Sida khuurada lammaanahaaga ay u saameyn karto caafimaadkaaga

Khuurada

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Ella Kipling
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Weligaa ma la seexatay lammaane khuurinaya, oo maalintii xigtay maka soo ag kacday adigoo dareemaya walbahaar, feejignaan yari ama illowsho?

Maaddaama khuuradu ay tahay arrin si weyn u badan, inta badan lama daweeyo waxaana loo arkaa dhib yar oo aan waxyeello lahayn. Laakiin sida ay khubarradu sheegayaan, la seexashada qof khuurinaya waxay saameyn ku yeelan kartaa caafimaadkaaga.

Khuuradu waxay ka dhalataa gariirka unugyada jilicsan ee ku jira marinnada hawada ee qaybta sare marka aynu hurudno, ayay sharraxday Dr Clare Simon, oo ah dhakhtar ilko oo si gaar ah u daneeya caafimaadka hurdada ee la xiriira ilkaha.

Qiyaastii 40% dadka waaweyn ee UK ayaa khuuriya, iyadoo dhibaataduna ay ku badan tahay ragga marka loo eego dumarka, sida uu sheegay Ururka Ingiriiska ee Qufaca iyo Joojinta Neefsashada Xilliga Hurdada (BSSAA).

Sidoo kale, 75% dadka la nool lammaane khuurinaya waxay sheegeen in hurdadoodu ay saameyn ku yeelatay, sida lagu ogaaday sahan ay Maraykanka ka samaysay Sleep Foundation.

Waa kuwan waxyaabaha aad u baahan tahay inaad ka ogaato saameynta khuuradu ku yeelan karto lammaanaha — iyo waxa aad arrintan ka qaban karto.

Feejignaanta iyo xusuusta

Prof Ama Johal, oo ah dhakhtar ku takhasusay sixitaanka iyo hagaajinta ilkaha isla markaana ah khabiir ku takhasusay hurdada oo ka tirsan Aerox Health, ayaa sharxaya in lammaanaha qofka khuurinya uu si weyn u saameyn karo, ilaa heer ay noqoto "isku daygii ugu dambeeyay" ee uu sameeyo inuu ka kaco sariirta oo uu qol kale seexdo, sababtoo ah wuxuu u baahan yahay inuu helo hurdo.

Wuxuu intaas ku darayaa: "Bani'aadam ahaan, jir ahaan ma shaqayn karno haddii aan la helin baahidaas aasaasiga ah [hurdada]."

Professor Ama Johal

Xigashada Sawirka, Professor Ama Johal

Qoraalka sawirka, Prof Ama Johal wuxuu sheegayaa in lammaanayaal badan ay muddo aad u dheer u dulqaataan saameynta xun ee khuuradu keento
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Habeennimada, waxaan habeenkii dhex marnaa marxalado kala duwan oo hurdo ah, kuwaas oo si isdaba-joog ah u soo noqnoqda, badanaa 90-kii daqiiqaba mar.

Marxaladaha hurdada ee ugu qoto dheer ayaa muhiim u ah soo kabashada iyo dib-u-dhiska jirka.

Haddii hurdadaadu si joogto ah u kala go'do, waxaa laga yaabaa inaad waqti yar ku qaadato marxaladaha hurdada ee jirka soo celiya, taasina waxay keeni kartaa inaad soo toosto adigoo daallan, xitaa haddii aad waqti badan sariirta ku qaadatay, sida ay sheegtay BSSAA.

Maskaxdaadu inta aad huruddo ayay habaysaa oo kaydisaa xogtii iyo macluumaadkii maalinta. Hurdada kala go'go'da — taas oo dhici karta haddii aad soo toosto sababo la xiriira lammaane khuurinaya — waxay carqaladayn kartaa habkan, taas oo saameyn karta diiradda iyo xusuusta.

Hurdada oo carqalowda waxay sidoo kale saameyn kartaa habaynta hormoonnada, taas oo iyaduna saameyn ku yeelan karta heerarka tamartaada iyo dhiirrigelintaada.

Hurdada ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaarta nidaaminta hababka maskaxda ee ku lug leh walbahaarka iyo falcelinta shucuurta. Marka hurdadu carqalowdo, hababkan maskaxeed waxay noqon karaan kuwo aan isu dheellitirneyn, taas oo laga yaabo inay kuu keento xanaaq badan iyo awood yar oo aad kula tacaasho walbahaarka.

Arrintan waxaa la kulantay Meg Warren, oo 29 jir ah, markii lammaaneheedii hore uu khuuradiisu hurdada ka kicin jirtay.

Waxay tiri: "Mar kasta oo aan ka soo tooso hurdo uu khuuradiisu iga kiciyay, waxaan dareemi jiray inaan aad u feejiganahay, sidii qof khatar sugaya."

Meg, oo ah sarkaal warbaahineed oo ka shaqeeya hay'ad samafal, waxay habeenkii oo dhan ninkeeda si tartiib ah u riixi jirtay, iyadoo isku dayaysa inay ku qanciso inuu dhabarka ka soo jeesto oo dhinac u seexdo.

Waxay sheegtay inay subaxdii soo toosi jirtay iyadoo "madax culus oo wareersan", mararka qaarna ay sidaas u darnaan jirtay oo ay dareemi jirtay sidii qof maalintii ka horreysay khamri cabbay.

Khuuradu waxay sidoo kale tijaabisay xiriirkooda, iyadoo Meg sharaxday: "Mar walba waxaan oran jiray haddii aan wada degno, waa inaan yeelannaa qol jiif oo dheeraad ah oo aan seexdo habeenada khuuradu si dhab ah u noqoto mid aan loo adkaysan karin."

Simon ayaa sheegay in hurdada kala go'go'da ee ay keento khuurada lammaanaha ay sababi karto xanaaq, muran iyo — haddii la go'aansado in qolal kala duwan lagu seexdo — hoos u dhac ku yimaada isu-dhawaanshaha lammaanaha.

Meg Warren

Xigashada Sawirka, Meg Warren

Qoraalka sawirka, Meg Warren

Anna-Louise Dearden, oo ah saxafiyad 52 jir ah, ayaa sheegtay inay mararka qaar qol gaar ah la seexato lammaaneheeda sababo la xiriira khuuradiisa.

Waxay sheegtay in ikhtiyaarkan uu u oggolaanayo inay mudnaanta siiso helitaanka hurdo ku filan, gaar ahaan marka khuuradu si gaar ah u sii xumaato.

Anna-Louise Dearden

Xigashada Sawirka, Anna-Louise Dearden

Qoraalka sawirka, Anna-Louise Dearden ayaa sheegtay in khuurada lammaaneheeda ay mararka qaar ku qasabtay inay qol kale seexato

Anna-Louise waxay tiri: "Haddii aad soo toosto oo aad habeen xun seexatay, wax badan ayaad cuntaa, waxaadna dareemaysaa xanaaq badan."

Waxay horey habeenkii si joogto ah uga soo toosi jirtay khuurada, balse waxay ogaatay in dheg-xireennada ay yihiin "wax nolosheeda wax weyn ka beddelay", maaddaama ay ka caawiyaan inay inta badan codka khuurada iska seexato marka ay sariir wadaagaan lammaaneheeda.

Goorma ayay tahay in caawimo caafimaad la raadsado?

Waxaa jira waxyaabo la samayn karo, sida ay sheegeen Simon iyo Johal. Laakiin marka hore, waxaa muhiim ah in la kala saaro in lammaanahaagu uu kaliya khuuriyo ama uu qabo xannuunka neefsashada ee hurdada.

"Waxa aadan doonayn waa inaad qofka habeenkii kaliya ka dhigto mid codkiisu yaraado, iyadoo laga yaabo in la iska indho tiro xanuun hoose oo la xiriira neefsashada xilliga hurdada," ayuu yiri Simon.

Calaamadaha sleep apnoea, oo ah xaalad keenta in neefsashada qofku si soo noqnoqota u istaagto una bilaabato inta uu hurdo, waxaa ka mid ah neefsashada oo hakata, habeenkii oo lagu neef-qabto ama lagu margado, hurdada oo si joogto ah looga soo tooso iyo madax-xanuun subaxdii.

Haddii aad la tacaalayso xaaladdan, Simon wuxuu sheegay in lagugula talin karo isticmaalka qalabka (CPAP), ama xaaladaha qaarkood xitaa qalliin.

Haddii ay tahay khuuro caadi ah, Simon wuxuu sheegay in isbeddello dhinaca hab-nololeedka ah ay wax ka tari karaan, sida miisaanka oo la dhimo, joojinta sigaarka, yareynta khamriga ka hor hurdada, ama beddelidda qaabka loo seexdo — tusaale ahaan, in dhinaca loo seexdo halkii dhabarka loo seexan lahaa.

Waxaad sidoo kale lammaanahaaga kula talin kartaa inuu dhakhtar guud u tago, kaas oo talo dheeraad ah siin kara ama kuu gudbin kara dhakhtar takhasus leh.

Khabiirku wuxuu soo jeedin karaa in la daweeyo xannibaadda sanka ama xasaasiyadda, haddii ay taasi sabab u tahay khuurada, ama in la isticmaalo qalab afka lagu xiro oo qofka loogu sameeyo si gaar ah, kaas oo si tartiib ah daanka hoose hore ugu riixa, isla markaana marin-haweedka furan.

Johal wuxuu sheegay in lammaanayaal badan ay "muddo aad u dheer u dulqaataan" khuurada, taas oo saameyn ku yeelata xiriirkooda iyo fayo-qabkooda.

"Qodobka ugu muhiimsan ayaa ah in caawimo la heli karo; waxa keliya ee loo baahan yahay waa in la raadsado oo laga faa'iidaysto," ayuu yiri.