Dhalashada Afar caruur mataano oo dunida ka yaabisay!

Xigashada Sawirka, Metro North Health
Haweeney u dhalatay dalka Austaraaliya ayaa si dabiici ah u dhashay afar gabdhood oo mataano ah, iyadoo aan la adeegsan wax farsamo caafimaad ah sida bacriminta shaybaarka (IVF).
Sida uu sheegay Isbitaalka Royal Brisbane, uurkan wuxuu ahaa mid aad u naadir ah, isla markaana khatar badan lahaa intii ay uurka lahayd hooyada.
Afarta gabdhood waxaa lagu dhalay qalliin 14-kii Luulyo, kaddib markii uurku ay waday muddo gaareysa 28 toddobaad iyo afar maalmood. Gabdhahan waxay ahaayeen afar mataano oo ka wada samaysmay hal ukun bacrintay, taas oo micnaheedu yahay in hal ukun oo la bacrimiyey ay u kala qaybsantay afar uurjiif.
Sida uu isbitaalku sheegay, Jenniter Na'Amoana, oo 34 jir ah, iyo seygeeda Zortham waxay hore u lahaayeen afar carruur ah. Markii dhakhaatiirtu u sheegeen inay hal mar wada dhalayaan afar carruur ah, labadooduba aad bay ula yaabeen warkaasi.
Dr. Alexa Bendall oo daryeelaysay hooyada tan iyo bilowgii uurka ayaa sheegtay in dhalashada afar carruur ah oo dhammaantood ka wada samaysmay hal ukun ay dhacdo qiyaastii hal mar 15 milyan oo uurba mar.

Xigashada Sawirka, Jenitar Na’amoana/Gofundme
Waxay sidoo kale sheegtay inay aad u naadir tahay in afarta uurjiif ay wadaagaan hal mandheer, isla markaana aan hore loogu arag xaalad sidan oo kale ah.
Dr. Bendall, oo ku takhasustay caafimaadka hooyada iyo uurjiifka, ayaa sheegtay in uur noocan ahi yahay mid aad u khatar badan. Sidaas awgeed, Na'Amoana waxaa isbitaalka la seexiyey markay uurku marayey 25 toddobaad, si si joogto ah loola socdo xaaladdeeda.
Dr. Bendall ayaa yiri "Waxaan mar walba rajaynaynay in ugu yaraan aan gaarsiin karno uurka 28 toddobaad." isaga oo intaas ku daray "Aad ayaan ugu faraxsanahay in 28 toddobaad iyo afar maalmood kaddib ay afarta gabdhood si nabad ah ku dhasheen, dhammaantoodna caafimaad qabaan. Arrintani runtii waxay ahayd mucjiso, waxaana sharaf noo ah inaan qayb ka noqonno."
Waxay sidoo kale sheegtay "Jenniter waxay si geesinimo leh ula tacaashay dhammaan caqabadihii tan iyo maalintii ugu horreysay ee uurka. Waxay ka badbaadday khatar kasta oo iyada iyo carruurteedaba soo wajahday."
Gabdhaha cusub waxaa loo bixiyey Emily, Harriet, Catherine iyo Alexa. Mid ka mid ah gabdhaha waxaa loogu magac daray Dr. Alexa Bendall, oo daryeelaysay hooyada tan iyo bilowgii uurkeeda.

Xigashada Sawirka, Metro North Health
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dr. Bendall waxay sheegtay in carruurtu sii joogi doonaan qaybta daryeelka gaarka ah ee dhallaanka cusub (NICU) ilaa ay si buuxda u koraan oo ay diyaar ugu noqdaan inay guriga tagaan. Waxayna xustay inay hadda ku sugan yihiin xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan.
Jenniter waxay hore u lahayd afar carruur ah oo da'doodu u dhaxayso hal sano ilaa toban sano. Hadda oo ay qoyska kusoo biireen afar gabdhood oo cusub, waxay bilowday olole lacag ururin ah oo internetka ah si looga caawiyo inay iibsato gaari qaadi kara ugu yaraan 10 qof.
Farriinta ay la socodsiisay dadka wax ku tabarucaya ayay ku tiri:
"Afartayadii gabdhood ee qaaliga ahaa waxay dunida ku yimaadeen iyagoo nabad qaba. Qalbiyadeennu farxad bay la buuxsameen, hase yeeshee daryeelka afar dhallaan oo isku mar dhashay wuxuu noo keenay caqabado aynaan waligeen filayn."
Ololahan lacag ururinta ah ayaa ilaa hadda lagu deeqay in ka badan 24 lakh oo Ruubiyada Hindiya ah.
Dhalashada afar carruur ah oo isku eg, isla markaana si dabiici ah ku dhasha iyada oo aan la adeegsan wax gargaar caafimaad ah, waa arrin aad u naadir ah. Dhakhaatiirtu waxay qiyaasaan inay dhacdo qiyaastii hal mar 700,000 oo dhalasho kasta.














