TOOS, Xiisad hor leh oo weli ka taagan Marinka Hormuz; Kuwayt oo difaaceeda xoojisay iyo Baxrayn oo laga maqlay siidhiga digninta

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Kuwayt: Nidaamyada difaaca ayaa dhexda ka qabtay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Kuwayt oo soo xiganaysa taliska guud ee ciidanka dalkaas, ayaa sheegtay in nidaamyada difaaca hawada ee Kuwayt ay Sabtidii maanta dhexda ka qabteen gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo weerar ku ahaa dalkaasi.

    Taliska Guud ee Ciidanka Kuwayt ayaa intaas ku daray in qaraxyada la maqlayay ay ahaayeen kuwo ka dhashay markii dhexda laga qabtay bartilmaameedyadaas oo ay gubeen nidaamyada difaaca.

    Hoggaanka ciidanka Kuwayt ayaa ku boorriyay muwaadiniinta inay raacaan habraacyada badbaadada iyo amniga ee ay soo saareen hay'adaha mas'uulka ka ah.

  2. Iiraan oo ka hadashay 'weerar ay ku qaadday maraakiibta Maraykanka'

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in "laba xero oo ciidammada cirka Maraykanka ay ku leeyihiin Kuwayt oo magacyadooda lagu sheegay Cali Al-Saalim, iyo tashiilaadkii muhiimka ahaa ee u hadhay Guutada Shanaad ee Ciidanka Badda Maraykanka ee Baxrayn, lagu beegsaday gantaallada balastikada ah oo ay rideen Ciidammada Cirka IRGC."

    Kacaanka Iiraan ayaa sheegay in saaka, afar markab oo nooca shidaalka qaada ah oo ay "kiciyeen isla markaana horkacayeen milatariga Maraykanku oo baal maray digniinaha loo hore loo soo saaray ee ka soo baxay Ciidanka Badda ee IRGC, ay damceen in ay si sharci-darro ah uga baxaan Marinka Hormuz.

    Digniinta kaddib, mid ka mid ah maraakiibta shidaalka ayaa la beegsaday oo la joojiyay, halka maraakiibtii kalena ay dib u laabteen."

    Bayaanka IRGC ayaa lagu sheegay in dhacdadan kaddib, "diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay laba gantaal ku dhufteen goob isgaadhsiineed oo ku taal Qeshm.

  3. Maraykanka oo sheegay in ay qabteen gantaallo ay Iiraan ku ridday dalalka ku yaalla Gacanka Beershiya

    Milatariga dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidammadoodu ay ka hortageen dhowr gantaal oo nooca balastikada ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Iiraan u gantay dhanka Marinka Hormuz iyo waddamada dariska ah ee Gacanka Beershiya.

    Taliska Dhexe ee Ciidanka Maraykanka ayaa barta X ku qoray in Iran ay toddoba gantaal oo balastiko ah ku riday dhanka Kuwayt iyo Baxrayn, saacado yar ka dib markii ciidammada Maraykanku ay soo rideen afar diyaaradood oo nooca is-qarxiya ah oo loo soo ganay dhanka Marinka Hormuz.

    Sida uu sheegay CENTCOM, weerarradan ayaa yimid kaddib markii ciidammada Maraykanku ay beegsadeen fadhiisimaha raadaarka ee ilaalinta xeebaha Iiraan ee ku yaalla Goruk iyo Jasiiradda Qeshm, si ay uga hortagaan wax ay ku tilmaameen “Khatar soo fool leh oo ku wajahan isu-socodka badda.”

    CENTCOM ayaa ku dhawaaqay in qiimayntii ugu horraysay ay muujinayso in lix ka mid ah gantaaladii la riday laga hortagay, halka gantaalkii toddobaadna aanu gaadhin bartilmaameedkii loogu talagalay.

    Milatariga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in aanay jirin wax warar ah oo sheegaya waxyeelo soo gaadhay ciidammada Maraykanka, islamarkaana sheegashada Iran ee ku aaddan waxyeello loo gaystay xarunta Taliska Guutada Shanaad ee Maraykanka ee Baxrayn ay tahay "mid khaldan."

    Dhinaca kale, dalka Kuwayt ayaa ku dhawaaqay in uu hawlgaliyay nidaamkiisa difaaca cirka, halka Baxraynna ay sheegtay in ay dardargeliyeen siidhiga digniinta.