Iran oo sheegtay inay ku guulaysatay dagaalka, sidee ayay muwaadiniinteeda u arkaan guusha?

Xigashada Sawirka, Reuters
Hoggaanka Iran ayaa heshiiska ay la galeen Mareykanka ku tilmaamay guul, maaddaama ay adkeysi u muujiyeen, balse dooddan ma fududa in la aqbalo, gaar ahaan muwaadiniinta Iran.
Umadda waxay soo martay marxalad adag, dhaqaalahoodana aad ayuu u saameeyay, halka kuwa taageera Iran ay beeniyaan maalin walba in aysan xarigga ka debcin doonin haddii Washington u timaaddo dalabaadkooda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira muwaadiniin Iiraaniyiin ah oo ku sugan gudaha iyo dibadda dalka oo aan u arag diblumaasiyadda inay xal u tahay xiisadda taagan, balse iyaga fursad wanaagsan ayay u tahay inay wax ka beddelaan maamulka Iiraan.
Saraakiil sare oo ka tirsan Israa'iil ayaa guul ku tilmaamay heshiiska ay la galeen Mareykanka. Mohammed Bagher Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka Iran, ayaa yiri "Iraan waxay qaadatay waddo dheer si ay u gaarto guushan."
Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in heshiiskan uu keenayo isbeddello, haddii si buuxda loo dhaqan galiyo uu xallin doono dhibaatooyin badan oo Iran ka haysta 'dad kala duwan' oo ku nool dalkaasi iyo Bariga Dhexe.
Hadalka Qalibaf ayaa ah mid miisaan leh, maaddaama ay muujinayaan in heshiiska lala galay Mareykanka ay taageersan yihiin madaxda sare ee Iran oo ay ku jiraan IRGC.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hoggaanka Iran ayaa sidoo kale sheegaya in heshiiska uu yahay mid guul ah sababtoo ah Mareykanka iyo Israa'iil waxay ku guuldarreysteen inay gaaraan hadafkooda dagaalka ay ka bilaabeen Iran.
Waxay ku guuldaraysteen inay Iran ku qasbaan inay is dhiibto, waxay ku guuldarraysteen inay beddelaan hoggaankii Islaamka, waxaanay awoodi waayeen inay barnaamijkii Nukliyeerka Iran ku dhammeeyaan awood ciidan, sidoo kalena ma aanay jebin xidhiidhkii Iran iyo Xisbullah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyadoo ay taasi jirto, Iran ayaa weli awood u leh inay wadahadlaan, iyadoo Lubnaan lagu daray heshiiskooda nabadeed.
Laakiin sheekada Iran ee ah in ay ku guulaysatay dagaalka ayaa lagu loollamayaa gudaha Iran.
Xildhibaan mayal adag oo u dhashay dalka Iran ayaa sheegay in heshiiskaasi uu Iran u bedeli doono mid uu Mareykanku gumeysto. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay gorgortanka Iran in ay ka soo horjeedaan amarka hoggaamiyaha ugu sarreeya ee ah in aan la furin marin biyoodka Hormuz.
Dhaleeceyntu waa mid culus sababtoo ah waxay ka timid gudaha maamulka Iran.
Muddo bilo ah, madax kala duwan iyo warbaahintu waxay ku adkaysanayeen in Maraykanku aanu ahayn waddan la aamini karo.
Sida ay sheegtay Iran, dagaalku wuxuu billowday xilli ay wada-hadallada socdeen, waxayna ku eedeysay Mareykanka inuu u adeegsan jiray wadahadallada inuu u diyaariyo dagaal uu la galo Israa'iil.
Heshiiska lala galay Maraykanka ayaa markii hore ka soo horjeestay diidmo badan, balse hadda waxaa hoos u dhacay dhawaaqa dhaleeceynta ah, taasoo muujineysa in heshiiskaas lagu ansixiyay madaxda ugu sareysa dalka.
Hoggaanka dalka ayaa laga yaabaa in hadda ay qiimeeyeen in diidmada heshiiska ay yeelan doonto cawaaqib xumo.

Xigashada Sawirka, EPA
Cadaadiska dhaqaale waa qayb weyn oo ka mid ah rabitaanka Iran ee ah inay heshiis la gaarto Maraykanka.
Dagaalada, cunaqabataynta dhaqaale, xayiraadaha maraakiibta, hoos u dhaca helitaanka suuqyada saliida iyo sarrifka lacagaha qalaad, iyo sicir bararka sare ayaa dhamaantood sii waday cadaadiska dalka iyo dadka reer Iran ee caadiga ah.
Qoysas badan oo reer Iran ah, su'aasha ugu weyni ma ahan in heshiiskan loo arki doono guul, balse wuxuu hoos u dhigayaa qiimaha nolosha iyo inuu yareeyo cabsida laga qabo dagaal kale.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in Iran aysan heli doonin lacagaha canshuur bixiyayaasha Mareykanka, balse ay heli karto balaayiin doollar haddii ay fuliso ballanqaadkeeda, lagana qaado cunaqabateynta dhaqaale ee saaran.
Taasi waxay siinaysaa Tehran fursad ay ku soo bandhigto heshiiska si ay u soo jiidato maalgashiga iyo dib u dhiska dhaqaalaheeda, halkii loo arki lahaa in ay ku xiran tahay Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, khataraha ayaa weli ah. Si rasmi ah looma shaacin faahfaahinta heshiiskan, waxaana la filayaa in wada hadallo kale ay ka furmaan dalka Switzerland maalinta Jimcaha.
Qodobada ugu adag ayaan wali si buuxda loo xalin, waxaana ka mid ah masiirka Yuraaniyaamka Iran ee la hodmay, heerka tayeynta ee la ogolaan doono, qaadista cunaqabateynta, arrinta marin biyoodka Hormuz iyo xaalada Lubnaan.
Waxa kale oo jira hubanti la'aan ku saabsan Israa'iil. Ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay wararka sheegaya in Israa'iil ay ciidamadeeda kala baxayso koonfurta Lubnaan, isagoo ku adkeystay in ciidamada Israa'iil ay sii joogi doonaan halkaas.
Dhanka kale, Donald Trump ayaa si cad ugu dhaliilay Israel howlgallada ay ka wado Lubnaan, isagoo sheegay in dad aad u badan lagu dilay. Waxa kale oo uu sheegay in aanu ku qanacsanayn weerarka Israa'iil ay ku qaaday Beyruut oo dhacay wax yar ka hor inta aan la gaadhin heshiiska Iran iyo Maraykanka, inkasta oo uu ku adkaystay in xidhiidhkiisa Netanyahu uu si wanaagsan u socdo.
Laakiin heshiiska ayaa u muuqda mid jilicsan. Hadii Israa'iil ay sii wado howlgalkeeda Lubnaan, Iran waxay wajihi doontaa cadaadis ah inay ka jawaabto. Haddii Washington ay ku guuldareysato inay ka hortagto Israa'iil, sheegashada Tehran ee ah in Lubnaan ay ku jirto heshiiska ayaa dhawaan la tijaabin karaa.














