ICE oo qorsheyneysa isticmaalka gacmo-gashi (gloves) qofka ku ridi kara shoog koronto

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Maraykanka (ICE) ayaa la filayaa in dhawaan lagu qalabeeyo gacmo-gashi koronto leh, kaas oo qofka ka dhigaya in ay ku dhagtay koronto inta ay ku jiraan shaqo maalmeedkooda.
Qalabka cusub ayey ICE qorshaynaysaa inay ku bixiso ilaa 20 milyan oo dollar, si ay usoo iibsato qalabka loo yaqaan (GLOVE, sida ku cad qoraal ay Isniintii soo saartay Waaxda Amniga Gudaha Maraykanka.
Galoofisyadu waxay soo saari karaan koronto gaareysa ilaa 380 volt, taas oo qiyaastii saddex jeer ka badan korontada ka timaadda godka korontada ee caadiga ah gudaha dalka Maraykanka.
Kooxo u dooda xuquuqda madaniga ah oo uu kamid yahay Ururka Xorriyadaha Madaniga ah ee Maraykanka (ACLU), ayaa walaac ka muujiyay isticmaalka qalabkan. ICE ayaa wajahaysa baaritaan iyo dhaleeceyn la xiriirta xeeladaha ay isticmaalaan xilliyada hawlgallada iyo dhaqan-gelinta sharciga, kuwaas oo sababay in saraakiishu dhowr qof toogtaan.
DHS ayaa war ay BBC siisay ku tiri: "ICE waxay si joogto ah u qiimaysaa baahiyaha saraakiisheena goobaha ka hawlgala, si loo hubiyo inay haystaan agabka iyo qalabka lagama maarmaanka u ah inay si ammaan ah u qabtaan shaqada oo dalka uga saaraan ajaanibta dambiilayaasha ah ee si sharci-darro ah ugu sugan dalkeenna."
Shirkadda samaysa galoofisyadan ayaa BBC u sheegtay inaysan dooneyn inay faallo ka bixiso qalabkan ay ka iibineyso ICE.
Si looga shaqeeysiiyo Qalabka GLOVE waxaala taabtaa batoon la riixayo si uu u bixiyo shoog koronto, waxaana uu gaarsiin karaa ilaa 30 shoog ilbiriqsigiiba. Waxa kale oo uu leeyahay kombiyuutarro yaryar oo ku dhex jira kuwaas oo diiwaangeliya marka qalabka la hawlgeliyo.
Shirkadda waxay boggeeda internetka ku sheegtay in qalabkani uusan dhaawac geysan, isla markaana ay isticmaalaan hay'ado badan.
Buugga hab-raaca isticmaalka qalabkan ee ku jira bogga shirkadda ayaa ku talinaya in laga fogaado in qalabka lagu isticmaalo dadka waayeelka ah, carruurta yaryar, haweenka uurka leh iyo dadka "aadka u naafada ah". Waxa kale oo uu ku talinayaa buugga in sarkaal kale goobta joogo si uu qofka u xakameeyo inta galoofyadu shaqaynayaan.
Dhanka kale, waaxda amniga gudaha waxay sheegtay in qandaraaska iibka oo aan tartan loo gelin laga yaabo in la daabaco ugu horreyn Jimcaha.

Xigashada Sawirka, Compliant Technologies
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si ka duwan Taser-ka, oo isticmaala bir-cirbado fiiqan oo maqaarka lagu duro, si ay qofka ugu gudbiyaan shoog koronto oo gaareysa ilaa 50,000 volt, galoofyadu ma sameeyaan dalool ama u baahna in lagu duro maqaarka si shoog loogu sameeyo qofka.
Taa beddelkeeda, galoofyadu waxay qofka siinayaan shoog xanuun badan si uu u awood yareeyo, looguna qanciyo inuu u hoggaansamo amarka, taas oo loo yaqaan "xanuun-ku-cabsi-gelin", sida uu sheegay Butch Gallion oo ah maamule ka tirsan xabsiga Hawkins ee Tennessee.
"Waxaa laga yaabaa inaan isticmaalno, ama aanan isticmaalin. Waxay ku xiran tahay sida ay u dhaqmaan. Marka aad riixdo batoonka si aad u shiddo, waxaa soo baxaya iftiin. Maxaabiistu way fahmaan iftiinkaas, mararka qaarna in ay iftiinka arkaan oo keliya ayaa ku filan inay u hoggaansamaan," ayuu yiri.
Galoofyadu waxay shoogga bixin karaan oo keliya marka ay taabtaan maqaarka bini aadamka. Taasi waxay sarkaalka u oggolaanaysaa inuu marka hore taabto dharka qofka, ka dibna u gudbo maqaarka.
Haddii qofku noqdo mid dagaal badan, ayuu sii raaciyay, "waxaad galoofyadan ku taaban kartaa meel maqaarku bannaanka yahay. Aniga ahaan, taasi qofka isla markiiba ayay ku qasbaysaa inuu u hoggaansamo."
Sida ku cad qoraalka DHS, GLOVE waxaa isticmaali doona saraakiisha iyo wakiillada Hay'adda Baarista Amniga Gudaha (HSI), oo bartilmaameedsata ururrada dambiyada caalamiga ah, iyo Hawlgallada Dhaqan-gelinta iyo Ka-saarista (ERO), oo mas'uul ka ah qabashada, xirista iyo masaafurinta dadka ku xadgudba sharciyada socdaalka ee Maraykanka.
Qaar ka mid ah hay'adaha fulinta sharciga ayaa durba isticmaalaya galoofyadan, balse waxaa la rumaysan yahay in iibka ICE ay qorshaynayso uu noqon doono kii ugu weynaa ee ay shirkadda Compliant Technologies illaa hadda samayso.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in fulinta arrinkan uu yahay walaac hor leh.
"ICE waxay sannadkii la soo dhaafay dalkan tustay inay diyaar u tahay inay iska indho-tirto sharciga, isla markaana ay si degdeg ah u isticmaasho xoog, taas oo dhalisay cawaaqib xun oo mararka qaar dhimasho keena, kuwaas oo saameeyay muwaadiniinta iyo dadka aan muwaadiniinta ahaynba," ayay tiri Jenn Rolnick Borchetta, oo ah ku-xigeenka agaasimaha ACLU u qaabilsan arrimaha booliiska.
Wakiillada federaalka ee socdaalka ayaa la dhaliilay kaddib dilal ka dhacay hawlgallada dhaqan-gelinta sharciga.
Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka mid ah toogashadii dhimashada keentay ee Lorenzo Salgado Araujo, oo ahaa muwaadin Meksiko ah, laguna toogtay Texas. Sidoo kale, muwaadin Colombia u dhashay oo lagu magacaabo Johan Sebastián Durán Guerrero, kaas oo lagu dilay hawlgal dhaqan-gelin ah oo la xiriiray socdaalka, kaas oo ka dhacay Maine.
ICE ayaa sidoo kale cadaadis kala kulmaysa inay fuliso qorshaha madaxweyne Donald Trump ee masaafurinta dadka, kaas oo ay ku jirto in la gaaro yoolka maalinle ah oo qabashada dad ah.
















