Saameyn intee la'eg ayey Weerarrada Baabul-Mandab ku yeelan karaan Soomaaliya?

MARKAB

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Fardowsa Sheekh Cabdiraxmaan
    • Role, Wariye BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaa jirta cabsi laga qabo in isu socodka baayac mushtarka dunida uu khalkhal ku yimaado, ka dib markii shirkadaha maraakiibta ee waaweyn ay ka leexiyeen safarradooda badda cas.

Weerarrada ay fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ku qaadayeen maraakiibta ganacsiga todobaadyadii dhawaa ayaa dhaliyey in in badan ay ka weecdaan marinka ugu mashquulka badan ee ay maraakiibtu maraan.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday in ay xannibi doonaan maraakiibta u socda dalka Sacuudiga.

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, oo ay taageerto Iiraan, ayaa sheegtay inay weerartay laba markab oo kuwa shidaalka qaada oo laga leeyahay Sacuudiga, kuwaas oo marayay Badda Cas.

Weerarkan ayaa yimid kadib markii Isniintii ay ku dhawaaqeen inay cunaqabatayn (xayiraad) ku soo rogeen maraakiibta Sacuudiga.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah maraakiibta, oo lagu magacaabo Encelia, la beegsaday, taasoo sababtay inuu dab ka kaco markabka. Waxay ku tilmaantay weerarka mid jebinaya sharciga caalamiga ah.

Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xayiraadda ay Xuutiyiintu saareen maraakiibta ay

Muxuu marinkan muhiim u yahay.

Markab kasta oo soo mara kanaalka Suweys isagoo u socda badweynta Hindiya ayey tahay inuu maro Baabul Mandab iyo badda cas. Ilaa 17000 oo markab iyo 10-12% ganacsiga dunida ayaa marinkaas ka gudba sannad kasta.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kanaalka Suweys ayaa ah marinka ugu dhaqsiyaha badan ee u dhaxeeya Aasiya iyo Yurub, wuxuuna muhiim u yahay maraakiibta sida saliidda iyo gaaska dareeraha ah.

Ilaa sagaal malyan oo barmiil ayaa maalin kasta marayey kanaalka Suweys lixdii bilood ee sannadkan ugu horreysay sida laga soo xigtay hay'adda Vortexa.

Falanqeeyayaasha hay'adda S&P Global Market Intelligence ayaa sheegaya in ku dhawaad 15% badeecadaha soo gala Yurub, bariga dhexe, iyo waqooyiga Afrika ay ka yimaadaan Aasiya iyo khaliijka ayadoo badda la soo mariyo.

Waxaa ka mid ah 21.5% saliidda sifaysan iyo in ka badan 13% saliidda cayriin.

Laakinse saliid kaliya ma aha. Kontaynarrada ay ku jiraan badeecadaha dadku isticmaalo sida dharka, kabaha iyo TV-yada ayaa iyagana halka la soo mariyaa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dhacdo ka dhacdo aaggan ay saameyn ku yeelato isu socodka badda isla markaana ay saameyn muhiim ah ku yeelato ganacsiga adduunka.

Tusaale ahaan, sannadkii 2021-kii markabkii uu surnaa calanka Panama ee Ever Given ayaa ku degay Suez kanal, taas oo sababtay xannibaadda marinka iyo abuurista cillado xagga silsiladaha sahayda caalamiga ah, iyada oo kor u kacday saameynta dib u dhaca iyo kharashaadkaba.

Gaar ahaan intii u dhaxaysay 2008-dii iyo 2012-kii, Marinka Baabul Mandeb iyo nawaaxigiisa waxaa ka dhacay weerarro badan oo ay geysteen kooxo burcad badeed ah oo u badan Soomaali, kuwaasoo afduub u geystay shaqaalaha maraakiibta si ay lacago uga qaataan kadibna loosie daayo, taasoo horay ugu hoggaamisay beesha caalamka, iyo sidoo kale shirkadaha maraakiibta, in la xoojiyo amniga.

Sidee ayuu Soomaaliya saameyn ugu yeelanayaa?

Soomaaliya waxay ku tiirsan tahay badeecooyin badan oo dibadda laga keeno. marka maraakiibta ay la kulmaan khataro, shirkadaha gaadiidka ayaa kordhiya kharashaadka safarka iyo caymiska. Kharashaadkaas dheeraadka ah waxaa ugu dambayn bixiya macaamiisha, taasoo keenta in qiimaha raashinka, shidaalka, dawooyinka iyo alaabaha kale ee daruuriga ahi uu sare u kaco, waxa ayna si gaar ah u saameysaa dadka dakhligoodu hooseeyo.

"Saameyn dhinacyo badan ayey ku yeelan kartaa, Soomaaliya wax walba hadii ay tahay wax la cuno, wax la xirto iyo wax la isticmaalaba bannaanka ayaa laga keenaa badda si xoogan ayaan ugu tiirsannahay, marwalba oo isku socodka gaadiidka badda uu hoos u dhaco waxaa imaaneysa in dhaqaalaha waddanka laga dareemo", ayuu yiri , waxa uu intaas ku daray in xitaa Burcad-badeeddu ay tahay caqabad kale oo qeyb ka noqon karta saameynta gaadiidka iman lahaa Soomaaliya.

Sidoo kale, ganacsatada Soomaaliyeed waxay la kulmaan caqabado, sida xoolaha nool, kalluunka iyo wax-soo-saarka beeraha, waxay mararka qaarkood dib u dhac ku yimaadaan ama ay kordhaan kharashaadka lagu dhoofinayo, badeecooyinka dalka laga dhoofiyo, sida uu BBC-du u sheegay Cumar Cabdullahi oo kamid ah ganacsatada ku tiirsan ganacsiga badda, aasina waxay yareyn kartaa faa'iidada ganacsatada iyo dakhliga dalka soo gala.

"Si guud la ogala mana bannaana in xorriyadda dhaq-dhaqaaqa ee badda si gaar ah gooshidda badda ay cid hor istaagto lama ogola", Cabdullahi Maxamed Cabullaahi khabiir dhanka badaha ah.

nabad ku maridda badaha waa mid aas aasi ah,iyada oo muddooyinkii dambe uu khal-khal ka taagsanaa marin biyoodka Hormuz, halkaas oo uu dagaal ku dhex maarayo Iiraan iyo Maraykanka.

Dhanka amniga, xaaladda Baabul-Mandab waxay Soomaaliya ku qasbi kartaa inay si dhow ula shaqeyso dalalka gobolka si loo ilaaliyo marin-biyoodka iyo xeebaha. Maadaama Soomaaliya leedahay xeeb dheer, waxaa muhiim ah in la xoojiyo ammaanka badda si looga hortago khatar kasta oo ka dhalan karta xasillooni darrada gobolka.