Trump oo sheegay in hoggaamiyeyaasha Lubnaan iyo Israa'iil ay booqan doonaan Aqalka Cad

Xigashada Sawirka, Getty Images
Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ay imaan doonaan Aqalka Cad toddobaadyada soo socda, xilli Mareykanku uu doonayo inuu dhexdhexaadiyo heshiis nabadeed oo waara.
"Waxay lku qasban yihiin Xisbullaah inay ka fikiraan," ayuu yiri. "Waxaan la shaqeyn doonnaa Lubnaan si aan u toosinno arrimaha dalkaas".
"Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto wax cajiib ah in arrintan si isku mid ah looga shaqeeyo waxa aan ka sameyneyno Iraan."
Si aad wax badan u akhrido:













