Aqalka Wakiillada Mareykanka oo ansixiyay qarar lagu xaddidayo woodda Madaxweynaha Trump ee dagaalka Iran
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira dagaalka Iran, Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ansixiyay qaraar lagu doonayo in lagu xaddido awoodda Madaxweynaha Mareykanka ee ku saabsan dagaalka Iran.
Qaraarka ayaa lagu meel mariyay cod 214–208, waxaana lagu dalbanayaa in Madaxweyne Donald Trump uu joojiyo howlaha militari ee ka dhanka ah Iran haddii uusan haysan oggolaanshaha Kongareeska.
Afar xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku biiray Dimuqraadiyiinta, iyagoo taageeray qaraarka.
Tani waa markii labaad oo Aqalka Wakiilladu meel mariyo qaraar lagu isku dayayo in lagu xaddido awoodda madaxweynaha ee arrintan.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Golaha Senate-ka uu maanta u codeeyo qaraarkan.
Inkastoo inta badan xildhibaannada Jamhuuriga ay ka soo horjeesteen qaraarka, iyagoo muujiyay taageeradooda dagaalka uu Trump kula jiro Iran, haddana afarta xubnood ee Jamhuuriga ah ee la safatay Dimuqraadiyiinta ayaa door muhiim ah ka qaatay ansixintiisa.
Qaraarkan wuxuu muujinayaa mucaaradad muuqata oo ka dhan ah sida maamulka Trump u maareynayo dagaalka, hase yeeshee ma aha mid sharci ahaan qasab ku ah maamulka. Xitaa haddii Senate-ku ansixiyo, si toos ah uguma qasbi doono Aqalka Cad inuu joojiyo dagaalka.
Waxaa jira dood ku saabsan awoodda sharci ee qaraarka. Qaar ayaa u arka tallaabo astaan siyaasadeed oo keliya, halka qaar ka mid ah xildhibaannada Dimuqraadiga ay ku doodayaan in haddii Senate-ku ansixiyo, uu yeelan karo awood sharci maadaama aysan jirin maxkamad Mareykan ah oo si cad uga hortimid qaraarrada noocan ah.
'The Beast': Maxaan ka naqaanaa gaariga Trump ee ay qalab walba oo difaac ku idil yihiin?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Gaariga Trump
Marka madaxweynuhu keligiis yimaado oo uu safar galo, waxaa lagu galbiyaa gaari nooca raaxada ah oo ammaankiisu aad loo xaqiijiyey oo la yiraahdo Cadillac One.
Gaarigan oo ah mid si gaar ah loonaqshadeeyay ama loo sameeyo waxaa loo yaqaan "Z Beast".
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay in Mareykanku adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee B-1 oo ku sugnaa saldhigga ciidamada cirka Britain ee Fairford, si uu weerarro ugu qaado Iran.
IRGC ayaa London uga digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado weerar ka dhan ah dhulka Iran uu noqon doono "bartilmaameed sharci ah."
Bayaan ay soo saartay IRGC ayaa lagu sheegay in Mareykanku adeegsaday diyaaradahaas si uu u sii wado weerarrada kadib markii uu yareeyay kaydka gantaallada riddada dheer ee cruise missiles ee ku sugnaa Badweynta Hindiya. Sheegashadan si madax-bannaan looma xaqiijin.
Qayb kale oo ka mid ah bayaanka, IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in intii lagu jiray "Wejiga 26-aad ee Hawlgalka Nasr 2," cutub ka tirsan dagaalka elektaroonigga ah ee Mareykanka uu beegsaday saldhigga Al-Adiri, xarun caafimaad oo ay leeyihiin ciidamada, iyo munaaradda hagidda duulimaadyada ee saldhigga, taasoo ay ku sheegtay inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen askar Mareykan ah.
Sheegashadan sidoo kale weli lama xaqiijin ilo madax-bannaan.
Ra'isul wasaaraha Israa'iil oo soo dhaweeyay hadalka Trump ee ahaa in Sacuudiga ay ku biiraan heshiiska Abraham
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu
Israa’iil ayaa soo dhoweysay hadalka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ah in aan la fulin doonin heshiiska tamarta Niyukleerka ilaa sacuudigu ay saxiixaan heshiiska Abraham.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in ku biirista Sacuudiga ee Heshiisyada Abraham ay noqon doonto "tallaabo taariikhi ah oo horay loogu qaaday nabadda Bariga Dhexe."
Bayaankaasi kama uusan hadlin heshiiska nukliyeerka. Si kastaba, Wasiirka Dhaqaalaha Israa’iil Nir Barkat ayaa horay u sheegay in dalkiisu "maareyn karo" haddii Sacuudigu helo awood nukliyeer oo loogu talagalay isticmaal nabadeed.
Israa’iil ayaa si weyn loo rumeysan yahay inay leedahay hub nukliyeer ah, balse dowladda Israa’iil si rasmi ah uma xaqiijiso mana beeniso arrintaas.
Heshiiska Maraykanka iyo Sacuudiga ayaa Wasaaradda Tamarta ee Maraykanku ku tilmaantay "heshiis iskaashi nukliyeer oo nabadeed," kaas oo siinaya shirkadaha Mareykanka fursad weyn oo ay uga qeyb qaataan barnaamijka tamarta nukliyeerka ee Sacuudiga.
Arrinta nukliyeerka ayaa muddo bilo ah ahayd xudunta khilaafka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran, iyadoo Tehran ay sannado badan beenisay eedeymaha reer Galbeedka ee sheegaya inay doonayso inay hesho hub nukliyeer ah.
Xiisadda Iran iyo Bariga Dhexe oo Shidaalka nooca Brent Gaarsiisay In Ka Badan $100 Foostadii
Qiimaha Shidaalka cayriin ee Brent ayaa markii ugu horreysay tan iyo bishii May kor u dhaafay $100 foostadii, iyadoo sii xumaanshaha colaadda Bariga Dhexe uu kordhiyay walaaca laga qabo sahayda tamarta ee caalamka.
Qiimaha Brent, oo ah cabbirka ugu weyn ee qiimaha Shidaalka adduunka, ayaa kor u kacay in ka badan 6% fiidnimadii Khamiista, kadib maalmo xiriir ah oo uu sare u socday, xilli ay sii xoogaysteen weerarrada milatari ee Mareykanka uu ku qaaday Iran.
Qiimaha ayaa si weyn u kacay kadib markii Xuutiyiinta Yemen ay weerareen maraakiib shidaal oo ku safrayay Badda Cas, taas oo khatar gelisay mid ka mid ah marinnada muhiimka ah ee dhoofinta shidaalka ee Sacuudiga u isticmaalo inuu uga gudbo Marinka Hormuz.
Midowga Yurub oo cambaareeyay weerarka Xuutiyiinta ay ku qadaeen markab marayay badda cas
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Kaia Kalas
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Guddiga Yurub, Kaja Kallas, ayaa ku tilmaantay weerarka ay Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto ku qaadeen markab Sacuudi ah oo ku jiray biyaha Badda Cas mid "aan la aqbali karin oo sharci-darro ah".
Kallas ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay:"Weerarka lagu qaaday markab shidaal qaada oo ku sugan Badda Cas waa mid aan la aqbali karin oo sharci-darro ah, wuxuuna sii kordhinayaa xiisadda gobolka."
Waxay sidoo kale ugu baaqday Xuutiyiinta inay joojiyaan weerarrada ay ka wadaan gobolka.
Horaantii, wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga, iyadoo soo xiganaysa ilo rasmi ah oo ka tirsan hay’adda gaadiidka dalkaas, ayaa sheegtay in qaybta hore ee markabka shidaalka qaada ee Ansilia uu dab qabsaday kadib weerar.
Isha xogta ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalihii markabka ay badbaadeen, isla markaana aan wax khasaare dhimasho ah ka dhalan dhacdada.
Subaxnimadii Khamiista, Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto ayaa sheegtay inay beegsadeen laba markab shidaal oo Sacuudi ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay isku dayayeen inay jebiyaan xannibaadda badeed ee ay ku dhawaaqeen.
Degdeg: Trump oo sheegay inay tahay inay Sacuudigu aqoonsadaan Israa'iil si loo gaaro heshiiska nukliyeerka
Qoraalka sawirka, Degdeg
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska taariikhiga ah ee tamarta nukliyeerka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Sacuudiga uu dhaqan geli doono oo keliya haddii Sacuudigu ku biiro Heshiisyada Abraham, taas oo macnaheedu yahay inuu si rasmi ah u aqoonsado dowladda Israa'iil.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, Trump ayaa yiri:"Heshiiska Nukliyeerka Rayidka ah ma jiri doonto kobcin walxo nukliyeer ah, kaas oo ku kooban isticmaalka aan militari ahayn, waa la ansixin doonaa, balse wuxuu si buuxda ugu xiran yahay in Sacuudigu ku biiro Heshiisyada Abraham."
Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii khubaro ay ka digeen in heshiiskan uu kordhin karo halista faafitaanka hubka nukliyeerka ee gobolka Bariga Dhexe oo horeyba u ahaa mid aan xasilloonayn.
Arrinta nukliyeerka ayaa sidoo kale ahayd qodobka ugu weyn ee khilaafka muddada dheer u dhexeeyay Maraykanka, Israa'iil iyo Iran.
Sannadkii 2020, Trump ayaa dhexdhexaadiyay Heshiiska Abraham, kuwaas oo horseeday in Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ay caadiyeeyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Israa'iil.
Kadibna Suudaan iyo Morooko ayaa iyaguna caadiyeeyay xiriirka ay la leeyihiin Israa'iil.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa si adag u cambaareeyay weerar ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen laba markab oo marayay Badda Cas.
Xuutiyiinta ayaa hore u sheegay inay laba markab ku beegsadeen drones iyo gantaallo, iyagoo ku andacooday in maraakiibtaasi ay jebiyeen xannibaad badeed ay ku dhawaaqeen.
Wax yar kadib, wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo ka tirsan hay’adda gaadiidka dalkaas, sheegtay in qaybta hore ee markabka shidaalka qaada ee Ansilia uu dab qabsaday kadib weerarka. Warbixinta dowladda Sacuudiga laguma sheegin cidda fulisay weerarka.
Intii uu khadka taleefanka kula hadlayay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Mohammed bin Salman, Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa si adag u cambaareeyay weerarka. Pakistan iyo Sacuudiga ayaa leh heshiis iskaashi istiraatiiji ah oo dhinaca difaaca ah.
Qoraal uu ku baahiyay barta X, Sharif ayaa yiri:"Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarrada Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga ee Badda Cas. Falalkan waa kuwo aan la aqbali karin, waxay jebinayaan sharciga caalamiga ah, khatarna ku yihiin xorriyadda isu socodka badda iyo nabadda iyo amniga gobolka."
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo amniga, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed, iyo barwaaqada Boqortooyada Sacuudiga.
Wasiirka Isgaarsiinta Iran: Xaddidaadaha qalabka iyo xaaladaha farsamo ayaa sabab u ah cilladaha ku yimaada isgaarsiinta
Wasiirka Isgaarsiinta Iran, Sattar Hashemi, ayaa sheegay in hakadka ku yimaadda adeegyada isgaarsiinta kadib koronto go’a ay sabab u yihiin xaddidaadda qalabka korontada kaydka ah iyo xaaladaha farsamo ee xarumaha isgaarsiinta.
Hashemi ayaa sheegay in tan iyo markii ay toddobaadkii hore bilaabmeen korontada oo go'aysa, shirkadaha isgaarsiintu ay dadaal ku bixiyeen dayactirka iyo casriyeynta xarumaha isgaarsiinta.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in koronto go’a daba dheeraada ay weli sababaan carqalado ku yimaadda adeegyada.
Wuxuu intaas ku daray: "Inkasta oo la isku dayay in la beddelo baytariyada kaydka ah, haddana haddii korontadu maqnaato laba saacadood ama ka badan, ugu dambayn waxaa dhacaya in adeegga isgaarsiintu go’o."
Iran ayaa wajahaysa wareeg cusub oo koronto go’ iyo mugdi ah, taasoo ka dhalatay farqi weyn oo u dhexeeya wax-soo-saarka iyo isticmaalka tamarta, gaar ahaan yaraanta gaaska dabiiciga ah iyo shidaalka loo adeegsado xarumaha korontada.
Madaxwaynaha Iran oo Qasriga Sa’dabad ee Tehran ku Qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq
Xigashada Sawirka, dolat.ir
Qoraalka sawirka, Massoud Pezzekian ayaa kula kulmay Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Qasriga Saadabad ee waqooyiga Tehran
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Zaidi, xarunta madaxtooyada Saadabad ee waqooyiga magaalada Tehran.
Ra’iisul Wasaare Zaidi iyo wafdigiisa ayaa Khamiistii gaaray Tehran, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay Wasiirka Dhaqaalaha Iran, Cali Madinizadeh.
Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa warbaahinta Ciraaq, ayaa sheegtay in ujeeddada booqashada labada maalmood ah ee Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ay tahay wada-hadallo la xiriira tamarta iyo horumarinta gobolka.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in kadib Tehran, Ra’iisul Wasaare Zaidi uu booqan doono Turkiga, Sacuudiga, iyo Suuriya.
Lavrov oo Maraykanka uga digay sii wadista hubka uu siinayoUkraine
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Sergei Lavrov
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Sergei Lavrov, uu uga digay Maraykanka inuu sii wado hubka uu u dirayo Ukraine, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid "aan la aqbali karin."
Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in Lavrov uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, u sheegay in: "Sii wadista hubka loo diro Kyiv waa arrin aan la aqbali karin."
Kulanka labada wasiir ayaa ka dhacay magaalada Manila, intii uu socday shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka ASEAN. Intii uu kulanku socday, Lavrov wuxuu sidoo kale dhaliilay waxa uu ku tilmaamay "siyaasadaha xasilooni-darrada abuuraya" ee dalalka Yurub, isagoo sheegay inay weli doonayaan inay Ruushka gaarsiiyaan "guuldarro istiraatiiji ah."
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee rasmi ah ee dhex mara wasiirrada arrimaha dibadda ee Ruushka iyo Maraykanka tan iyo Sebtembar sannadkii hore.
Wuxuu ku soo beegmay xilli ay Washington diiradda ka weecisay dhex-dhexaadintii dagaalka Ukraine una jeesatay xaaladda dagaalka ee Bariga Dhexe.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan kooban ku sheegtay in Marco Rubio iyo Sergei Lavrov ay ka wada hadleen xiriirka u dhexeeya Maraykanka iyo Ruushka, iyo sidoo kale baahida loo qabo in la soo afjaro dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Saamaynta dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka uu ku leeyahay faa'iidada iyo khasaaraha shirkadaha reer Galbeedka
Saameynta dhaqaale ee colaadda Bariga Dhexe ayaa sii fidaysa iyadoo aan weli muuqan in ay xiisadda qaboobayso.
Shirkado badan ayaa dareemaya saameynta kororka qiimaha shidaalka. Tusaale ahaan, shirkadda diyaaradaha ee easyJet oo fadhigeedu yahay Britain, isla markaana isticmaasha shidaal badan, ayaa si weyn u saamaysay kororka qiimaha Shidaalka.
Faa'iidada shirkadda ayaa hoos u dhacday 70% intii lagu jiray rubucii ugu dambeeyay ee sannadka.
Dhanka kale, shirkadaha waaweyn ee shidaalka ee leh hanti badan oo ka baxsan Bariga Dhexe ayaa ka faa'iidaystay sare u kaca qiimaha Shidaalka.
Waxaa ka mid ah shirkadda Faransiiska ee Total, oo faa'iidadeeda labanlaabantay rubucii labaad ee sannadka, taas oo ay sabab u tahay kororka qiimaha shidaalka.
"Waxaan billownay weerarro cusub oo ka dhan ah saldhigyada Maraykanka ee Kuwait" – Ciidanka Iiraan
Garabka warbaahinta ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku sheegay in Iiraan ay billowday weerarro cusub oo lagu beegsanayo saddex saldhig oo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay Kuwait.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saldhigyada la weeraray ay kala yihiin:
Saldhigga ciidamada ee Ali al-Salem, oo maanta lagu weeraray diyaarado aan duuliye lahayN.
Saldhigga ciidamada ee Arifjan, oo isna maanta lagu qaaday weerar ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn.
Waxaa kaloo jirta xerada Doha, oo ay ku taallo bakhaar lagu kaydiyo hubka iyo qalabka ciidamada Maraykanka.
Ciidamada dalka Kuwait ayaa subaxnimadii Khamiista maanta ah shaaciyay in ay ka hortagayaan weerarro kaga yimid dhanka Iiraan, kuwaas oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan: 53 qof ayaa ku dhintay weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka.
Axios: Maraykanku wuxuu weerarka Iiraan u adeegsaday diyaaradda dagaalka ee B-1
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Diyaaradda B-1
Warbaahinta Mareykanka ee Axios oo soo xiganeysa saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay, in ciidamada Maraykanku ay Talaadadii (21-ka Luulyo) adeegsadeen diyaarad dagaal oo nooca B-1 ah, taas oo ah diyaarad wax duqeysa oo masaafo dheer gaarta, si ay u weeraraan goobo ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC).
Sida ay warbixintu sheegay, tani waa markii ugu horreysay tan iyo markii colaadda dib u qaraxday laba iyo toban maalmood ka hor oo ay ciidamada Maraykanku hawlgalladooda ku adeegsadaan noocan diyaaradda dagaalka ah.
Axios waxay sheegtay in diyaaradda B-1 ay ka duushay saldhig ciidan oo cirka ah oo ku taalla Ingiriiska, isla markaana dhaq-dhaqaaqeeda lagu arkay mareegaha internetka ee la socda duullimaadyada diyaaradaha.
Warbixintu waxay sheegtay in adeegsiga diyaaradaha B-1, kuwaas oo qaadi kara 24 bam oo midkiiba culeyskiisu ka badan yahay 900 kiiloogaraam ama tiro badan oo gantaallada ridada dheer ah, ay muujinayso koror weyn iyo ballaarin ku timid ololaha militari ee Maraykanka uu ka wado Iiraan.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaan ku xusin adeegsiga diyaaradda B-1 bayaankii uu Talaadadii ka soo saaray weerarrada la fuliyay maalintaas.
Bayaanka CENTCOM ayaa lagu sheegay in ciidamadiisu ay beegsadeen xarumaha hawlgallada militari ee Iiraan, awooddeeda badda, garoomada diyaaradaha, goobaha lagu dayactiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, iyo kaabeyaasha lagu daabulo agabka militari, si loo sii wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku khatar gelin karto maraakiibta ganacsiga ee mara Marinka Hormuz.
Ciidamada dalka Kuwait ayaa subaxnimadii Khamiista maanta ah shaaciyay in ay ka hortagayaan weerarro kaga yimid dhanka Iiraan, kuwaas oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.
Weerarradan, kuwaas oo la sheegay inay dhaceen xilli ay Maraykanku duqeymo cirka ah ka wadeen koonfurta Iiraan, ayaa warbaahinta xiriirka la leh ilo militari oo Iiraani ah ku tilmaantay “weerarro diyaarado aan duuliye lahayn lagu qaaday saldhigga Maraykanka ee Ali al-Salem.”
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sidoo kale sheegtay in qarax laga maqlay dekedda Aqaba ee dalka Urdun, hase yeeshee ilo kale ma aysan xaqiijin ama ma aysan sheegin weerar noocaas ah.
Tirada Iiraan ugu dhimatay weeraradii ugu dambeeyay ee Mareykanka
Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan: 53 qof ayaa ku dhintay weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanka
Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan, illaa 53 qof ayaa ku dhintay meertadii ugu dambaysay ee weerarrada Maraykanku ku qaaday Iiraan.
Sida ku xusan xogta ay soo saartay wasaaraddu, dhimashadan ayaa dhacday muddadii u dhaxeysay 27-kii Juun illaa subaxnimadii 22-ka July.
Agaasimaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Xogta ee Wasaaradda Caafimaadka Iiraan, Hossein Kermanpour, oo xogtan ku baahiyay barta X, ayaa sheegay in 592 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarrada Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, ma aanu caddayn inta ay le'eg tahay tirada dadka dhintay ee millatariga ah iyo inta ay le'eg tahay tirada rayidka ah.
Sida ay sheegayaan warbixinnada warbaahinta Maraykanka, ugu yaraan 18 askari oo milatariga Maraykanka ah ayaa ku dhintay tan iyo markii uu bilowday Dagaalka Maraykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ah Iiraan bishii March ee sannadkii hore.
barnaamijka tamarta nukliyeerka ee Sacuudi Carabiya."
Go'aanka arooska: Talooyinka muhiimka ah ee guurka ka hor
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Haweeney iyo seygeeda
Marwo Ababa G/sillaase iyo Seygeeda Gabre Kiristos waxay isqabeen ama ay noolal wadaag ahaayeen 50 sano. Dhawaanna waxay xuseen sanad guuradii 50aad ee guurkooda ka soo wareegtay iyada oo munaasabaddaasina ay ka soo qayb galeen 9 carruur oo ay dhaleen iyo 17 carruur oo ay carruurtooda sii dhaleen.
Waxayna qoysaskaasi nus qarniga noolasha ku mideysnaa ay sheegayaan iney muddo intaa dhan ay wada noolaadaan ay ugu wacneed "Samir iyo Iisu dulqaadasho".
"Labada qof ee isqaba ama wada nool midkood inuu khalad ka dhaca waa lagama maarmaan balse iney khaladka dhacay si deggan ay u xalliyaan ayaa u horseedaya iney noolal farxad leh ay ku noolaadaan" ayey tiri Marwo Ababa.
Bariyahan dambana waxaa aad u badan qoysas wada nool oo aan aarimaha qoyskooda ka wada hadli karin, kuwa u wada nool carruurta iney wada korsadaan oo keli ah, ama aan kalsooni isku qabin.
Haddaba isfaham la'aanta noocaasi marka uu sii ballaadho wuxuu horseedayaa qoysaski dhisnaa iney burburaan oo la kala tago.
Maxay yihiin waxyaabaha guurka khatar geliya?
Tigist Waaltangus iyo Indaalki Asafa waxay muddo ka badan 10 sano ay ka shaqeeyaan la talinta iyo xallinta khilaafaadka ka dhasha guurka iyaga oo ka wada tirsan urur arrimahan ka shaqeeya.
Xigashada Sawirka,Getty Images
Mar wax laga weydiiyey waxyaabaha guurka khatarta geliya ee burburka horseeda waxay sheegeen iney kow ka tahay aqoonta ay lammaanuhu u leeyihiin guurka iyo xiriirka jeceyl waxa ay kala yihiin.
"Guurku wuxuu ka billaabmayaa qofka laftiisa" marka inta uusan qofku fiirin qofka uu noolasha la wadaagayo waa inuu marka hore isagu is fiiriyaa, ayey Tiri Khabiir Tigist.
Dhibaatooyinka kale ee guurka iyo xiriirka jeceyl ee lamaanaha khatar gelin kara waxaa ka mid ah:
Halkan waxaan idinkugu soo koobeynaa waxa xalay ka dhacay Bariga Dhexe?
Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay fuliyeeny habeenkii 12-aad oo xiriir ah duqeymo ka dhan ah Iiraan. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay agagaarka magaalada Bushehr.
Dhanka kale, Iiraan ayaa sii wadday weerarradeeda jawaabta ah, iyadoo Kuwait ay sheegtay in difaaceeda cirka uu ka hortagay diyaarado aan duuliye lahayn oo loo arkay kuwo cadow ah.
Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, oo ay taageerto Iiraan, ayaa sheegtay inay weerartay laba markab oo kuwa shidaalka qaada oo laga leeyahay Sacuudiga, kuwaas oo marayay Badda Cas.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii Isniintii ay ku dhawaaqeen inay cunaqabatayn (xayiraad) ku soo rogeen maraakiibta Sacuudiga.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah maraakiibta, oo lagu magacaabo Encelia, la beegsaday, taasoo sababtay inuu dab ka kaco markabka. Waxay ku tilmaantay weerarka mid jebinaya sharciga caalamiga ah.
Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay, inay dib u billowday weerarro ay ku beegsanayso saddex saldhig oo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay dalka Kuwait.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in weerarradiisii la soo afjaray subaxnimadii Khamiista, 25-ka Agoosto.
Tani waxay ahayd habeenkii 12-aad oo xiriir ah oo ay Maraykanku weerarro ka fuliyeen qaybo kala duwan oo ka tirsan Iiraan.
Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo la sheegay inuu u oggolaanayo boqortooyada Khaliijka inay horumariso barnaamij tamarta nukliyeerka ee rayidka.
Waaxda Tamarta ee Mareykanka ayaa heshiiskan ku tilmaantay "heshiis iskaashi oo nabadeed oo dhanka nukliyeerka ah", kaas oo siinaya "shirkadaha Mareykanka fursad ballaaran oo ay kaga qayb qaataan barnaamijka tamarta nukliyeerka ee Sacuudi Carabiya."
Netanyahu oo hiilo ka helay Trump ee kiiska Mamdani
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Duqa New York, Mamdani
Duqa Magaalada New York, Zohran Mamdani, oo hore wacad ku maray inuu xiri doono raysal wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu haddii uu yimaado magaalada New York, ayaa hadda sheegay inuusan lahayn awood sharciyeed oo uu sidaas ku sameeyo.
Muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Mamdani ku sheegay, in mas’uuliyiinta Maraykanka ay tahay inay fuliyaan amar-qabashada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, kaas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.
Sharci ahaan, haddii Netanyahu uu tago dal xubin ka ah ICC, waxaa suuragal ah in la xiro lana geeyo maxkamadda. Hase yeeshee, Maraykanku ma aha xubin ka tirsan ICC.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Netanyahu aan lagu xiri doonin Maraykanka “si kasta oo ay ahaataba.”
“Wuxuu la dagaallamayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, oo dhowaan dishay 52,000 oo dibadbaxayaal aan waxba galabsan [sida uu isagu sheegay], isla markaana 47-kii sano ee la soo dhaafay dishay askar Maraykan ah iyo dad kale,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social maalintii Isniinta.
Trump wuxuu ka jawaabayay hadallo uu Mamdani ku sheegay wareysi uu Sabtidii siiyay The New York Times, kaas oo duqa magaalada ku sheegay inuu “wadahadallo firfircoon” la leeyahay hay’adaha fulinta sharciga oo ku saabsan suuragalnimada hirgelinta amarka qabashada ee ICC.
Hase yeeshee, Talaadadii Mamdani wuxuu sheegay in kooxdiisu ay dib u eegtay “dhammaan waddooyinka sharciyeed ee suurtagalka ah,” isla markaana ay ku soo gabagabeeyeen in “aanan haysan awood sharciyeed oo madax-bannaan oo aan ku fulin karno arrintan.”
“Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaa leh awooddaas,” ayuu Mamdani yiri. “Waxaan ugu baaqayaa inay ku biiraan ICC oo ay fuliyaan amarkan qabashada.”
Mamdani ayaa muuqaal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay, in Benjamin Netanyahu uu “ku soo dhoweynayn” Magaalada New York, halkaas oo la filayo inuu bisha Sebtembar u yimaado si uu uga qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa sannadkii 2024 soo saartay amar lagu soo qabanayo Netanyahu, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo la xiriira dagaalka Gaza. Isla mar ahaantaana, ICC waxay sidoo kale soo saartay amar qabasho oo ka dhan ah taliye ka tirsan Xamaas.
ICC waxay awood u leedahay inay dacwad ku soo oogto dadka lagu eedeeyo xasuuq, dambiyo ka dhan ah aadanaha, iyo dambiyo dagaal, haddii falalkaas ay ka dhaceen dalal xubno ka ah Heshiiska Rome, oo ah heshiiska lagu aasaasay maxkamadda.
Intii uu ku jiray ololihiisa doorashada duqa magaalada New York, Mamdani wuxuu marar badan Netanyahu ku tilmaamay dambiile dagaal, wuxuuna dagaalka Gaza ku sheegay xasuuq.
Isagoo markaas musharrax ahaa, ayuu wareysi uu siiyay The New York Times ku yiri: “Tani waa arrin aan doonayo inaan hirgeliyo.” Wuxuu sheegay in qabashada Netanyahu ay noqon lahayd fulinta amar ay soo saartay ICC.
Hadalladan ayaa imanaya xilli ay muuqato in taageerada codbixiyayaasha Xisbiga Dimuqraadiga ee Israa’iil ay is beddelayso. Ra’yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in 58% taageerayaasha Dimuqraadigu ay aaminsan yihiin, in Maraykanku taageero aad u badan siiyo Israa’iil, halka boqolkiibaasi uu ahaa 45% sannadkii 2024.
Isagoo ka jawaabaya wareysiga Mamdani, safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa yiri:
“Waxaa laguu doortay inaad u adeegto dadka reer New York, ee ma aha barabagaandhada Xamaas.”
Qoraalka sawirka, Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay agagaarka magaalada Bushehr.
Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay fuliyeeny habeenkii 12-aad oo xiriir ah duqeymo ka dhan ah Iiraan. Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay agagaarka magaalada Bushehr.
Dhanka kale, Iiraan ayaa sii wadday weerarradeeda jawaabta ah, iyadoo Kuwait ay sheegtay in difaaceeda cirka uu ka hortagay diyaarado aan duuliye lahayn oo loo arkay kuwo cadow ah.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in markab shidaal qaada uu dab qabsaday isagoo ku sugnaa goob miinooyin lagu aasay oo u dhow Marinka Hormuz, halka laba markab oo kale ay dib u bilaabeen safarkoodii.
Waxay mar kale ku adkaysteen inaan wax markab shidaal qaadaya ah loo oggolaan doonin inuu maro Marinka Hormuz iyada oo aan marka hore lala heshiin ama lala xiriirin Iiraan.