Cumar Cartan oo markii ugu horeysay ka hadlay safarkiisii Maraykanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Alastair Telfer
- Role, BBC Sport journalist
- Published
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Garsoore Cumar Cartan ayaa sheegay in lala yeeshay waraysi dhanka socdaalka ah oo qaatay 11 saacadood ka hor inta aan loo diidin in uu ka qeyb galo koobka adduunka ee Mareykanka inkastoo uu heystay "warqadaha saxda ah" iyo "fiisaha saxda ah" sida uu sheegay.
Cartan oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda Final-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska, kaddib markii laga diiday inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Miami.
Ma jirto sabab dib u celinta Cartan ku saabsan oo ka soo baxday laanta socdaalka Mareykanka, balse Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska mamnuucista socdaalka ee uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump.
Ka dib markii uu la hadlay madaxda Mareykanka, xiriirka adduunka ee Fifa wuxuu sheegay in Cartan uu ka maqnaan doono tartanka.
"Aad iyo aad ayaan u niyad jabsanahay," Cartan ayaa u sheegay New York Times. "Kaliya waxaan ahay garsoore isku dayaya inuu ku noolaado riyadiisa - riyadii ugu weyneyd ee nolosheyda, inaan imaado koobka aduunka."
Bayaan ka soo baxay Fifa oo ku saabsan go'aanka ayaa lagu yiri: "Fifa waxay xaqiijin kartaa in garsooraha ciyaarta Cumar Cabdulqaadir Cartan uusan awoodin inuu tababarto sidoo kalana uu dhexdhexaadiyo Koobka Adduunka ee Fifa 2026 ka dib markii loo diiday inuu galo Mareykanka.
"Fifa kuma lug laha hababka socdaalka dalka martida loo yahay, oo ay ku jiraan go'aan ka gaarista fiisaha, waxayna ku wargeliyeen mas'uuliyiintu in Mr Cartan xaaladiisa aan wax laga bedeli doonin hadda."
La-taliye sare oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay BBC-da in loo diiday in uu gudaha galo, waxaana uu sheegay in Cartan uu ku safrayay warqado sax ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa BBC u sheegay in Cartan si gaar ah loogu sameeyay baasaboorka dublamaasiga ah si loo fududeeyo socdaalkiisa kaddib markii uu horay ugu dhibtooday fiisaha.
"Waxaan haystay waraaqo sax ah iyo wax walba, waxaan haystay fiisaha saxda ah," ayuu yiri Cartan.
Ka dib waraysiga socdaalka oo qaatay 11 saacadood, Cartan waxa uu sheegay in la geeyey meel gooni ah oo lagu hayo halkaas oo uu ku xirnaa saacado badan ka hor inta aan la saarin diyaarad dib ugu celisay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Isagoo la hadlayay BBC World Service, Andrew Giuliani, oo hogaaminaya guddiga shaqada ee Aqalka Cad ee Koobka Adduunka, ayaa yiri: "In kasta oo aanan geli karin faahfaahinada hoose ee ku saabsan arrinka, waxaan kuu sheegi karaa inay ahayd go'aan sax ah oo ka yimid kastamka iyo ilaalada xuduudaha, waana taageersanahay go'aankaas."
Suurtagal ma noqon doonto in Cartan uu joogo meel ka baxsan Maraykanka oo uu kaliya dhexdhexaadiyo ciyaaraha ka dhacaya Canada ama Mexico.
Madaxa garsoorayaasha Pierluigi Collina ayaa u sameeyay xarun tababar oo loogu talagalay 52 garsoore iyo 88 kaaliyaha garsoore ee Miami.
Dhammaan saraakiisha goobta ku sugani waa inay joogaan saldhigga Florida si ay u tababartaan, una diyaargaroobaan.
Bishii Disembar, Trump waxa uu saxafiyiinta u sheegay inuusan doonayn soo-galootiga Soomaalida ee Mareykanka, ayna tahay inay "ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen".
"Waxaan u maleynayaa inay dhibaato ku qabaan dalkayga," ayuu Cartan ku daray.
Koobka Adduunka waxa uu bilaabanayaa 11ka Juun ilaa 19ka Luulyo.
Cartan oo ah sarkaal ka tirsan Somali National League ayaa sanadkii 2018 soo noqday garsoore Fifa, wuxuuna soo dhex dhexaadiyay koobkii qaramada Afrika.
Xaalada Cartan ayaa ah midii ugu dambeysay ee ka dhacda koobka aduunka, iyadoo xiriirka kubada cagta Iran uu Talaadadii sheegay in la laalay tikidhkii taageerayaasha ee heerka group-yada.
Pundit iyo weeraryahankii hore ee England Ian Wright ayaa tartanka ku tilmaamay "Koobka Adduunka ee fowdada", isagoo muuqaal uu soo dhigay Instagram-ka ku yiri: "Saacadaha kasta, waa sheeko kale oo ku saabsan taageereyaasha oo la diiday, ciyaartoygii oo la diiday, saxafiyiintii oo la diiday, haddana waxay maraysaa garsoorayaal.
"Waan qoslaya laakiin ma ahan wax lagu qoslo
"Sidaan oo kale ma martigaliyayaasha ayaa u dhaqma ciyaarta ugu weyn, tartanka ugu weyn adduunka? Miyaynaan maqal wax badan, ma aragno miyaa Qatar, miyaynaan maqal wax badan? Tani ma ruuxda kubadda cagtaa, runtii?
"Waan la dareemayaa taageerayaasha Mareykanka ee quusta ka taagan arrintan - sida ay tani ceeb ugu tahay iyaga.
"Kani waa Koobka Adduunka ee fowdada."











