Iran iyo Israa'iil oo sheegay inay hakinayaan duqeymaha balse waxa ay jeediyeen digniin kale
Israa'iil iyo Iiraan labaduba waxa ay sheegeen inay hakinayaan duqaymaha laakiinse waxa ay ka digeen weerar celin haddii xabbad joojinta mar kale la jabiyo
Booliska Waqooyi-Galbeed ee Nigeria ayaa sheegay ugu yaraan
soddon iyo sagaal qof oo ka qayb galayay wadahadal ay lahaayeen qoyska
hoggaamiye burcad ah oo deegaanka ah iyaga oo kala hadlay kororka afduubka.
Saraakiisha gobolka Zamfara ayaa sheegay dadku ay isugu soo
baxeen la kulanka waalild hoggaamiye burcad, laakiinse iyagii ay qabsadeen
kooxo hubaysan, uuna hadda socdo howlgal.
Afduubyada loo gaysanayo madax-furashada ayaa dhibaato sii
kordhaysa ku ahaa muddooyinkii u dambeeyay qaybo badan oo kamid ah Waqooyiga
iyo Bartamaha Nigeria.
Garsooraha kubbada cagta Soomaaliyeed Cumar Abduqaadir Cartan
ayaan ka qayb gali doonin xaggaagan koobka Kubbada cagta Adduunka, kadib markii
loo diiday dalku galka Maraykanka, sida ay xaqiijisay xiriirka kubbada cagta adduunka
ee FIFA.
Soomaaliya ayaa kamid ah 39 dal oo ay saamaysay xayiraada
fiisaha ee maamulka Trump, waxaana muwaadiniinta dalalkaasi ay maraan
baaritaano dheeraad ah.
‘’FIFA ma faragashato dalka martigalinaya nidaamkiisa
socdaalka, oo ay ku jirto go’aanada fiisaha, waana lagu wargaliyay
masuuliyiinta in xaalada Artan aan waxba laga beddeli karin wakhtiga,’’ ayuu ku
yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka FIFA.
War deg deg ah, Ghalibaf : Diblomaasiyada goobta dagaalka ayaa dhinac u riixday cadowga
Xigashada Sawirka, Reuters/EPA
Qoraalka sawirka, Mohammed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamanka Iiraan
Fariin codeed lagu daabacay wakaaladaha wararka rasmiga ah
Isniintii, Mohammed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamanka Iiraan ayaa ku
tilmaamay weerarkii habeenimadii Axada ee duqaymaha ay iyagu gaysteen gabi
ahaanba kuwo lagu qiimeeyay inay ahaayeen lagama maarmaa oo ay guulaysteen.
Farriinta codka oo qoraal ahaan ay daabacday wakaalada
wararka IRNA ayuu ku yiri Qalibaf, ‘’Haddii aynu ku tixgalino diblomaasiayada wadahadalada
kali ah ee qolalka xiran iyo diblomaasiyada qosolka, weeynu ku guul daraysan
lahayn bilowgiiba, haddii aynu ku tiirsanaan lahayn dagaal iyo howlgalo
militari oo kali ah, ma aynaan awoodneen in aynu si buuxda u difaacno
xuquuqdeena’’.
Qalibaf oo hoggaaminayay wafdiga wadahadalada Iiraan iyo
Maraykanka ee Pakistan iyo safarkiisii u dambeeyay ee Qatar uu u raacay Abbas
Araqchi, ayuu ku yiri fikradiisa: ‘’Dhacdadii Lubnaan waxay muujinaysaa in
fagaaraha diblomaasiyada oo uu la socda midka milatari ay dhinac u riixi karaan
Israa’iil iyo cadowyada. Diblomaasiyada kama hortagto howlgalada milatari,
sidoo kalana howlgalada milatari kama hortagaan diblomaasiyada.
Iyada oo ay socdaan dadaalada lagu dhammayo dagaalka u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan, waxaa weli socda iskudhacyda aan ballaarnayn ee labada dhinac. Waxayna ahayd tii ugu dambaysay ee ay rasaasta isku weydaarsadeen marinka Hormuz Jimcihii.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabataynada saaran Tehran ay tahay mid daciifin doonta Maraykanka.
Laanta sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa iyaga oo taxliilinaya arrintan sheegay in Tehran ay weli awood u leedahay inay sii adkaysato muddo bilooyin ah cunaqabaynada ciidamada badda ee saaran dalkaasi.
Kazem Gharibabadi, ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda
jamhuuriyada Islaamiga ee Iiraan ayaa cambaareeyay cunaqabateenada cusub ee Midowga
Yurub ee ka dhanka ah tiro shakhsiyaad Iiraaniyiin ah iyo hay’ado, isaga oo ku
qeexay cadaadisyadan been abuur iyo xoog sheegasho.
Waxa uu ku qoray barta shabakada bulshada ee X: ‘’Maanta,
golaha Midowga Yurub, talaabo been abuur ah, waxa ay ku meel mariyeen wax loogu
yeeray cunaqabateeno ka dhan ah hay’ado iyo shakhsiyaad Iiraaniyiin ah oo lala
xiriirinayo marinka Hormuz. Iyaga midowga Yurub ayaa ah kuwa ugu weyn ee ku
xadgudbaya xuquuqda shacabka Iiraan, midowguna uu si kas ah uga aamusnaa xiritaanka
ciidamada badda Maraykanku ku sameeyeen Iiraan, taasi oo loo tixgalinayo ficil
dagaal’’
Waxa uu intaa ku daray Iiraan in ‘’aysan qayb ka ahayn
heshiiska Sharciga Badda. Rajiimka sharciga ee Iiraan ee marinka Hormuz waa ‘’gudbid
dambi la’aan’’ marka loo eego si guud sharciga caalamiga ah iyo korjoogteynta
badbaadada badda iyo tixgalinada ammaanka ee dowlad xeeb leh’’
Waxa uu ugu yeeray talaabo siyaasadeed, isaga oo sheegay in
uusan ka arkin ‘’wax qiimo ah’’ oo talaabadan siyaasadeed ay u leedahay Iiraan.
War deg deg ah, Iiraan: Israa’iil waa lagu ‘’khasbay xabbad-joojin’ ay bariso
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Iiraan Mohammed Reza Aref
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Iiraan Mohammed Reza Aref
ayaa sheegay Israa’iil ‘’lagu khasbay inay mar kale ka bariso Iiraan inay
aqbasho xabbad-joojin’’,
‘’Anagu ma raadsano dagaal,’’ Aref ayaa ku qoray qoraal uu
soo dhigay barta X. ‘’Laakiin difaacida ciiddeeena iyo qiyamkeena, marna gadaal
uma dhigayno.’’
War deg deg ah, Trump oo ku dhow Netanyahu uu uga tago ‘kaligiis dagaalka Iiraan’
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netenyahu
Donald Trump ayaa uga digay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin
Netenyahu inuu kaligiis uga tago dagaalka ka dhanka Iiraan, hadii isku dhacu uu
sii socdo, ayuu ugu sheegay Madaxweynaha Maraykanka wareysi uu siiyay warbaahinta
Channel 12 ee Israa’iil.
Wakaalada wararka Israa’iil ayaa ku warantay maanta in
Netenyahu aanu u sheegin Trump wax ku saabsan go’aankiisa ugu dambeeya ee
duqaynta Iiraan ee Axadii, ilaa laga gaaray xilli meeshii ugu dambeeyay ee
qorshaha la joogo.
Trump ayaa weydiistay Netenyahu Axadii inuu ka fogaado
duqaynta Iiraan isaga oo ka jawaabaya weeraro ay ku qaaday Israa’iil, kadib
markii Israa’iil ay weerartay caasimada Lubnaan ee Beirut.
Wadahadalka ayaa dhammaaday iyada oo aan wax is-afgarad ah
la gaarin iyo in Netenyahu aanu ku wargalin Trump go’aankiisa ugu dambeeya ee
xaalada, sida ay ku warantay Channel 12.
Xilli dambe, Netenyahu ayaa ku wargaliyay wasiirka arrimaha
dibadda Maraykanka Marco Rubio inuu go’aansaday inuu weeraro Iiraan. Trump ayaa
u sheegay Channel 12 inuu awoodday inuu ‘’hoos u dhigo heerka’’ dagaalka.
Trump ayaa uga digay Netenyahu in is-weydaatsiga xabadaha uu
noqon karo dagaal buuxa, sida uu u sheegay Channel 12.
‘’Waan kuu sheegay Bibi, waan in aad ka fiirsataa waxa aad
samaynayso, maxaa yeelay waa suurtagal in kaligaa lagaaga tago dagaalka ka
dhanka ah Iiraan sida ugu dhakhsaha badan.’’
Madaxweynaha Lubnaan Joseph Cawn ayaa ku eedeeyay Iiraan
inay u adeegsanayso Lubnaan sida warqad cadaadis oo wadahadalkeeda ay kula
jirto dowladda Maraykanka, isaga oo ugu baaqay Tehran ka joogsato sida ay
dalkiisa ugula macaamilayso dagaalada ka soconaya gobolka.
Waxaa uu Cawn ka sheegay wareyso uu siiyay shabakada CNN,
gaar ahaana la hadlaya ilaalada kacaanka Iiraan ‘’Wadankiina ma aha, waa
dalkeena’’ Waxaa uu kusii daray ‘’Shacabka Lubnaan ayaa la kulmaya khasaaraha
sabab la xiriirta danihiina gaarka’’
Waxa u xoojiyay madaxweynaha Lubnaan inuu samaynayo wax
walba oo suurtagal ah si uu dalkiisa uga badbaadiyo dagaalka, uuna laasimayo
wadahadalada lagu dhammaynayo dagaalka, isaga oo baaqay Israa’iil gaaritaanka
nabad waarta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Arragchi oo uga
jawaabayay madaxweynaha Lubnaan barta X, ayaa yiri ‘’Haddii Iiraan ay u
isticmaalayso Lubnaan warqaad is-afgarad, mar hore ayay gaari lahayd heshiis’’
Wuxuuna ku tilmaamay hadalada kasoo yeeray madaxweynaha Lubnaan mid iska dhaga
tiraysa weerarada sii socda ee Israa’iil ay ku hayso Lubnaan.
Wakiilka ugu sarreeya wadahadalada Iiraab Mohammad Baqer
Qalibaf ayaa soo saaray bayaan cusub oo ku dhaleecaynayo ‘xiisadii dhowaan’ ee Maraykanku
ku carqaladeeyay xabbad joojinta, sida uu sheegay.
‘’Hadafkeenu waa in aan dhammaynaa dagaalka oo aynu abuurnaa
ammaan, ma aha in aynu caadi ka dhigno xiriirkayaga Maraykanka, mana aamini Karno
dhanka kale,’’ ayuu Qalibaf ku qoray Telegram.
Waxaa uu intaas ku daray in Iiraan ay ka dhigayso
xirnaanshaha ‘’guul daro kale oo Maraykanka.
Dib u xasuusin, ciidamada badda Maraykanka ayaa xiray
dekedaha Iiraan kadib markii ay u muuqatay inay kantoroolayso marinka ayna lacago
kusoo rogtay Maraakiibta ka gudbaya Hormuz.
Tehran ayaa dareentay in Trump uusan dooneyn waqtigan dagaal kale
Waxay u badan tahay in
Israel aanay aqbaleyn duqeynta Iran ay kaga aargudaneyso weeraradooda Beirut. Balse
Iran waxay taagan tahay meel adag. Hoggaanka Iran waxay tijaabinayaan heerka
Trump uu ka taagan yahay arrintan.
Iran waxay ugu yaraan
ka dooneysaa Washington in labo waxyaabood ay midood ka hesho. Mid waa in ay
hesho lacag maadama uu haysto cadaadis dhaqaale. Tan kalena waxay tahay in ay
ka hortagtaa weerarada ku socda isbahaysigeeda Xisbullah ee Lubnaan.
Iran
waxay sidoo kale tijaabineysaa inta ay la egtahay jawaabta Washington hadii ay
duqeyso Israel..
Hoggaanka Tehran waxay
dareensan yihiin in ay leeyihiin awood badan. Waxay ku qasbayaan Israel in ay
joojiso dagaalka Lubnaan halka dhanka wadaxaajoodkana ay ku cadaadinayaan
Mareykanka in uu cunaqabteytna ka qaado.
Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay si adag uga jawaabeyso weerar kasta oo kaga yimaada Iran
Xigashada Sawirka, AP
Raysalwasaaraha Israel
Benjamin Netanyahu ayaa ka hadlay dagaalka Israel iyo Iran.
Hadal telefishinka
laga sii daayay ayuu ku tilmaamay Iran iyo Xisbullah in ay ka daciifsan yihiin
sidii hore. Wuxuu kaloo muujiyay in dagaalka uusan weli dhammaan.
Netanyahu wuxuu kaloo
sheegay hadii Iran ay ku soo qaado weeraro kale in ay ka bixin doonaan jawaab
xoogan, ayna xaq u leeyihiin in ay isdifaacaan.
Netanyahu
wuxuu kaloo ka hadlay wixii isaga iyo Trump khadka taleefoonka ku dhexmaray,
wuxuu sheegay in ay wadahadlayeen ilaa markii uu dagaalka bilowday.
Muuqaalada Tehran oo noloshu caadi tahay iyadoo la duqeynayo
Kaddib marki Israel iyo Iran is-weydaarsadeen duqeymo, waxay
labada dal ku dhawaaqeen in ay hakinayaan dagaalka.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa nolosha magaalada
Tehran oo caadi ah
Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Iran oo la xiriirta xirnaashaha marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, EPA/ Shutterstock
Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in dalalka
xubnaha ka ah ururka ay cunaqabatayn ku soo rogeen Iran taas oo la xiriirta waxa
ay ku tilmaameen xirnaashaha marinka Hormuz.
Qoraal
ay soo dhigtay barta X ayey Kaja Kallas ku
sheegtay in, “Bariga Dhexe uu u dhexeeyo wadahadallo nabadeed iyo
xabadjoojin jilicsan”.
Diyaaradaha aan
duuliyaha laheyn ee Tehran ayaa khatar ku ah isu socodka gaadiidka badda ee
marinka Hormuz. “Wasiirda way u cadahay in tallaabooyinka Iran aan la aqbali
karin”.
Xubnaha Midowga
Yurub oo taas ka jawaabayay ayaa waxay Iran saareen cunaqabateyn la xiriirta
xayiraada maraakibta ee marinkaas.
Iran ayaa ku dhawaaqday
goor dhaweyd in la soo afjaray dagaalka hadda socda ee ay kula jiraan Israel.
Balse
waxay ka digeen hadii Israel ay sii wado weerarada, “koonfurta Lubnaan”, in Iran
ay ka bixineyso “jawaab ka adag tii hore”.
Aynu eegno wararkii
ugu dambeeyay
Israel iyo Iran ayaa xalay
ilaa iyo saakay is-weydaaranayay weeraro kaddib markii Iran ay ku dhawaaqday in
ay ka jawaabeyso duqeymaha Israel ee Beirut.
Xisbullah waxay
sheegtay saakay in ay gantaalo ku weerartay kolonyo askar Israel ah koonfurta
Lubnaan halkaas oo ciidamada IDF ay ka fulinayeen howlgal dhulka ah.
Ilaalada Kacaanka Iran
(IRG) waxay sheegeen in ay gantaallo ku weerareen warshad ku taal waqooyiga Israel
kaddib markii militeriga Israel ay beegsadeen dhowr goobood oo Iran ku yaal.
IDF waxay sidoo kale
sheegeen in ay soo afjareen weeraro ay ku qaadeen nidaamyada difaaca Iran halka
IRGC ay sheegeen in ay duqeeyeen labo saldhig oo ciidamada cirka Israel leeyihiin.
Wasaaradda arrimaha
dibadda Iran afhayeenkooda waxa uu sheegay in Mareykanku mas’uul ka yahay
gardarada Israel ka imaaneyso, uuna qaadayo mas’uuiyadda xiisadda.
Madaxweyne Trump ayaa
hore u sheegay in Iran iyo Israel eegayaan sidii ay dagaalka ku joojin lahaayeen.
Inta badan waxaa la sheegaa
in Iran ay ku fiican tahay “doorashada waqtiga ku haboon”, taas oo
macnaheedu yahay in ay go’aansato xiliga ay jawaabeyso.
Hab
cusub ayey hadda ku wajaheysaa weerarada ka dhanka ah Israel iyo jawaabaha ay
ka bixineyso duqeymaha Israel ee Lubnaan. Hoggaanka cusub ee sanadkan ka
soo baxay Tehran wuxuu cashar ka bartay dagaalkii 12-ka maalmood socday ee
sannadkii hore ay la galeen Israel. Waxay
joojiyeen habkii ahaa is-xakamaynta kaas oo loo arka daciifnimo.
“Waxay nagu eedeynayaan in aan nahay dad aan
waaqica fahamsanayn,” ayuu sarkaal Irani ah yiri, isagoo ka hadlayay
dhaleeceynta ay xagjiriintu u jeediyeen wax yar kaddib markii iska hor’imaadku
dhammaaday”.
Hadda, dadka wax dhaliili jiray ayaa go’aannada gacanta ku
haya. Hoggaamiyihii taxaddarka badnaa ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ee la
dilay maalintii ugu horreysay ee dagaalkan, mar dambe ma dejinayo xeerarka dagaalka.
Iran, oo muddo dheer isku dayeysay in ay ka fogaato dagaal
toos ah oo ay la gasho Maraykanka, ayaa hadda dhexda kaga jirto dagaalka. Tehran
waxay ka badbaaday dhibaato dhaqaale iyo mid militeri.
Sidoo
kale, tobannaan sano oo ay ku tiirsanayd istaraatiijiyadda “difaaca”, taas oo
ku dhisnayd wakiillo iyo xulafo sida Xisbullah si looga hortago in colaadaha
gaarto Iran gudaheeda ayaa hadda isbaddeshay, waxayna Tehran toos ah u
qaadeysaa weeraro si ay u difaacdo xulafadeeda.
Xisbullah ayaa sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Xisbullah ayaa
sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo gawaari militeri iyo ciidamo Israel
ah koonfurta Lubnaan saacadihii hore ee saakay.
Waxay ku sheegeen weerarkoodu
in bartilmaameedku ahaa meelaha ay ciidamada isugu yimaadeen ee dibadda
deegaanka Beit Yahoun. Xisbullah ayaa ku sheegtay tallaabadan in ay jawaab u
tahay xadgudubka xabadjoojinta Israel iyo weerarada ay ku hayso tuulooyinka ku
yaal koonfurta Lubnaan.
Israel weli kama hadal,
lamana oga inta ay la gaarsiisan tahay waxyeelada iyo dhaawacyada ka dhashay
dagaalka.
Militeriga
Israel ayaa ku qaaday koonfurta Lubnaan weeraro dhulka ah, waxayna ku sheegeen weeraradaas
isku day lagu joojinayo weerarada Xisbullaah ee waqooyiga Israel.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan Iran iyo Israel
Xigashada Sawirka, Reuters
“Israel iyo Iran waa in ay degdeg u joojiyaan 'weerarada”, ayuu Mr Trump ku qoray
bartiisa bulsho ee Truth Social.
Kaddib markii Israel ay weerartay dhowr magaalo oo
ay ku jiraan Tehran, Isfahan, Tabriz, iyo Karaj, ayey Mareykanka waxay sheegeen
in aysan wax kaalin ah ku laheyn ama aysan qeyb ka aheyn dagaalka.
Dhanka kale, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda
Iran, Esmail Baghai, ayaa sheegay maanta in Mareykanku uu mas’uul ka yahay waxa
ka socda gobolka oo dhan.
Iran iyo Israel ayaa weeraro hor leh isku qaaday
maanta. Trump ayaa muujiyay sida uu uga niyadjabsan yahay arrintan iyo
xabadjoojinta kaddib markii ay weerarada bilowdeen.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil iyo Iran ay tahay inay si degdeg ah u joojiyaan “is-weydaarsiga”, hubka.
Arrintan ayaa ku sheegay qoraal cusub oo uu soo dhigay barta Truth Social oo inta badan uu farrrimihiisa ku baahiyo.
Kahor duqeymaha aargoosiga ah ee Israa’iil, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka iyo kuwa caalamiga ah in uu ka codsanayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uusan ka aargoosan weerarka Iran.