Ayraboorrada ugu wanaagsan dunida iyo sirta ka dambaysa guushooda

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Waxa aad ka soo degtay duulimaad 18 saacadood qaatay ka dib, indhahaaga daal iyo hurdo ayaa ka muuqda, marka aad isu diyaarinayso qaybta ugu daalka badan ee duulimaadka dal kale, safafka dhaadheer iyo sugitaanka shandadaha ee aan dhammaadka lahayn.

Laakiin arrinku waa sheeko sidaa ka duwan markaad timaaddo. Waxa ku soo dhawaynaya mashiinada nadiifinta caqliga leh oo masaxaya sagxadaha ilaa ay ka dhalaalayaan oo nadiif noqdaan, halka adeegyada socdaalka ay ku socdaan xawli la yaab leh. In ka yar 15 daqiiqo waxaad ka baxaysaa garoonka, waxaad la yaaban tahay sababta qaybaha kale ee aduunka ay uga dhigaan safarka mid adag.

Dhowr maalmood ka dib, markaad dib u soo noqoto, habka hubinta ee duulimaadkaagu wuxuu u socdaa si aan cillad lahayn. Inta aad sugayso duulimaadkaada, waxaad arki doontaa inaad ku jirto meelo 24-saac si bilaash ah loogu daawado aflaamta, beerta balanbaalista, iyo muuqaalka biyaha gudaha (indoor water) ee ugu dheer aduunka. Xitaa waxaa jira barkad quraarad ah, iyo saqafyo leh shaashado dhijitaal oo bixinaya muuqaal u eg kan dabiiciga ah ee cimilada dibadda.

Mararka qaarkood waxaad illowdaa inaad joogtid garoon diyaaradeed oo aadan joogin magaalo yar, casri ah, oo si taxadar leh loo qorsheeyay.

Tani maaha sheeko riyo ah oo soo noqnoqotaa. Kani waa garoonka diyaaradaha ee Changi ee Singapore, kaasoo mar kale ku guuleystay abaalmarinta Skytrax ee garoonka ugu fiican adduunka sannadkii labaad oo isku xigta iyo 14 jeer.

Halka garoommada kale ee waaweyni ay la kulmaan jiirar, shaqo joojin shaqaalaha iyo burburka kaabayaasha dhaqaalaha, xasiloonida casriga ah ee Changi ayaa u muuqata mid ku jirta adduun iyada u gaar ah.

Farqiga u dhexeeya garoon diyaaradeed oo caadi ah iyo garoon heer caalami ah weligood may noqon mid weyn.

Waa maxay sababta garoonka diyaaradaha ee Changi uu u fududahay in loo duuliyo? Maxaase ku ilaalinaya in Singapore ay horumarto marka ay tartamayaasheeda hoos u dhacaan?

Wax ku oolnimo

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Max Hirsh, Madaxa Akadeemiyada Madaarka Magaalada, oo ah machad cilmi-baaris oo ku takhasusay qorsheynta iyo horumarinta garoonka diyaaradaha, Changi guushiisu kuma dhisna tayada adeegga oo keliya, laakiin waxay ku dhisan tahay awoodda ay u leedahay inay si xirfad leh u maareyso aasaaska hawl-maalmeedka ee xawaaraha, badbaadada iyo is-dhexgalka adeegga.

Sidoo kale waa awoodda isbeddelka marka arrimuhu u dhacaan si ka duwan sidii la filayay.

"Shaqada duullimaadyada marka la eego, taasi way dhacdaa in badan," ayuu yiri Hirsh. "Caqabadda ma ahan in la gaaro isku dheelitirnaantaas hal habeen, laakiin waa in la ilaaliyo tobanaan sano inkastoo baahida isbeddelka, tignoolajiyada, iyo qalalaasaha. Changi wuxuu ku guuleystey middaas sababtoo ah wuxuu u arkaa dheelitirkaas arrin joogto ah, ma aha guul hal mar ah".

Haddii aad waligaa tagtay Singapore, waxa laga yaabaa inaad dareentay xasiloonida ka jirta garoonka.

Waxa aadan si fudud u arki karin waa shaqada weyn ee ka socota daaha gadaashiisa si loo dhiso xasilloonidaas.

Muuqaalka gadaashiisa, waxaa jira shaqo aad u weyn, oo si taxadar leh la iskugu duba riday, iyadoo la isticmaalayo nidaamyo otomaatig ah, aqoonsiga biometric, iyo falanqaynta saadaalinta si meesha looga saaro ciriiriga ka hor inta uusan dhicin.

60,000 oo shaqaale ah ayaa waxay ku hayaan maaraynta xamuulka, nadaafadda, isticmaalka tamarta iyo socodka rakaabka si dheellitiran.

Sida uu qabo Hirsh, Changi wuxuu had iyo jeer u muuqdaa mid hore u socda.

Macquulnimada waxay ka muuqataa xitaa waxyaabo yaryar oo aan si fudud loo arki karin.

Kaabayaasheeda, laga bilaabo calamadaha fudud ilaa kuwa toosan ee socotada ah, calamadaha cad ee maaraynta dadka, waxay ka ilaalisaa socotada daalan ee safarada dheer soo galay inay jahawareeraan ka hor intaysan gaadhin albaabka laga galo.

500 oo musqulood oo ku kala firirsan xarumaheeda oo dhan ayaa sidoo kale qayb ka ah guushaas.

Mid kastaa wuxuu leeyahay shaashad dhijitaal ah oo u oggolaanaysa socotada inay qiimeeyaan xaaladdiisa.

Haddii dhibcuhu hoos u dhacaan, koox nadiifin ah ayaa isla markaaba loo diraa "Taxanuhu waa sahlan yahay" ayuu yiri Hirsh.

"Kow Waxqabadka, labo deegaanka, saddexaad muuqaalka soo jiidashada leh".

Soo jiidasho kala duwan

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Soojiidashada gaarka ah Changi waxay leedahay soo dhinacyo badan oo aad u baahan tahay booqashooyin dhowr ah si aad si buuxda u fahanto.

Midda ugu caansan waa Jewel Rain Vortex, oo ah il biyood gudaha ah oo ku taal xaafad ganacsi oo u dhow garoonka, taas oo hadda ah mid ka mid ah calaamadaha caanka ah ee Singapore.

Dhinac kale, dadka safarka ah waxay daawan karaan Toni, Robotka kabalyeeriga ah ee Changi, oo cabitaan ku diyaariya terminalka laba iyo seddex.

Beerta balanbaalista waxay soo bandhigtaa dirxiyo cusub labadii ama seddexdii usbuucba mar si loo hubiyo inay mar walba jiraan noocyo kala duwan oo balanbaalis ah.

Dadka aan jeclayn xasharaadka duulaya, waxaa saqafka ku yaal beer tiin leh ah iyo beer gabbaldayaha ah. Jimicsi cusub iyo aag madadaalo oo furmay 2025 ayaa bixiya hawlo kala duwan laga bilaabo bacaha feerka ilaa meelaha ay carruurtu ku cayaaraan.

Kuwa sugitaan dheer ku jira oo aan lahayn shuruudo fiisaha, garoonku wuxuu xitaa bixiyaa safaro daawasho magaalo oo bilaash ah. Soojiidashadani maaha kaliya madadaalo.

Waxa kale oo ay leeyihiin shaqada koowaad ee ah inay rakaabka u kala qaybiyaan qaybaha kala duwan ee garoonka, si ay u yareeyaan saxmada badan ee garoommada kale.

Hal-abuurka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qayb ka mid ah guushani waxay ka timid isku-darka xaqiiqada iyo aragtida.

Shaqaale yaraanta Singapore ayaa ku kaliftay Changi inuu wax badan ku maalgeliyo nidaamyada iswada ee u dhexeeya socdaalka ilaa nadaafadda iyo adeegyada kale ee rakaabka.

Sannadkii 2024-kii, Changi wuxuu noqday garoonkii ugu horreeyay ee adduunka si buuxda u hirgeliya nidaamka socdaalka ee bilaa baasaboorka ah, iyadoo la adeegsanayo aqoonsiga wejiga iyo bu'da isha si loo yareeyo waqtiga lagu qaato mid ka mid ah tallaabooyinka ugu caajiska badan ee socdaalka caalamiga ah.

Dadka reer Singapore ayaa nidaamkan isticmaala marka ay soo galayaan iyo marka ay ka baxayaan, halka ajaaniibta loo ogol yahay in ay adeegsadaan marka ay dalka ka baxayaan.

Habkaas ayaa sidoo kale sharraxaya sababta dhaqdhaqaaqyada Changi aysan waligood u joogsan.

Garoomada diyaaraduhu waxay la mid yihiin magaalooyin yaryar oo jadwalkoodu adag yahay iyo nidaam gaadiid oo adag, taasoo ka dhigaysa inay u nuglaadaan khalkhal. Taasi waa sababta Changi uu bilaabay Terminal X, shaybaar hal-abuurnimo oo loogu talagalay in lagu wajaho caqabadaha cimilada, yaraanta shaqaalaha, caqabadaha awoodda iyo beddelka filashooyinka safarka.

"Xarunteenna hal-abuurnimo aad ayay muhiim u tahay" ayuu yiri Kris Mok, isagoo ka digaya in caqabadaha ay si dhaqso ah isu beddelayaan "sanadaha soo socda waa inaan labanlaab u shaqeynaa".

Mashaariicda shaybaarka waxaa ka mid ah adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku duula daruuraha dushooda si ay uga hortagaan danab ku dhaca dhulka oo sababa in la xiro dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan.

Liiska Garoomada Diyaaradaha ee ugu Wanaagsan 2026

Gegida Diyaaradaha ugu Fiican Adduunka: Singapore Changi.

Gegida Labaad ee ugu Wanaagsan Adduunka: Incheon International.

Gegida Diyaaradaha ugu Nadiifsan Adduunka: Tokyo Haneda.

Gegida diyaaradaha ee ugu fiican Yurub: Paris Charles de Gaulle.

Gegida Diyaaradaha ugu Fiican Afrika: Cape Town International.

Gegida diyaaradaha ee ugu fiican Koonfurta Ameerika: Santiago.

Gegida Diyaaradaha ugu Fiican Qoysaska Adduunka: Incheon International

Liiska garoomada ugu wanaagsan Afrika 2026

.

Xigashada Sawirka, ARR

Muuqaalka duulista hawada ee Afrika ayaa sii horumaraya, iyada oo garoomada koonfurta iyo waqooyiga ay hogaaminayaann qiimayntii ugu dambaysay ee marinnada safarka hawada ee ugu wanaagsan qaaradda.

Marka loo eego Abaalmarinta Garoomada Caalamiga ah ee 2026, oo lagu go'aamiyay sahannada macaamiisha, Gegida Caalamiga ah ee Cape Town ayaa lagu qiimeeyay garoonka ugu wanaagsan Afrika.

Qiimayntan ayaa ah natiijada jawaab celin ballaadhan oo laga helay rakaabka matalaya in ka badan 100 waddan, oo la sahamiyey intii u dhaxaysay Agoosto 2025 iyo Febraayo 2026.

1. Cape Town

2. Johannesburg Or Tambo

3. Marrakesh

4. Durban King Shaka

5. Casablanca

6. Qaahira

7. Mauritius

8. Kigali

9. Addis Ababa

10. Antananarivo

Bariga Afrika ayaa matalaad xooggan u aragta Kigali-ka Rwanda oo ku jira lambarka 8-aad iyo Addis Ababa ee Itoobiya lambarka sagaalaad. Isku soo wada duuboo liiska tobanka garoon ee diyaaradaha ugu fiican Afrika waxaa lagu soo gunaanaday Antananarivo, caasimadda Madagascar.