka dhanka ah Iiraan iyo in la sii daayo hantida dalka ee la xannibay.

    Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hadallada Zolghadr, inkastoo ay inta badan ku celinayaan dalabyo ay Tehran hore u soo bandhigtay, ay muujinayaan in mowqifka Iiraan uu adkaanayo marka laga hadlayo wadaxaajoodyada ku saabsan marin-biyoodka Hormuz.

    Hadalladan ayaa imanaya xilli Iiraan iyo Cumaan ay maalmihii u dambeeyay wadaxaajoodyada ku saabsan habraacyada cusub ee maraakiibtu u mari doonaan marin-biyoodka Hormuz ku tilmaameen kuwo "wanaagsan oo wax dhisaya".

  19. Goorma Afrika laga dareemi doonaa qorrax madoobaadka xiga?

    Qorrax madoobaad

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qorrax madoobaad

    Qeybo kamid ah UK iyo Yurub waxaa ka dhacay qorrax-madoobaadkii ugu xiisaha badnaa ku dhowaad 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo dhowrkii jiilba mar la arko.

    Dalal ka tirsan Waqooyiga Afrika ayaa kamid ah meelaha laga dareemay qorrax madoobaadka. Dalka Senegal ayaana kamid ah.

    Dadka ku nool Afrika ee xiiseeya daawashada cirka, fursadda weyn ee xigta, waxay u noqon doontaa 2-da bisha Agoosto 2027, marka qorrax-madoobaad buuxa uu ka dhici doono qaybo ka mid ah Waqooyiga Afrika, oo ay ku jiraan dalalka sida Marocco, Aljeeriya, Tuuniisiya, Liibiya iyo Masar, sida ay sheegtay hay’adda qaabilsan hawada sare, NASA.

    Qorrax-madoobaadka 2027-ka sidoo kale waxaa laga arki doonaa dhul mara koonfurta Isbaanishka, Sacuudi Carabiya iyo Yemen. Inta badan Afrika waxay la kulmi doontaa qorrax-madoobaad qayb ahaan ah, taas oo Dayaxu uu qorraxda qayb keliya ka dabooli doono.

    Arrintani waxay sannadka 2027 si gaar ah muhiim ugu tahay dadka Afrika ee xiiseeya cilmiga xiddigiska, iyadoo dalal dhowr ah oo Waqooyiga Afrika ku yaal lag dareemi doono qorrax madoobaad buuxa.

    Qorrax-madoobaad qayb ahaan ah ayaa sidoo kale laga arki doonaa dhul ballaaran oo Afrika ah, Yurub, Bariga Dhexe iyo qaybo ka mid ah Aasiya ah, taas oo malaayiin qof siinaysa fursad ay ku daawadaan Dayaxa oo daboolaya qorraxda.

    Dhanka kale, Qaybo ka mid ah qaaradda Yurub ayaa la kulmay qorrax-madoobaadkii ugu yaabka badnaa ee soo mara muddo lagu qiyaasay 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo jiilkiiba mar marta.

    Qorrax-madoobaadkan ayaa dadkii arakay qolaba si ula muuqday, taas oo ku xirnayd hadba meesha la joogey.

    Dadka UK ee ka daawanayay dhacdadan naadirka ah waxay arkeen qorrax-madoobaad barbar ah, xilligaas oo in ka badan 90% qorraxda uu dayaxu daboolay.

  20. Dunida oo laga dareemay qorrax madoobaad

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Qaybo ka mid ah dunida ayaa la kulmay qorrax-madoobaadkii ugu yaabka badnaa ee soo mara muddo lagu qiyaasay 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo jiilkiiba mar marta.

    Qorrax-madoobaadkan ayaa dadkii arakay qolaba si ula muuqday, taas oo ku xirnayd hadba meesha la joogey.

    Dadka UK ee ka daawanayay dhacdadan naadirka ah waxay arkeen qorrax-madoobaad barbar ah, xilligaas oo in ka badan 90% qorraxda uu dayaxu daboolay.

    Laakiin qaybo ka mid ah Greenland, Iceland iyo Spain ayaa la kulmay qorrax-madoobaad buuxa, kaas oo dayaxu si buuxda u u hareeyey qorraxda.

    Malaayiin qof oo dunida dacalladeeda ku nool ayaa Arbacadii cirka eegay.

    Qorrax-madoobaadku wuxuu ka dhacay qaybo ka mid ah Waqooyiga Afrika, iyo sidoo kale Spain, Iceland, Greenland iyo waqooyiga Ruushka. Dhanka kale, inta badan Yurub, Afrika iyo meelo kale oo dunida ka mid ah waxaa laga arkay qorrax-madoobaad qayb ahaan ah.

    Dadweyne ayaa meelo kala duwan isugu yimid si ay u daawadaan dhacdadan naadirka ah, iyadoo qaar badan ay xirnaayeen ookiyaalo gaar ah oo loogu talagalay daawashada qorrax-madoobaadka, xilli Dayaxu si tartiib ah u daboolayay Qorraxda.

    Dhacdadan waxay si gaar ah muhiim ugu ahayd Yurub, maadaama ay ahayd markii ugu horreysay tan iyo 1999-kii ee qorrax-madoobaad buuxa laga arko qaaradda.

    Spain, qorrax-madoobaadka buuxa wuxuu dhacay wax yar ka hor qorrax-dhaca, taas oo goobjoogayaashu ku tilmaameen mid aan caadi ahayn.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

    Dad u soo baxay daawashada qorrax madoobaadka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dad u soo baxay daawashada qorrax madoobaadka
    Dad u soo baxay daawashada qorrax madoobaadka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dad u soo baxay daawashada qorrax madoobaadka
    Senegal ayaa sidoo kale laga dareemay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Senegal ayaa sidoo kale laga dareemay