Dowlad ka mamnuucday shaqaalaheeda oo dhan in ay xitaa guryaha ku isticmaalaan taleefanada casriga ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
BBC-da ayaa heshay waraaqo ka soo baxay xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan ka jirta, kuwaas oo sheegaya in lagu dhawaaqay mamnuucida isticmaalka taleefannada casriga ah "guriga iyo xafiisyada intaba" dhammaan shaqaalaha dawladda, oo ay ku jiraan kuwa militariga.
Warqadahaan ayaa lagu sheegay in ciddii jebisa amarkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Mamnuucida ayaa si rasmi ah u dhaqan galaysa maanta oo ay bishu tahay 16-ka June oo ku beegan maalinta koowaad ee bisha Muxaram ee sanadka 1447 Hijriyada oo ah sidoo kale curashada sanadka cusub ee xukuumadda Taalibaan.
Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, xukuumadda Taliban ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday isticmaalka taleefoonnada casriga ah ee xarumaha dowladda ee tacliinta sare, oo ay hormuud ka tahay wasaaradda tacliinta sare.
BBC-da oo la hadashay tiro ka mid ah shaqaalaha dowladda ee ku sugan gobollada kala duwan ee dalka Afgaanistaan ayaa xaqiijiyay in dhammaan shaqaalaha dowladda oo ay ku jiraan ciidamada milateriga si rasmi ah loo sheegay in aysan hadda kaddib la imaan karin taleefannada casriga ah ee shaqada.
Qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in laga codsaday in aysan guryahooda ku isticmaalin taleefannada casriga ah.
Xubin ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Taliban ayaa BBC-da u sheegay 15-kii June in maanta ay tahay maalintii ugu dambeysay ee ay isticmaali doonaan taleefannada casriga ah, waxaana lagu dhawaaqay in xarumaha dowladda laga mamnuucay isticmaalka taleefannada casriga ah iyo internetka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah shaqaalaha dowladda Taliban ayaa BBC-da u sheegay in hal sabab oo go'aankan loo qaatay ay tahay in shaqaalaha hay'adaha dowladda ay "aad ugu mashquulsan yihiin taleefannada gacanta halkii ay ka xallin lahaayeen dhibaatooyinka dadka".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Horey ayaa dukumiintiyo sir ah oo laga helay qaar ka mid ah hay'adaha dowladda Taliban lagu faafin jiray iyadoo la isticmaalayo taleefannada casriga ah, waxaana dadka qaar ay rumeysan yihiin in mamnuuciddan loo sameeyay si looga hortago in la shaaciyo dukumentiyada dowladda Taliban.
Sarkaal dhanka ammaanka ah oo ka tirsan dowladda Taliban ayaa BBC-da u sheegay shalay in maalintan ay noqon doonto maalintii ugu dambeysay ee loo ogolaado isticmaalka taleefannada casriga ah, sababtoo ah hadda wixii ka dambeeya waa mamnuuc isticmaalka taleefannada casriga ah iyo internetka ee xarumaha dowladda.
Qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda ayaa BBC-da u sheegay in maanta oo bishu tahay 16-ka June aan loo ogoleyn in ay la yimaadaan taleefoonnada casriga ah ee xafiisyada dowladda.
Waraaqo ay heshay BBC-da ayaa muujinaya in ku xigeenka maxkamadda militariga ee xukuumadda Taalibaan ay amarkan soo saartay hay'adaha kale ee dowladda.
Ilo ka tirsan dowladda Taliban ayaa BBC-da u sheegay in mamnuucistaasi ay tahay amar afka ah oo ka soo baxay hogaamiyaha Taliban Maulvi Haibatullah Akhundzada.
Waraaqo ay heshay BBC-da ayaa muujinaya in ku xigeenka maxkamadda militariga ee xukuumadda Taalibaan ay amarkan u soo saaray hay'adaha kale ee dowladda.
Ilo ka tirsan dowladda Taliban ayaa BBC-da u sheegay in mamnuucistaasi ay tahay amar afka ah oo ka soo baxay hogaamiyaha Taliban Maulvi Haibatullah Akhundzada.
Sayed Ahmad Mustaqim, wasiir ku xigeenka maamulka iyo kheyraadka ee xukuumadda Taliban, ayaa ku qoray bogga X, "Erayadaydii ugu dambeeyay ee tweet-ka: Dhageyso oo adeec, Amiirka Mu'miniinta, "Ilaahay ha xafido" Hadda, waxaa uu ii sheegay madaxa la ixtiraamo ee maamulka inaan isweydaarsado lambaro fudud.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalo iyo sawirro muujinaya qaar ka tirsan xukuumadda Taliban oo jabinaya taleefannada casriga ah oo ay ku andacoonayaan in ay sidaas u sameeyeen amarka hoggaamiyaha Taliban.
BBC-da ayaa isku dayday in ay si rasmi ah u raadiso fikradda xukuumadda Taliban ee arrintan ku saabsan, balse ma jirto cid ilaa hadda ka jawaabtay.
Mamnuucidda isticmaalka taleefoonnada casriga ah ee xarumaha dowladda ayaa ku soo aadeysa xilli wasaaradda isgaarsiinta ee xukuumadda Taliban ay sheegtay in in ka badan 17 milyan oo qof oo dalkaasi ku nool ay isticmaalaan internetka.
Arrin kale ayaa ah in nidaamka isgaarsiinta iyo faafinta macluumaadka ee xukuumadda Taliban ay sidoo kale fulisay iyadoo la adeegsanayo taleefannada casriga ah.
Tirakoobkii ugu dambeeyay ee wasaaradda isgaarsiinta ee Taliban ayaa lagu sheegay in 33 milyan oo Sim Card la diiwaan galiyay loona qeybiyay shacabka dalkaasi.













