Maxaan ka naqaannaa xisbiga la baxay 'baranbarada' ee mudaharaadka ka wada Hindiya?

Sawir uu soo saaray garaadka macmalka ah oo muujinaya qof xiran maaskaro baranbaro.

Xigashada Sawirka, Cockroach Janta Party

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Kumannaan ka tirsan dhallinyarada jiilka dambe ee "Gen Z" ayaa u soo baxay waddooyinka magaalada madaxda dalka Hindiya ee Delhi, iyagoo dalbanaya in uu iscasilo wasiirka waxbarashada ee dalkaas.

Dibadbaxyadan waxaa hoggaaminaya dhaqdhaqaaq isku magacaabay "Xisbiga Shacabka Baranbarada" oo markii hore waxqabadkiisa ka bilaabay intarneedka muddo laba bilood ka hor ah iyagoo adeegsanaya hab kaftan iyo majaajilo ah, ka hor inta aanu isu badalin mid ka mid ah dhaqdhaqaaqyada dhallinyarada ee ugu caansan Hindiya.

Bal se habka kaftanka ah ee ku saabsan dhismaha dhaqdhaqaaqan iyo xitaa magaciisa, wuxuu si dhakhso ah u noqday goob soo jiidata dhallinyarada ka cadhaysan maamulka iyo xaaladaha Hindiya ka jira, halkaas oo heerka shaqo-la'aantu uu aad u sarreeyo.

"Xisbiga Shacabka Baranbarada" ma aha xisbi siyaasadeed; ee waa dhaqdhaqaaq uu sameeyay oo hoggaaminayo khabiir ku xeeldheer xeeladaha xidhiidhka siyaasadda oo lagu magacaabo Abhijit Dipke, oo 30 jir ah, ahna arday hore oo ka tirsanaan jiray Jaamacadda Boston ee Mareykanka.

"Bilowgii"

Wareysi uu siiyay BBC, ayuu Deepki sheegay in arrintu ay ku bilaabatay "kaftan. Waxaan is yidhi aan isu nimaadno, ugu badnaanna laga yaabee in aan bilowno madal. Laakiin markii aan furnay fagaarahan is diiwaangelinta xubinnimada ee Google, waxaan helnay tobannaan kun oo codsi oo lagu doonayo in lagu soo biiro."

Sidaas ayay dhaqdhaqaaqa "Xisbiga Dadka Baranbarada" ugu suuragashay in uu isu beddelo dhaqdhaqaaq mudaaharaad oo si weyn loo tixgeliyo.

Bishii July 9-eedii, dhaqdhaqaaqu wuxuu ku dhawaaqay mudaharaad loo qorsheeyay in loo socdo baarlamaanka 20-ka isla bishaas. Baaqaasna waxaa ka jawaabay kumannaan qof oo u soo baxay caasimadda Delhi.

Magaalooyin kale oo Hindiya ah sida Bengaluru iyo Goa, boqollaal qof ayaa qabtay isu-soo-baxyo shumacyo lagu shiday, iyagoo muujinaya taageeradooda socodkii ay abaabuleen xubnaha Dhaqdhaqaaqa Xisbiga Dadka Baranbarada ee caasimadda.

Intii uu mudaharaadku socday, ka qaybgalayaashu waxay cambaareeyeen sida ay masuuliyiintu ula dhaqmeen injineerka iyo u-doodaha caanka ah Sonam Wangchuk, kaas oo la xidhay kaddib markii uu bilaabay cunto-ka-soon uu ku muujinayay garab istaaggiisa Dhaqdhaqaaqa Xisbiga Dadka Baranbarada.

Maalintii Sabtida, Wangchuk oo 59 jir ah ayaa loo qaaday isbitaal, halkaas oo uu ku dhawaaqay in uu sii wadi doono cunto-ka-soonkaas, arrintaas oo sii kicisay cadho ay muujiyeen taageerayaasha Dhaqdhaqaaqa Xisbiga Dadka Baranbarada.

Dibadbaxayaal ku sugan Hindiya

Xigashada Sawirka, Reuters

"Asalka Magaca"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sababta dhaqdhaqaaqa loogu bixiyay "Xisbiga Dadka Baranbarada" waxay ka timid hadallo uu jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Hindiya, Surya Kant, bishii May ee la soo dhaafay. Wuxuu markaas dhallinyarada shaqo la'aanta ah ee u jiheysta saxaafadda ama ku biira dhaqdhaqaaqyada dhallinyarada ku tilmaamay "baranbaro iyo dulin."

Aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa ayaa ka faa'iidaystay ereyga "baranbaro" ee uu adeegsaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxayna ku dareen ereyga "Janata", oo ku jira magaca xisbiga talada haya, Bharatiya Janata Party ee uu hoggaamiyo Raaysalwasaaraha Narendra Modi. Sidaas ayuu magaca dhaqdhaqaaqu u noqday "Cockroach Janata Party", ama "Xisbiga Dadka Baranbarada."

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa markii dambe caddeeyay in hadalladiisu uu ula jeeday oo keliya dhallinyarada sita shahaadooyin been-abuur ah, ee aanay khusayn dhammaan dhalinyarada Hindiya.

Markii dhaqdhaqaaqu ka soo gudbay baraha internetka una soo baxay fagaaraha bulshada, dhallinyaro badan oo ka qayb qaadanaysay waxay xidheen dhar ka tarjumaya magaca dhaqdhaqaaqa. Qaar waxay xidheen maaskaro lagu sawiray baranbaro, halka kuwo kalena ay xidheen dharka shaqaalaha nadaafadda.

Muxuu dalbanayaa dhaqdhaqaaqani?

Mudaharaadayaal

Xigashada Sawirka, Reuters

Go'aanka lagu baabi'iyay imtixaanka wuxuu dhirbaaxo culus ku noqday rajadii arday badan, maaddaama lagu khasbay in ay mar kale u fadhiistaan isla imtixaanka toddobaadyo yar gudahood.

Qoysas badan ayaa sheegay in ku dhowaad 20 arday ay isdileen sababo la xidhiidha go'aankan, taas oo noqotay mid ka mid ah sababihii kiciyay mudaaharaadyada Dhaqdhaqaaqa Xisbiga Dadka Baranbarada.

Dhaqdhaqaaqa dhalinyarada wuxuu ka dalbanayaa masuuliyiinta inay dib u eegaan nidaamka waxbarashada, islamarkaana lala xisaabtamo Wasiirka Waxbarashada Hindiya, Dharmendra Pradhan, iyadoo sidoo kale la dalbanayo in xilka laga qaado.

Bannaanbaxayaal

Xigashada Sawirka, EPA

Ilaa iyo hadda ma cadda in Dhaqdhaqaaqa Xisbiga Dadka Baranbarada uu ku guuleysan doono himilooyinkiisa, sida xil ka qaadista Wasiirka Waxbarashada iyo dib-u-habaynta nidaamka waxbarashada, hase yeeshee dhaqdhaqaaqu wuxuu durba saameyn muuqata ku yeeshay masraxa siyaasadda Hindiya.

Dibadbaxyadii dhacay Isniintii waxay ahaayeen kuwii ugu waaweynaa ee ka dhaca caasimadda Delhi ee lagaga soo horjeedo dawladda Ra'iisul Wasaare Narendra Modi muddo sannado ah.

Dhaqdhaqaaqa Xisbiga Dadka Baranbarada wuxuu taageero ka helay siyaasiyiin badan oo mucaaradka ah. Waxaa ka mid ahaa hoggaamiyaha Xisbiga Congress-ka Qaranka Hindiya, Mallikarjun Kharge, oo cambaareeyay sida booliisku ula dhaqmay dibadbaxayaasha isagoo adeegsanaya qoryaha korontada iyo ulo, wuxuuna ku tilmaamay arrintaas inay tahay "weerar lagu qaaday dimuqraadiyadda."

Sidoo kale, Mahua Moitra, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga All India Trinamool Congress, ayaa ku biirtay dibadbaxayaasha subaxnimadii Isniinta ka hor inta aysan ka qaybgelin fadhiga baarlamaanka.

Dhanka kale, Akhilesh Yadav, hoggaamiyaha Xisbiga Samajwadi, ayaa isna muujiyay taageerada uu u hayo ardayda iyo dibadbaxayaasha isugu soo baxay Delhi, isagoo sheegay in ay mudan yihiin in loola dhaqmo si xushmad leh.

Maalintii Salaasada, hoggaamiyaha mucaaradka Hindiya, Rahul Gandhi, ayaa dhaleeceeyay aamusnaanta Ra'iisul Wasaare Narendra Modi ee ku aaddan caburinta dibadbaxayaasha, isagoo ugu baaqay in uu raalli-gelin siiyo ardayda.