Hogaamiyaha Iiraan oo xayiraaddii Maraykanku ka qaaday Hormuz ku tilmaamay inay u gaysay "Quus iyo rajo xumo"

Xigashada Sawirka, ISNA/WANA/Reuters
Mareykanka ayaa joojiyey go'doomintii badda ee uu ku hayay Iiraan kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka bariga dhexe.
Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhamaadka go'doominta "si waafaqsan amarka Madaxweynaha", waxayna sheegeen in maraakiibta Mareykanka qaarkood ay ku sii sugnaan doonaan "goobta".
Wax yar ka dib, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in uu ogolaaday heshiiska lala galay Maraykanka in kasta oo uu leeyahay "aragti kala duwan", isaga oo aan faahfaahin. Waxa uu sheegay in uu u ogolaaday in heshiiska la saxiixo ka dib markii uu ballanqaaday madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian in uu "ilaali doono xuquuqda qaranka Iiraan".
Khamenei waxa uu sheegay in madaxweyne Trump uu " quus ama rajo-xumo darteed u adeegsaday dhammaan wax kasta" si uu heshiiska u gaaro.
Hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan ayaa sheegay in inkasta oo ay jiri doonaan "wada xaajood shakhsi ah mustaqbalka" oo u dhexeeya Tehraan iyo Washington, haddana tani "ay macnaheedu noqon doonto aqbalaadda mowqifka cadowga".
Tani waa markii ugu horeysay ee Khamenei uu ka jawaabo heshiiska. Laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Maarso ka dib dilkii aabihiis iyo taliyihii ka horreeyay, Ayatullah Ali Khamenei, oo lagu dilay 28-kii Febraayo duqeymo ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan oo dhaliyay dagaalka gobolka.
Trump si toos ah ugama uusan jawaabin hadalka Khamanei, balse waxa uu soo dhigay barta Truth Social in uu rajaynayo in xabad joojin ay dhaqan gasho "dhan walba", oo ay ku jiraan Israa'iil iyo Xisbullah-da Lubnaan ee ay Iiraan taageerto, iyo in uu filayo in dalalka Bariga Dhexe ay "ilaalinayaan go'aankooda ah in ay ogolaadaan wadaxaajoodkayaga" inuu dhaco.
Mareykanka ayaa joojiyey go'doomintii badda ee uu ku hayay Iiraan kadib markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo dagaalka bariga dhexe.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhamaadka go'doominta "si waafaqsan amarka Madaxweynaha", waxayna sheegeen in maraakiibta Mareykanka qaarkood ay ku sii sugnaan doonaan "goobta".
Wax yar ka dib, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in uu ogolaaday heshiiska lala galay Maraykanka in kasta oo uu leeyahay "aragti kala duwan", isaga oo aan faahfaahin. Waxa uu sheegay in uu u ogolaaday in heshiiska la saxiixo ka dib markii uu ballanqaaday madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian in uu "ilaali doono xuquuqda qaranka Iiraan".
Khamenei waxa uu sheegay in madaxweyne Trump uu " quus ama rajo-xumo darteed u adeegsaday dhammaan wax kasta" si uu heshiiska u gaaro.
Hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan ayaa sheegay in inkasta oo ay jiri doonaan "wada xaajood shakhsi ah mustaqbalka" oo u dhexeeya Tehraan iyo Washington, haddana tani "aysan macnaheedu noqon doonin aqbalaadda mowqifka cadowga".
Tani waa markii ugu horeysay ee Khamenei uu ka jawaabo heshiiska. Laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Maarso ka dib dilkii aabihiis iyo taliyihii ka horreeyay, Ayatullah Ali Khamenei, oo lagu dilay 28-kii Febraayo duqeymo ay Mareykanka iyo Israa'iil ku qaadeen Iiraan oo dhaliyay dagaalka gobolka.
Trump si toos ah ugama uusan jawaabin hadalka Khamanei, balse waxa uu soo dhigay barta Truth Social in uu rajaynayo in xabad joojin ay dhaqan gasho "dhan walba", oo ay ku jiraan Israa'iil iyo Xisbullah-da Lubnaan ee ay Iiraan taageerto, iyo in uu filayo in dalalka Bariga Dhexe ay "ilaalinayaan go'aankooda ah in ay ogolaadaan wadaxaajoodkayaga" inuu dhaco.

Senetarka Jamhuuriga Bill Cassidy ayaa heshiiska ku tilmaamay "khaladkii siyaasadeed ee ugu xumaa muddo tobanaan sano ah".
"Hamiga Nukliyeerka Iiraan lama xakamayn, waxayna ogaadeen in khatarta marin biyoodka Hormuz ay shaqeyso," ayuu yiri.
Vance ayaa difaacay heshiiska Khamiistii, isagoo sheegay in Iiraan aysan heli doonin lacag ama xayiraad cunaqabatayn ilaa ay ka soo baxdo waajibaadka ku xusan heshiiska.
Waxa uu sheegay in heshiiskan oo loo yaqaano (MoU) uu u baahan yahay in Iiraan ay burburiso kaydka Yuraaniyaamka ay ku jirto, isla markaana ay muujinayso inaysan maalgalin doonin kooxaha ay gacan saarka la leedahay ee gobolka.
Vance waxa kale oo uu eedayn u jeediyay xubnaha golaha wasiirada ee raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu oo dhaleeceeyay heshiiska Iiraan, isaga oo sheegay in ay "kacaan oo ay arkaan xaqiiqada jirta".
"Haddii aan ka mid ahaa golaha wasiirrada ee xukuumadda Israa'iil, waxaa laga yaabaa inaanan weerari lahayn saaxiibka kaliya ee awoodda badan ee iiga haray adduunka oo dhan" ayuu madaxweyne ku xigeenka u sheegay suxufiyiinta.
Wareysi uu siiyay New York Times oo sidoo kale la daabacay Khamiistii, Vance ayaa ku tilmaamay wasiirka amniga qaranka Israa'iil Itamar Ben Gvir iyo wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich kuwa dhaleeceeya heshiiska.
Wuxuu yiri: "Waxaan filayaa in jawaabta aan ka bixinayo ay noqon doonto - waa maxay soo jeedintaada saxda ah? Waxaad tihiin waddan ay ku nool yihiin sagaal milyan oo qof. Kaliya dil kuma xallin kartaan kartaan sidii aad u xallin lahaydeen dhibaato kasta oo amniga qaranka ah oo idin haysata".
Netanyahu qudhiisa ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado xiriirka dhow ee Israa'iil ay la leedahay Mareykanka Khamiistii, isagoo sheegay in Washington ay "garab istaagtay" dalka intii uu socday dagaalka Iiraan.
Balse labada dhinac ee Israa'iil iyo Xisbullah ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan waxay qaadeen weeraro ka dhan ah midka kan kale, waxaana duqeymaha qaarkood laga soo sheegay Lubnaan kaasoo ay ku dhinteen saddex qof.
Israa'iil ayaa ku dooda in dagaalka ay kula jirto Xisbullah uu yahay mid ka duwan dagaalka ay kula jirto Iiraan. Hezbollah ayaa sidoo kale diiday qodobada heshiiska Iiraan iyo Mareykanka.
Vance ayaa u sheegay suxufiyiinta in Israa'iil ay tahay inay ixtiraamto hannaanka nabadda ee ay kula jirto Iiraan, taasoo uu sheegay inay u wanaagsan tahay iyaga, isagoo caddeeyay in weerarrada ka dhacay caasimadda Lubnaan ee Beyruut ee lagu dilay dadka rayidka ah ay tahay "wax aan la aqbali karin".